09/08/2021
Dhacdo xanuun badan oo ka dhacday Magalada
Muqdisho ...
Qofkan sawirkiisa idin muuqda waxaa lagu Magacaaba khalid cabdullahi Axmed, Magalada Muqdisho ayuuna Bil kahor yimid wuxuna ka yimid Magalada Baydhabo isagona boqasho ugu yimid walashiisa Nimco Cabdullahi oo Marwa la qabo ah musana Caruur heesata .
khalid si qurux badan ayee walaashiis ugu soo dhaweysay guriga ee ka dagan tahay Xafada Degmada Mdiino wuxuna aad iyo aad ugu farxay inuu arkay caruurta quruxda bdn uu abtiga u yahay,
Balse si kadis wuxuu ku arkay walaashiis Nimco oo jirkeeda dhawacyo Badan ee ka muuqdaan, dhawac yadaas oo iskugu jira kuwo h**e iyo dhawacyo Cusub,
wuxuna weydiiyay walaashiis sida ee wax u jiraan, iyo cida dhawaacyadaan u Geystay, laakin walaashiis Nimco oo wajigeeda cabsi fara badan ee ka muuqdan aya Go'ansatay
Walalkeed inee ka qariso cida Dhawacyadaan u geeystay, waxeeyna ku tir Aboowe Naago aya is dagaalnay, khaalid kulanka walaashiis kadib isagoo walwalsan ayu kasoo tagay,
Nasiib wanaag isbuuc kadib wuxuu Go'ansaday walashiis inuu iska soo Salaamo, lambarkeeda ayuu wacay balse waa uu dansanaa wuxuu tagay Guri Walashiis uu ku ogaa markii ugu dambeysay,
Albaabka markuu Garacay wuxuu maqlay walaashiis oo qeeylineesa misna oyneeysa albaabkii ayuuuna Harantii kudhuftay, waxana soo baxaay oo albaabkii ka furay Walaashii Ninka qabay,
Wuxuna arkay Walashiis Nimco oo la jir dilay misana jirkeeda wada dhiig ah, halkii waxaa uu Dagaal dhex maray khaalid iyo Seedigiis
Dadka Dariskii ayaa iskugu soo baxay ugu dambeyntii khaalid ayaa Go'ansaday Ninka walashiis sida Xun u diley inuu ka furo kadibna uu baydhabo geeyo,
Laaliin Ninkii ayaa diiday Walaashiis inuu u furo, khaalid aya ku dhaqaaqay arin uu ku muteeystay ciqaab Adag, Ninkii walaashiis qabay aya wuxu Galay Maasajid kamida maasajid yada ku yaala Degmada Maadiino
Ninkii isagoo kujira Qeybta lagu weeysa qaato waxa Masaajidka soo Galay Khaalid oo kuhubeysan Tooreey halkaasna wuxuu ku Dilay Ninkii Walaashis Qabay
Nasiib xumo Khaalid waxaa Gacanta kudhigay Askar Ciidanka Dowlada oo markaa goobta ka ag dhawaay ,
Hada Khaalid wuxuu sugaaya in la Qisaaso madama Marxuumkii uu dilay cidiisa ee dalbatay in khaalid isagana in loo Dilo.
Khaalid. Waa Dil Suge .