Hon. Jibril Abdirashid Haji

Hon. Jibril Abdirashid Haji EX. MOCI, EX MOD and Now DPM of Federal Republic of Somalia and a Member of Somali Parliament

Minister of Commerce and Industry of the Federal Government of Somalia.

Congratulations to all EAC MPs from Somalia
15/10/2025

Congratulations to all EAC MPs from Somalia

Waxaan maanta tababar usoo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor ee Xoogga Dalka Soo...
04/10/2025

Waxaan maanta tababar usoo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo tababarro adag iyo aqoon ciidan ku soo qaatay dalka walaalaha. nahay ee Turkiga, iyo Kulliyadda Tababbarka Ciidamada TurkSom.

Dowladda Soomaaliya waxa ay dadaal badan ku bixisay dhismaha ciidan qaran oo xirfad iyo awood u leh la wareegidda amniga dalka iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ee nabadda diidan.

Waxaan u rajaynaya ciidanka tababbarka dhammaystay in ay qeyb ka noqdaan geesiyaasha xoogga dalka oo shacabka Soomaaliyeed ugu adeegaan daacadnimo, si ay door muuqda uga qaataan xasillinta iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyna waxaa u mahadceliyey dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga, dadaalkooda iyo garab istaagga ay u muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo aan u ogsoonahay doorka muuqda ay walaaltinimadeena.

Maanta oo ay Taariikhdu Tahay 30 Sebteember 2025:¬¬¬--- Waxaa farxad iyo sharaf weyn ii ah inaa ka qeybgalo xuskan maali...
30/09/2025

Maanta oo ay Taariikhdu Tahay 30 Sebteember 2025:¬¬¬--- Waxaa farxad iyo sharaf weyn ii ah inaa ka qeybgalo xuskan maalinta muhiimka ah ee Dalxiiska Soomaaliya, dalkeenu waxaa uu leeyahay kheyraad dabiici ah iyo dhaqan soo jiidasho leh, Xukuumadda DanQaran waxa ay dhiirigelinaysaa maalgashiga Kaabayaasha dhaqaalaha sida Waddooyinka, Garoomada diyaaradaha, Dekedaha, Amniga iyo dhammaan adeegyada taageera Dalxiiska, sido kale waxaa bogaadinayaa howlwadeenada iyo dhalinyaradda ka shaqeesa arrimaha dalxiiska Dalka.

Waxaa ilaahey nagu guuleeye maanta inaan dalka dib ugu soo Celino Dhalinyaro Soomaaliyeed oo in mudo ah ku dhibaateysnaa...
23/09/2025

Waxaa ilaahey nagu guuleeye maanta inaan dalka dib ugu soo Celino Dhalinyaro Soomaaliyeed oo in mudo ah ku dhibaateysnaa Xabsiyada dalka Libiya, waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa European Union (EU) iyo Hey’adda International Organization for Migration (IOM) oo gacan weyn naga siiyay soo daabulidda dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibaateysnaa xabsiyada dalalka caalamka, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa dowladda Libiya oo kaalin weyn ka qaadatay inay si nabadgalyo ah noogu soo wareejiyaan Muwadiinta Soomaaliyeed oo tiradoodu dhan tahay 151 kuwaasoo manta aan dalkood dib ugusoo celinay, Ka-Xukuumad ahaan DanQaran waxaa naga go’an inaan si guud dalka igu soo celinno Muwaadiniinta soomaaliyeed ee ku dhibaateysan xabsiyada caalamka. Ugu dambeyn waxaan ugu baaqayaa dharinyarada soomaaliyeed inay dalkooda aaminaan oo aysan u bareerin qatarta ay kala kulmayaan xansiyada caalamka.

Waxaan Hambalyo,  bogaadin iyo ducaba u diraayaa Madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali iyo Madaxweyne Kuxigeen Cabdirish...
30/08/2025

Waxaan Hambalyo, bogaadin iyo ducaba u diraayaa Madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali iyo Madaxweyne Kuxigeen Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo Maanta loo doortey hoggaaminta iyo Horumarinta Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, Waxaan u rajeenayaa labada Masuul inuu Alle u Fududeeyo Masuuliyada loo doortay iyo guud ahaan rajadda ay ka qabaan Shacabka Soomaaliyeed ku nool gudaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari.

Waxan Hambalyo udiraayaa Guddoomiyaha Cusub Golaha Wakiillada dowlad Goboleedka Waqooyi Barri Soomaaliya Mudane Dr.Aadan...
23/08/2025

Waxan Hambalyo udiraayaa Guddoomiyaha Cusub Golaha Wakiillada dowlad Goboleedka Waqooyi Barri Soomaaliya Mudane Dr.Aadan Cabdullahi Aw-xasan, oo maanta lagu doortay magaalada laascaanood. Guddoomiye Dr.Aadan waxan u rajeenayaa in Alle ufududeeyo masuuliyadda Culus ee loo igmaday, oo ay ugu horeeso Dhammeystir doorashooyinka hoggaanka Maamulka. Sido kale waxaan bogaadinayaa Xildhibaanada Dowlad-goboleedka Waaqooyi Barri Soomaaliya sida habsami waanaga leh ay u gutteen Mas’uuliyadii looga baahnaa iyo waajibaadka dastuuriga ahaa. Xukuumadda DanQaran waxay dadaal dheer ku bixisay Dhismaha Dowlada goboleedka Waqooyi Barri oo astaan u ah Xoojinta iyo Midnimadda Ummada Soomaaliyeed.

Intuu socdey shirka maalgashiga Biyaha Afrika ee ka socda magaalada Cape Town, waxaan shir doceed wax ku ool ah la yeesh...
13/08/2025

Intuu socdey shirka maalgashiga Biyaha Afrika ee ka socda magaalada Cape Town, waxaan shir doceed wax ku ool ah la yeeshay Madaxweynaha Koonfur Afrika Mudane Cyril Ramaphosa waxaanan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Koonfur Afrika ee dhinacyada ganacsiga, amniga, iyo iskaashiga caalamiga ah.

Waxa aan sidoo kale ka wada hadlay caqabadaha haysta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ku nool sida dilalka iyo dhaca loo geysto, wuxuuna naga balanqaadey Madaxweyne Ramaphosa inuu wax ka qaban doono.

Waxaa naga go’an xaqiijinta amniga iyo badqadbka ummadda Soomaaliyeed meelka kasto oo ay joogaanba.

waxaan halkaan ugu hambalyeynayaa walaalkey Abdifatah Mohamed  Rashid  iyo dumaashidey Hodon Omar Nor oo maanta meherkoo...
03/08/2025

waxaan halkaan ugu hambalyeynayaa walaalkey Abdifatah Mohamed Rashid iyo dumaashidey Hodon Omar Nor oo maanta meherkoodu ka dhacay Nairobi kenya. guri nagi iyo guur kheyr leh inshaa alaah

Maanta oo ay Taariikhdu tahay 20 Luulyo 2025: — Waxaan Shir guddoomiyey kulan ay yeesheen guddiga loo xilsaaray gurmadka...
20/07/2025

Maanta oo ay Taariikhdu tahay 20 Luulyo 2025: — Waxaan Shir guddoomiyey kulan ay yeesheen guddiga loo xilsaaray gurmadka dadka ay abaartu ku saameysay gobolka Awdal, sido kalena waxaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira xaaladaha nololeed iyo saameynta ay abaartu ku yeelatay degmooyinka Saylac, Lughaya iyo tuulooyinka hoos yimaada, Xukuumadda DanQaran ayaa ku howlan sidii loo dardargelin lahaa gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu ku saameeyeen gobolka Awdal.

Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa munaasabadda qiimaha badan ee 1-da Luulyo, oo ah maalinta Xornimada iyo ...
30/06/2025

Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa munaasabadda qiimaha badan ee 1-da Luulyo, oo ah maalinta Xornimada iyo Midnimada Qaranka Soomaaliyeed.
Waa maalin taariikhi ah oo mudan in la xuso, lana xurmeeyo — maanta oo kale 65 sano kahor, waxaa dhashay rajo, midnimo iyo dowladnimo Soomaaliyeed.

Sharaf ayay ii ahayd maanta oo ay taariikhdu tahay 19 Juun 2025:– inaan ku soo dhoweeyo Magaalada Muqdisho Suldaanka guu...
19/06/2025

Sharaf ayay ii ahayd maanta oo ay taariikhdu tahay 19 Juun 2025:– inaan ku soo dhoweeyo Magaalada Muqdisho Suldaanka guud beesha Garre Suldaan Maxamed Xaaji Xasan Gabaaba, Suldaan ku Soo dhawoow Dalkaaga iyo Dadkaaga, Waxaan halkaan si gaar ah uga mahad celinayaa salaadiinta beelaha hawiye ee uu ugu horeeyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas sida miisaanka leh ee ay noolasoo dhoweeyeen Suldaanka waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa wasiirada iyo xildhibaanada nala soo dhoweeyey Suldaanka iyo dhamaan inta ka qeyb qaadatey soo dhoweyntii qiimqha lahayd ee Suldaanka

#

Ciid wanaagsan dhamaan muslimiinta caalamka gaar ahaan shacabka soomaaliyeed meel kasta ha joogaane, waxaan ilaahay ka b...
05/06/2025

Ciid wanaagsan dhamaan muslimiinta caalamka gaar ahaan shacabka soomaaliyeed meel kasta ha joogaane, waxaan ilaahay ka baryeynaan inuu noo hagaajiyo dalka, diinta iyo dadkaba

Address

Warta Nabada District
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hon. Jibril Abdirashid Haji posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hon. Jibril Abdirashid Haji:

Share