Caasimada Online

Directions Website Contact the business

Caasimada Online Caasimada Online: Your trusted source for news on Somalia. Politics and policy, culture, and more.

Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan u sharaxday sababaha ay Addis Ababa uga gaabsaneyso aqoonsiga...
10/17/2026

Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan u sharaxday sababaha ay Addis Ababa uga gaabsaneyso aqoonsiga Somaliland, taas oo ah in aqoonsi ay siiso Somaliland uu sababi karo in Soomaaliya ay dalbato in ciidamada Itoobiya laga saaro dalkeeda, taas oo fursad weyn siin karta AS.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Israel, Tesfaye Yetayeh Anteneh oo wareysi siiyay telefishinka i24NEWS ayaa sheegay in tani halis gelin karto amniga gobolka.

Safiirka oo la weydiiyay sababta Itoobiya aysan ugu dayan Israel oo aqoonsatay Somaliland ayaa sheegay in go’aanka noocaas ah uu yeelan karo cawaaqib amni oo culus, gaar ahaan marka la eego ciidamada Itoobiya ee ka howlgala Soomaaliya.

Itoobiya ayaa Soomaaliya ku leh ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo ciidamo kale oo ku jooga heshiisyo amni oo labada dowladood ka dhexeeya, kuwaas oo ka qeyb qaata dagaalka lagula jiro ASA.

Joogitaanka ciidamada Itoobiya ayaa h**ey u noqday arrin muran xooggan dhalisay, kaddib markii Addis Ababa ay bishii Janaayo 2024 heshiis is-afgarad ah la saxiixatay Somaliland.

Heshiiskaas ayaa Itoobiya u oggolaan lahaa inay hesho marin xeebeed ku yaalla Gacanka Cadmeed, iyadoo beddelkeeda la hadal hayay inay aqoonsato Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiiska si adag uga hortimid, kuna tilmaantay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka. Khilaafka ayaa gaaray heer ay Soomaaliya ku hanjabtay inay dalkeeda ka saari doonto ciidamada Itoobiya haddii Addis Ababa aysan ka laaban heshiiska.

Ciidamada taabacsan Madaxweynihii h**e ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa si nabad ah ula wareegay magaal...
10/16/2026

Ciidamada taabacsan Madaxweynihii h**e ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa si nabad ah ula wareegay magaalada Bardaale ee gobolka Baay, taas oo noqonaysa magaalada saddexaad ee ay kala wareegaan maamulka Koonfur Galbeed.

Qabsashada Bardaale ayaa timid xilli ay isbeddel ku sameeyeen qaabka ay ula wareegayaan magaalooyinka, kaddib markii dagaalladii tooska ahaa ee ay la galeen ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa Dowladda Federaalka ay isu beddeleen in ay deegaannada qaarkood kula wareegaan iska caabin la’aan.

Lafta-gareen ayaa la sheegay inuu adeegsanayo wada-hadallo hoose iyo dhaqaale si uu u helo taageerada ciidamada ku sugan magaalooyinka, taas oo horseedaysa inay ka baxaan goobaha ay maamulaan iyada oo aan dagaal dhicin. Ciidamada Lafta-gareen ayaa h**e ula wareegay degmooyinka Buurhakaba iyo Qansaxdheere.

"Waxaan si adag u qaadacayaa jadwalka doorashada halka dhinac ah ee uu maanta ku dhawaaqay taliska Madaxweynaha muddo-xi...
10/16/2026

"Waxaan si adag u qaadacayaa jadwalka doorashada halka dhinac ah ee uu maanta ku dhawaaqay taliska Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday. Tani waxay sii kala dhantaalaysaa midnimada dalka iyo wadajirka ummadda" – RW h**e Kheyre.

Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si adag uga horyimid go’aanka Guddiga Doorashooyinka...
10/15/2026

Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si adag uga horyimid go’aanka Guddiga Doorashooyinka, isaga oo ka digay in tallaabadaasi ay halis gelin karto dowladnimada iyo mustaqbalka dalka.

Guddiga doorashada ayaa war-saxaafadeed uu maanta soo saaray ku sheegay in doorashada labada aqal ee baarlamaanka federaalka la qaban doono 15-ka April 2027, halka doorashada madaxweynaha loo asteeyay 15-ka May 2027.

Farmaajo ayaa go’aanka guddiga ku tilmaamay mid goonni-qaadasho ah, isagoo sheegay in guddiga uu sameystay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku tilmaamay madaxweyne muddo xileedkiisu dhammaaday.

“Hannaanka is-doorashada ee uu qaatay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, waxa uu halis gelinayaa dowladnimada iyo mustaqbalka dalka, waxa uuna horseedayaa doorashooyin isbarbar socda iyo dagaallo sokeeye oo dalka ku baaha,” ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo ayaa Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu doonayo inuu xukunka dalka ku boobo, isaga oo sheegay in qorshaha doorasho aan heshiis lagu ahayn, talana aysan ku lahayn dowlad-goboleedyada iyo mucaaradka, uu muujinayo siyaasad kali-talisnimo ah iyo ku tumasho dastuur.

Waxa uu sidoo kale ka digay in tallaabooyinka noocaas ahi ay dalka gelin karaan xaalad la mid ah tii uu sheegay inay ka dhalatay faragelintii lagu sameeyay qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, taas oo uu ku eedeeyay inay horseedday dagaallo sokeeye.

Farmaajo ayaa ugu baaqay madaxda iyo mas’uuliyiintii h**e ee dalka, madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada iyo dhammaan dhinacyada siyaasadeed inay si wadajir ah ugu istaagaan hirgelinta doorasho hufan oo loo dhan yahay, si dalka looga samatabixiyo marxaladda adag ee uu ku jiro.

Sidoo kale waxa uu dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya iyo beesha caalamka ugu baaqay inay door wax ku ool ah ka qaataan xal u helidda khilaafaadka doorashooyinka, ayna sii wadaan dadaallada dhexdhexaadinta ee lagu xaqiijinayo doorasho mideysan, daah-furan oo loo dhan yahay.

"Puntland haddii ay go'do, Somaliland waxay ku biiraysa Soomaaliya," – Faysal Cali Waraabe.
10/12/2026

"Puntland haddii ay go'do, Somaliland waxay ku biiraysa Soomaaliya," – Faysal Cali Waraabe.

"Waxaan si adag uga digayaa cawaaqibka xun ee ka dhalan kara daandaansiga iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee taliska Madaxwe...
10/12/2026

"Waxaan si adag uga digayaa cawaaqibka xun ee ka dhalan kara daandaansiga iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee taliska Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu ku beegsanayo guryaha ay Muqdisho ka deggan yihiin madaxdii h**e ee qaranka" – R/wasaare h**e Kheyre.

"Shirqoolkii la guntayay bilihii la soo dhaafay iyo shirarkiisii dhowaan soo gaba-gaboobay markii si kale oo lagu fuliyo...
10/12/2026

"Shirqoolkii la guntayay bilihii la soo dhaafay iyo shirarkiisii dhowaan soo gaba-gaboobay markii si kale oo lagu fuliyo iyo marmarsiiyo la cuskado la waayay wuxuu qorshe ka dhigtay “waa la i soo weerarayaa” loo gol-leeyahay habar-wacasho iyo marmarsiiyo maleeshiyaad lagu abaabusho," Wasiir Fiqi oo u jawaabay Shariif.

NISA ayaa shaaca ka qaaday in maleeshiyaad hubeysan oo ka amar qaata Madaxweyne h**e Shariif Sheekh Axmed ay isku dayeen...
10/11/2026

NISA ayaa shaaca ka qaaday in maleeshiyaad hubeysan oo ka amar qaata Madaxweyne h**e Shariif Sheekh Axmed ay isku dayeen inay iska hor imaad ku riixaan ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada shacabka ee hay'adda, xilli ay ku sugnaayeen Waaxda General Daa’uud ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Hay'adda ayaa sheegtay in ciidamada dharcadda ay muujiyeen feejignaan iyo xilkasnimo, isa markaana ay ka fogaadeen tallaabo kasta oo horseedi kartay gacan ka hadal iyo in lagu kor dagaalamo dadka shacabka ee aan waxba galabsan.

Sidoo kale, NISA ayaa soo bandhigtay caddeymo ay ku jiraan muuqaalo ay duubeen kaamirooyinka CCTV, kuwaas oo muujinaya in maleeshiyaad ku hubeysnaa AK-47, BKM iyo RPG ay xoog ku galeen guryo ku yaalla xaafadda Tiintiinley ee degmada Wadajir".

"NISA waa hay’ad amni oo ku shaqeysa sharciga, kana madax-bannaan loollanka siyaasadeed. Sidaas darteed, NISA ma oggolaan doonto in ciidamadeeda loo jiido khilaaf siyaasadeed, mana geli doonto wax gorgortan ah oo ku saabsan sugidda amniga iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed. Hay’adda waxaa ka go’an gudashada waajibaadkeeda sharci, ilaalinta xasilloonida caasimadda iyo ka hortagga fal kasta oo khatar gelinaya nabadgelyada bulshada," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay NISA.

Goor sii horreysay Xisbiga Himilo Qaran ee Madaxweynihii h**e Shariif Sheekh Axmed oo isna qoraal soo saaray ayaa ka digay ciidamo uu sheegay in la geeyay xaafadaha ay dagan yihiin mucaaradka, iyadoo arrintaas uu xisbiga ku tilmaamay inuu u arko daan-daansi dagaal, uuna cambaareynayo.

Sheekh Shariif oo kasoo laabtay safar uu ku tegay dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in dowladda uu hoggaamiyo Madaxw...
10/07/2026

Sheekh Shariif oo kasoo laabtay safar uu ku tegay dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ay uga qiil dhiganayso safarkiisa si ay u weerarto hoggaanka mucaaradka.

Shariifka ayaa sheegay in qoyskiisa uu degan yahay Imaaraadka, sidaas darteedna safarkaas loogu qiil sameysan karin weerar lagu qaado mucaaradka, isagoo dowladda uga digay inay ciidamada dowladda u adeegsato hoggaanka mucaaradka.

Hadalkan ayaa imanaya xilli dhawaan Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya uu socdaalka mucaaradka ee Abu Dhabi la xiriiriyay qorshe abaabul dagaal oo mucaaradka ka bilaabayo Muqdisho, kaasi oo uu sheegay in dowladdu si adag uga hortagayso.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dowladda Imaaraadka Carabta ku eedeeyay inay taageereyso dadaallada Somaliland ay ugu jirto...
10/06/2026

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dowladda Imaaraadka Carabta ku eedeeyay inay taageereyso dadaallada Somaliland ay ugu jirto inay Soomaaliya ka go’do, isagoo sheegay in arrintani ay sabab weyn u tahay xumaanshaha xiriirkii dhowaa ee u dhexeeyay Muqdisho iyo Abu Dhabi.

Address

Minneapolis, MN

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Caasimada Online posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Caasimada Online:

Shortcuts

Share