Caasimada Online

Caasimada Online Caasimada Online: Your trusted source for news on Somalia. Politics and policy, culture, and more.

Madaxweyne Xasan Sheekh: "Tuuga wax dhaca waxaa ka daran midka maskaxda dadka dhaca."
08/12/2026

Madaxweyne Xasan Sheekh: "Tuuga wax dhaca waxaa ka daran midka maskaxda dadka dhaca."

Maxk**adda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta xorriyadeeda dib u siisay Sacdiya Macallin Cali (Sacdiya Bajaaj) oo ay...
08/12/2026

Maxk**adda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta xorriyadeeda dib u siisay Sacdiya Macallin Cali (Sacdiya Bajaaj) oo ay horay Maxk**adda Gobolka ugu soo xukuntay saddex sano oo xarig ah.

Qareennada difaacayay Sacdiya ayaa soo qaatay racfaan, kadibna waxaa guda gashay Maxk**adda Racfaanka Gobolka Banaadir oo maanta burisay xukunkii h**e, iyada oo sheegtay in aan loo cuskan asbaab sharci ah.

Garsooraha Maxk**adda ayaa ku dhawaaqay inay xor tahay Sacdiya Bajaaj oo in ka badan 100 maalmood ku xirneyd Xabsiga Dhexe ee Xamar.

"Israaca maalintu dhashay ayuu dhintay, caddaalad darro ayuu ku dhisnaa. Laba dowladood ayaa israacay, dowladii Koonfur ...
08/11/2026

"Israaca maalintu dhashay ayuu dhintay, caddaalad darro ayuu ku dhisnaa. Laba dowladood ayaa israacay, dowladii Koonfur baa wixii oo dhan wada qaadatay. Dhaqan Islaam ma aha oo dhaqan Soomaali ma ahan, xitaa dhaqan gaal maaha dad dowlad kula yimid in banaanka u tuurto" – Danjire Cawil.

Janan: "Axmed Madoobe in uusan doqan aheyn ayaa ogahay laakiin dowlad Soomaliyeed ma rabo."Maxaa kaga baxay?
08/11/2026

Janan: "Axmed Madoobe in uusan doqan aheyn ayaa ogahay laakiin dowlad Soomaliyeed ma rabo."

Maxaa kaga baxay?

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag uga horyimid doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed ...
08/10/2026

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag uga horyimid doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), iyagoo cambaareeyay wixii maanta ka dhacay xarunta baarlamaanka.

Golaha ayaa sheegay in muddo-xileedkii dastuuriga ahaa ee baarlamaanka Soomaaliya uu ku ekaa 14-kii April 2026, sidaas darteedna uusan laheyn wax sharciyad dastuur iyo mid siyaasadeed oo uu ku dooran karo hoggaamiye cusub.

"Golaha Mustaqbalka wuxuu si adag u cambaaraynayaa, una diiddan yahay doorasho-ku-sheegga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee muddo-xileedkiisu dhammaaday," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Golahan oo ay ku mideysan yihiin qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu doonayo in uu gacanta ku dhigo hannaanka doorashada, uuna hor istaago tartamayaasha awoodda leh, isla markaana uu natiijada horay u sii jaan-gooyo.

Golaha ayaa mar kale adkeeyay in khilaafka doorashooyinka Soomaaliya aan lagu xallin karin tallaabooyin hal dhinac ah, ku-takrifal awoodeed iyo hannaan natiijadiisa horay loo sii go'aamiyey.

"Jidka keliya ee lagu soo celin karo sharcinimada dastuuriga ah iyo kalsoonida siyaasadeed waa heshiis loo dhan yahay oo saldhig u noqda doorasho heshiis lagu yahay, laguna kalsoonaan karo hannaankeeda iyo natiijadeeda," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Golaha Mustaqbalka.

“Golaha Shacabka waxaan ku hoggaamin doonaa siyaasad xasilloon iyo wadajirka Golaha." – Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Ca...
08/10/2026

“Golaha Shacabka waxaan ku hoggaamin doonaa siyaasad xasilloon iyo wadajirka Golaha." – Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

DENI oo shaaciyay in uusan mar kale isu sharixi doonin xilka madaxweynaha Puntland, balse uu dhisi doono musharax kale.
08/10/2026

DENI oo shaaciyay in uusan mar kale isu sharixi doonin xilka madaxweynaha Puntland, balse uu dhisi doono musharax kale.

"Xil laguu xoogo kuma siin karo waayo-aragnimo aadan lahayn, kugumana abuuri karo garasho siyaasadeed, dulqaad hoggaamin...
08/09/2026

"Xil laguu xoogo kuma siin karo waayo-aragnimo aadan lahayn, kugumana abuuri karo garasho siyaasadeed, dulqaad hoggaamineed iyo haybad aadan h**e u soo kasban. Soomaalidu waxay tiraahdaa: ‘Dhar magaalo xirashadiis, dhal magaalo laguma noqdo.’” – Xil. CC Shakuur.

Iran ayaa Sabtidii soo bandhigtay shuruudo culus oo ay sheegtay in Mareykanka laga doonayo inuu fuliyo ka hor inta aan d...
08/09/2026

Iran ayaa Sabtidii soo bandhigtay shuruudo culus oo ay sheegtay in Mareykanka laga doonayo inuu fuliyo ka hor inta aan dib loo furin Marinka Hormuz, arrintaas oo mugdi gelisay rajadii laga qabay in dhowaan dib loo soo celiyo isu socodka caadiga ah ee maraakiibta ganacsiga.

Mohammad Bagher Zolghadr, xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran ayaa sheegay in dib u furista marinkan istaraatiijiga ah aysan dhici doonin ilaa Washington ay wax ka beddesho siyaasaddeeda ku wajahan Tehran.

Zolghadr ayaa dalbaday in Mareykanka uu qaado xannibaadda badda ee lagu hayo dekedaha Iran, meesha ka saaro cuna-qabateynta dhaqaale, isla markaana ciidamadiisa kala baxo hareeraha Iran.

Waxa uu sidoo kale dalbaday in Iran la siiyo magdhow la xiriira dagaalka, loo fasaxo hantida Iran ee dibadda lagu xannibay, lana joojiyo hanjabaadaha ka dhanka ah Tehran iyo weerarrada lagu hayo xulafadeeda gobolka.

Shuruudahan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in wada-hadallada socda aysan horseedin dib u furis degdeg ah oo lagu sameeyo Marinka Hormuz, oo ah marin muhiim u ah ganacsiga tamarta caalamka.

Aqalka Cad ayaan isla markiiba ka jawaabin dalabaadka cusub ee Iran. Heshiis xabbad-joojin ah oo Mareykanka iyo Iran ay gaareen bishii June ayaa dhigaya in si buuxda looga qaado Tehran cuna-qabateynta haddii heshiis k**a dambeys ah laga gaaro barnaamijkeeda nukliyeerka.

Washington ayaa sidoo kale horay u sheegtay in Iran aysan heli karin hantideeda dibadda lagu xannibay ilaa ay marka h**e ka tanaasusho kaydkeeda yuraaniyaamka sida aadka ah loo tayeeyay.

Si kastaba, Iran ayaa si weyn u xaddiday dhaq-dhaqaaqa maraakiibta marinka kadib markii Mareykanka iyo Israel ay weerar ku qaadeen dalkaas bishii February, taas oo dhalisay dagaal saameyn weyn ku yeeshay ganacsiga iyo suuqyada tamarta caalamka.

Pakistan, Sacuudiga iyo Turkiga ayaa maanta kala saxiixday heshiis wadajir ah oo dhinaca difaaca ah, kaas oo dhigaya "in...
08/07/2026

Pakistan, Sacuudiga iyo Turkiga ayaa maanta kala saxiixday heshiis wadajir ah oo dhinaca difaaca ah, kaas oo dhigaya "in weerar lagu qaado mid ka mid ah saddexda dal loo aqoonsan doono weerar lagu qaaday dhammaantood," xilli ay sii kordhayaan xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe.

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan iyo Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa heshiiska oo loo bixiyay “Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Makkah” ku kala saxiixday kulan ka dhacay Qasriga Al-Safa ee magaalada Makkah, sida lagu sheegay bayaan wadajir ah oo ay soo saareen saddexda dowladood.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in heshiisku uu dhigayo “xoojinta dhammaan dhinacyada iskaashiga difaaca ee u dhexeeya saddexda dowladood.”

Tallaabadan ayaa ku soo beegmeysa xilli colaadda Bariga Dhexe ay ku sii fidayso dhowr jiho, oo ay ku jiraan Badda Cas iyo marin-biyoodka Baab al-Mandab, taas oo dalalka Khaliijka ku riixeysa inay xoojiyaan iskaashiga amniga gobolka.

Address

Minneapolis, MN

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Caasimada Online posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Caasimada Online:

Shortcuts

Share