Tigaadh Media Group

Tigaadh Media Group Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Tigaadh Media Group, Media/News Company, Mogadishu.

Saacada ugu horaysa wuu faraxsan yahay, saacada kuxigta, ehelka oo dhan ayuu telefoon ku salaamaa, saacada kuxigta sidee...
20/10/2025

Saacada ugu horaysa wuu faraxsan yahay, saacada kuxigta, ehelka oo dhan ayuu telefoon ku salaamaa, saacada kuxigta sideed jeer ayuu musqusha kaadi u galaa, saacada kusii xigta aamus ayuu galaa, saacad kuxigtana 1XBET ayuu galaa, markuu lixdan dollar uu ku qamaaro, ayuu cid walba telefoon lacag ku weydiistaa,kaaga siidarane been buu sheegaa,

“islaan baa iga foolanaysa, casho la’aan ayaan ahay, kaniinkii sonkorta ayaa iga go’ay, tacsi ayaa na gashay, wiil baa iga jabay iyo wax aan jirin ayuu lacag ku gurtaa.

Saqdhexe markii la gaaro oo jaadku kasii dhamaanayo, ayuu tii miiska lafadhiday jaadka u tagaa.

Abaayo bargo’ ayaan ahay ee mijin jaad ah i deymi, iyadana uma naxariisatee mobile-kiisa ayay rahan ahaan uga qaadaa. Ilayn waa nin saqraansane.

Halkii ayuu ka sii wadaa ruugista jaadka, xili dambe ayuu tufaa baladii uu ruugayay, hurdo ayuu damcaa, bal car indho ha isukeeno, ilayn naftii seexan lahayd isagaa shidaye, waaga ayaa u barya siduu isu rogrogayo, salaadii subax ee faradka ahayd umaba xisaabsano.

Kudhowaad halka saac ee subaxnimo ayuu indhaha isgeliyaa, barqadii ayuu kacaa, markale jaadkii ayaa soodhaca, shaydaankii jaadka ayaa isna kusoo daga. Tii xalay mobile-ka rahanta uga qaaday ayuu u yimaadaa……

La soco qeybta dambe.

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Tigaadh Media Group posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share