
28/12/2022
Madaxweyne dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta Muqdisho loogu sameeyay soo dhowoow aan h**e loo arag.
MR Geelle ayaa waxaa soo dhoweeyay tirada masuuliyiintii ugu badneyd abid ee garoonka uga hor taga masuul, sida madaxweynaha, ra'iisul wasaaraha, guddoonka Baarlamaanka, madaxweyneyaasha maamul goboleedyada, saraakiisha ciidamada qeybahooda kala duwan iyo xubno badan oo ka mid ah Baarlamaanka labadiisa gole iyo xukuumadda.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo uu wehliyo sida la filaayo madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa xariga ka jari doono akadeemiyad goboleedka Af-Soomaaliga ee AGA, oo uu hirgeliyay madaxweyne Geelle, taas oo ilaalin doonto Afka Soomaaliga.
Please Fallow iyo like 👍