Caasimada Online

Caasimada Online Caasimada Online: Your trusted source for news on Somalia. Politics and policy, culture, and more.

Ciidamada Itoobiya oo la saftay Daraawiishta Jubaland ayaa xalay weeraray xero ciidamada NISA ay ku leeyihiin gudaha deg...
07/28/2025

Ciidamada Itoobiya oo la saftay Daraawiishta Jubaland ayaa xalay weeraray xero ciidamada NISA ay ku leeyihiin gudaha degmada Doolow ee gobolka Gedo, sida ay inoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Weerarka ciidamada Itoobiya oo ahaa madaafiic ayaa la sheegay inay ku gubeen saanad ciidan oo ay lahayd hay'adda NISA, oo taalay gudaha xerada uu dagaalku ka dhacay, taas oo keentay in xaaladda ay kasii darto.

Sidoo kale waxaa dagaalka ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, kadib markii dhinacyada ay is weydaarsadeen rasaas iyo madaafiic. Waxaa kale oo weerakan ku dhaawacmay saraakiil ciidan oo ku sugnaa goobta, wallow aan tirada rasmiga ah la ogeyn.

Dhinaca kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Dowladda Soomaaliya oo ku aadan dagaalka ka dhex qarxay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan gobolka Gedo.

Dagaalkan oo sii hurinaya xiisadda ka taagan gobolka ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliyaha NISA, Mahad Salaad ay ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay wada-hadallo kula yeesheen madaxda dalka Itoobiya.

Dowladda Shiinaha ayaa si adag u cambaareysay waxa ay ugu yeertay "isbahaysi" dhexmaray Somaliland iyo Taiwan, iyadoo ku...
07/28/2025

Dowladda Shiinaha ayaa si adag u cambaareysay waxa ay ugu yeertay "isbahaysi" dhexmaray Somaliland iyo Taiwan, iyadoo ku adkaysanaysa "mabda'eeda hal China" isla markaana ka digtay in tallaabooyinka noocan oo kale ah ay "si bareer ah ugu xad-gudbayaan" madax-bannaanideeda.

Cambaarayntan ayaa si toos ah uga soo baxday afhayeen u hadlay safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, kaas oo ku nuux-nuuxsaday in "Taiwan ay tahay qayb aan laga goyn karin dhulka Shiinaha."

War-saxaafadeedkan ayaa daba socda warar sheegaya in madaxa arrimaha dibadda ee Somaliland uu dhawaan heshiis "iskaashi dhanka ciidamada ilaalada xeebaha ah" la saxiixday Taiwan. Faah-faahinta heshiiskan la sheegay laguma xusin bayaanka safaaradda.

"Somaliland waa qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya," ayuu xaqiijiyay afhayeenka safaaradda Shiinaha, isagoo la jaan-qaadaya mowqifka guud ee beesha caalamka ee ah in Somaliland ay weli tahay qayb muhiim ah oo ka tirsan Soomaaliya.

Kheyre: Wixii maanta dhacay waa dayac, mas’uuliyad darro iyo qorsho xumo dowladeed
07/27/2025

Kheyre: Wixii maanta dhacay waa dayac, mas’uuliyad darro iyo qorsho xumo dowladeed

Taliyaha NISA, Mahad Salaad iyo Taliyaha Sirdoonka Itoobiya, Ridwaan Xuseen ayaa maanta ku kulmay magaalada Addis Ababa....
07/27/2025

Taliyaha NISA, Mahad Salaad iyo Taliyaha Sirdoonka Itoobiya, Ridwaan Xuseen ayaa maanta ku kulmay magaalada Addis Ababa. Labada taliye ayaa isla gartay kor u qaadista xiriirka labada hay’adood iyo iskaashiga xoojinta amniga, gaar ahaan dagaalka AS.

Sidoo kale, labada taliye waxay isla qaateen muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dal, si loo ciribtiro kooxaha x*gjirka ee halista ku ah amniga Soomaaliya, Itoobiya iyo guud ahaan gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoo...
07/27/2025

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasi oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah.

Xasan Sheekh ayaa halkaasi uga qeyb-galaya shirweynaha Qaramada Midoobey ee sugnaanta cuntada adduunka, kaas oo ay ka qeyb yihiin hoggaamiyeyaal ka socda caalamka iyo gobolka.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Addis Ababa waxa uu la kulmi doonaa Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo ay ka arrinsan doonaan xiriirka labada dal iyo arrimaha ka taagan gobolka, gaar ahaan xiisadda sare u kacday ee Itoobiya iyo dalalka Badda-cas.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Madaxweynuhu uu Abiy kala hadlo xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrinta Gedo oo ay mar kale kasoo cusboonaatay xiisad Dowladda Federaalka kala dhexeyso maamulka Jubaland, halkaas oo ay sidoo kale joogaan ciidamada Itoobiya.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhow AS ay la wareegtay gacan ku haynta degmada Maxaas ee ...
07/27/2025

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhow AS ay la wareegtay gacan ku haynta degmada Maxaas ee gobolkaasi, kadib dagaal culus oo maanta ka dhacay halkaasi.

Dagaalka oo xoogganaa ayaa ka dhacay banaanka kore ee magaalada, gaar ahaan xadka kala qaybiya gobollada Hiiraan iyo Galgaduud oo ka kala tirsan maamullada Galmudug iyo HirShabelle, wuxuuna kadib kusii fiday qaybaha kale ee degmadaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in xubnihii ugu badnaa ee AS ay xoogga soo saareen Maxaas, waxaana inta uu socday dagaalka la maqlay qaraxyo culus oo ismiidaamin ah oo ka dhacay duleedka magaaladaasi.

Weerarka iyo dagaalka xigay kadib ayaa waxaa lasoo wariyay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay kasoo baxeen gudaha magaalada, waxaana sidaas ku galay maleeshiyada AS.

Dabageed: ‘Dr’ waa naanays, weligayna ma soo marin dugsi iyo jaamacad.
07/27/2025

Dabageed: ‘Dr’ waa naanays, weligayna ma soo marin dugsi iyo jaamacad.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u dhaqaajisay dadaal taariikhi ah oo dib loogu soo celinayo shilin Soomaaliga si uu u noq...
07/27/2025

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u dhaqaajisay dadaal taariikhi ah oo dib loogu soo celinayo shilin Soomaaliga si uu u noqdo lacagta rasmiga ah ee dalka, si dalku dib ugu soo ceshto madax-bannaanidiisa dhinaca maamulka lacagta, kadib tobannaan sano oo lagu tiirsanaa dollarka Maraykanka.

Dib-u-habayntan ballaaran oo ay mas'uuliyiinta Soomaalidu ku tilmaameen “arrin mudnaan qaran leh,” waxay qeyb ka noqon doontaa is-weydaarsi lacageed oo dhameystiran iyo soo bandhigidda “nidaamka guddiga lacagta” (currency board arrangement) oo si adag loo maamuli doono, si loo xasilloonneeyo shilinka cusub loona dhiso kalsoonida shacabka.

Qorshahan oo helaya taageero farsamo iyo mid maaliyadeed oo xooggan oo ka imaanaysa Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF), ayaa dhowaan helay $10 milyan oo dollar oo lagu xoojinayo dadaallada lagu horumarinayo dib-u-habaynta ballaaran ee dhaqaalaha Soomaaliya.

Dib-u-habaynta lacagta oo udub-dhexaad u ah aragtida dawlad-dhisidda ee xukuumadda, ayaa loo arkaa mid muhiim u ah midnimada qaranka. Si kastaba, guusha qorshahan ayaa si weyn ugu xiran in la helo is-afgarad siyaasadeed oo dhex mara Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, taas oo ah hawl adag marka la eego xaaladda siyaasadeed ee kala qaybsan ee Soomaaliya.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay hareereeyeen Cabdirashiid Janan iyo ciidamadiisa, kadib markii ciidamada taabacsan ...
07/26/2025

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay hareereeyeen Cabdirashiid Janan iyo ciidamadiisa, kadib markii ciidamada taabacsan Axmed Madoobe ay si buuxda ula wareegeen magaalada, sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha gobolka Gedo ee Jubbaland.

“Cabdirashiid Janan iyo ciidamada la socda waxa ay ku sugan yihiin xerada UK, oo weliba geesaha ay ka taagan yihiin ciidamada dowladda Jubbaland,” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Al-Qaadi.

Sidoo kale, Al-Qaadi ayaa beeniyay in ciidamo ka tirsan Jubbaland ay u goosteen dhanka Dowladda Federaalka, kuwaas oo uu maanta soo bandhigay Cabdirashiid Janan oo ku magacaaban Taliyaha NISA ee Jubbaland.

Itoobiya ayaa billowday olole diblomaasiyadeed oo xooggan oo ay ku doonayso inay ku muujiso in hamigeeda ah inay hesho m...
07/26/2025

Itoobiya ayaa billowday olole diblomaasiyadeed oo xooggan oo ay ku doonayso inay ku muujiso in hamigeeda ah inay hesho marin badeed uu yahay "mid nabadeed oo ku saleysan baahi dhaqaale."

Waxay sheegtay inay taageero caalami ah kasbatay xilli ay wajahayso cambaareyn kulul oo kaga timid Soomaaliya, taasoo ka dhalatay heshiis muran dhaliyay oo ay la gashay Somaliland, oo si weyn u gilgilay Geeska Afrika.

Fariin isku dubaridan oo ay saraakiil sare oo Itoobiyaan ah direen Jimcihii, ayay si cad u muujiyeen in helitaanka deked uu yahay arrin muhiim ah oo la xiriirta jiritaanka qaranka Itoobiya, balse ay u marayaan wado nabadeed oo ku saleysan iskaashi iyo dan wadaag.

Hadalladan ayaa u muuqda kuwo looga dan leeyahay in lagu dejiyo xiisadaha gobolka ee cirka isku shareeray tan iyo horraantii 2024, markaas oo Itoobiya si bareer ah ugu xad-gudubtay qarannimada Soomaaliya.

Cabdirashiid Janan, Taliyaha NISA ee Jubbaland ayaa maanta Beledxaawo kusoo bandhigay ciidamo uu sheegay inay kasoo goos...
07/26/2025

Cabdirashiid Janan, Taliyaha NISA ee Jubbaland ayaa maanta Beledxaawo kusoo bandhigay ciidamo uu sheegay inay kasoo goosteen maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Ciidamadan oo wata hubkooda ayaa waxaa xerada UK oo ay haatan ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya kusoo dhoweeyay Cabdirashiid Janan. Taliyaha NISA oo la hadlay ciidamada usoo goostay ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya ay kamid yihiin ciidanka qaranka, loona bilaabayo mushaar toos ah.

"Runtii waxaad qaadateen go'aan geesinimo leh markii aad aragteen xaaladda sida ay tahay, ogaada abaalkeeda waa la idin hayaa," ayuu yiri Janan, oo sidoo kale farriin u diray ciidamada u dagaalamaya Axmed Madoobe, wuxuuna ugu baaqay inay isaga soo tagaan oo ay qaataan nabadda, lana shaqeeyaan dowladooda.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka Jubbaland oo ku aadan ciidamada la sheegay inay ka goosteen ee maanta lagu soo bandhigay magaalada Beledxaawo.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka fakareysa inay isbeddel weyn ku sameyso hoggaanka ciidankeeda, iyadoo u magacaabeysa taliyah...
07/26/2025

Dowladda Soomaaliya ayaa ka fakareysa inay isbeddel weyn ku sameyso hoggaanka ciidankeeda, iyadoo u magacaabeysa taliyaha xiga ee ciidamada qalabka sida siyaasi xiriir dhow la leh dalka Turkiga, taas oo halis gelin karta xiriirka aan sidaas u sii adkeyn ee kala dhaxeeya Mareykanka.

Ilo-wareedyo ku dhow Villa Somalia ayaa sheegaya in Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo hadda ah Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda uu yahay qofka ugu cadcad ee laga fakarayo in loo magacaabo taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Magacaabistan la filayo ayaa noqoneysa isbeddel weyn oo lama filaan ah, maadaama ay ku soo aadeyso bilooyin yar kaddib markii Jaamac laga qaaday xilkii Wasiirka Gaashaandhigga, kaasoo si weyn loo arkayay inuu jawaab u ahaa cadaadis ka yimid Mareykanka.

Haddii la magacaabo, Jaamac wuxuu xilka kala wareegi doonaa Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage, oo ah taliye uu Mareykanku tababaray, kaasoo hoggaaminayay ciidanka tan iyo sanadkii 2019-kii, isla markaana si weyn loogu qadariyo inuu yahay shaqsi xasillooni ka dhex abuuray ciidamada.

Address

Minneapolis, MN

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Caasimada Online posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Caasimada Online:

Share