19/04/2024
Garrow waxaad geed dheer iyo mid gaabanba u koreysaa in aad ka been sheegto taariikhda saxda ah ee waxaad sheegeysaa in degmada qoryooley adiga aad leedahay, taasina waa arin xaqiiqada ka fog, degmada qoryooley waxay leedahay taariikh la yaqaan oo guud ahaan dadka soomaaliyeed si gaar ahaan dadka degan deegaanka ay wada og-yihiin, arinkan ah inaad xaqqa iska indha tireyso oo aad ka been sheegeyso taariikhda degmada waxaa kugu riixaya sedex arimood midkood:
1. In aad isku aragto in Beesha Jiiddo aad dhici karto oo aad meesha ka saari karto.
2. In aad taariikhda inkireyso oo aad iska indha tireyso.
3. In aad tahay dad aan taariikhda wax ka ogeyn.
Waxaan rabaa in aan ku xusuusiyo soo jireenka taariikhda degmada qoryooley iyo kaalinta Beesha Jiiddo ee deegaankaasi.
Degmada qoryooley waxay degmo noqotey 1964, ka hor waxay ka tirsaneyd degmada Marka.
Hadaba, Qoryooley degmanimadeeda ka hor iyo kaalinta Beesha Jiido.
Kaalinta beesha jiiddo
Dowladdii daakhiliyada 1956 ee kala guurka ahayd xildhibaanada baarlamaanka ee loo soo xulayey waxaa loo firinayey QABIIL iyo DEGMO oo wada socda.
Hadaba, degmada qoryooley waxaa ka soo galey baarlamaanka qof Jiiddo ah, waana XAAJI CABDOW IBRAW.
Waxaan ku weydiinayaa GARROW taariikhdaasi maxaad degmada qoryooley uga soo geliweysey? Sida aad sheeganeyso degmada adigaaba lehe!
Doorashadii 1959 dalka ka dhacdey Degmada qoryooley waxaa mar labaad ka soo galey XAAJI CABDOW IBRAW.
Waxaan ku weydiinayaa GARROW taariikhdaasi maxaad degmada qoryooley uga soo geli weysey baarlamaanka? Sida aad sheeganeyso degmada adigaaba lehe!
Qoryoley Degmonimadeeda ka dib iyo kaalinta Beesha Jiido
Doorashadii 1964 dalka ka dhacdey waxaa Degmada qoryooley baarlamaanka ka soo galey XUSEEN CALIYOW IBRAW.
Waxaan ku weydiinayaa GARROW taariikhdaasi maxaad degmada qoryooley uga soo geli weysey baarlamaanka? Sida aad sheeganeyso degmada adigaaba lehe!
Doorashada 1969 dalka ka dhacdey waxaa mar labaad degmada qoryooley baarlamaanka ka soo galey XUSEEN CALIYOW IBRAW.
Waxaan ku weydiinayaa GARROW taariikhdaasi maxaad degmada qoryooley uga soo geli weysey baarlamaanka? Sida aad sheeganeyso degmada adigaaba lehe!
1984 markii dowladdii militeriga ay garwaaqsatey in degmooyinka duq magaale looga dhigo dadka ka soo jeeda deegaanada.
Hadaba 1984 - 1991 waxaa degmada qoryooley DUQ MAGAALO ka noqdey IBRAAHIM CALIYOW IBRAW oo Jiido ah.
GARROW waxaan ku weydiinayaa taariikhdaasi maxaad degmada qoryooley duq magaalo uga noqon weysey? Sida aad sheeganeyso degmada adigaaba lehe!
Waxaad u muuqataa reer rabitaankiisa ka h**eeyo taasina waxay kuu horseedeedi kartaa guul daro soo deg degta.
Aad ayey u yer tahay rajadaada ah in Jiiddo aad xoog wax kaga qaadan karto