Hon. Jibril Abdirashid Haji

Hon. Jibril Abdirashid Haji EX. MOCI, EX MOD and Now Deputy Prime Minister of Federal Government Somalia and a Member of Somali Parliament

Minister of Commerce and Industry of the Federal Government of Somalia.

19/08/2026

Caawa waxaan ka qeyb galay casho-sharaf uu soo agaasimay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), taas oo diiradda lagu saaray is-xog-wareysi, dhiirrigelin iyo is-garab-istaag.

Waxay ahayd fursad qiimo badan oo lagu xoojinayo wadajirka, isfahanka, saaxiibtinimada iyo isku duubnida, iyadoo la is dhaafsaday aragtiyo iyo talooyin wax-ku-ool ah.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Guddoomiyaha Cusub Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...
10/08/2026

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Guddoomiyaha Cusub Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), waxaan Alle uga baryayaa inuu xilka u fududeeyo, ku asturo caddaalad iyo hoggaan wanaagsan, kana dhigo masuuliyad uu ugu adeego Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Returning My Kenyan PassportIn fulfilment of the standards of transparency expected of public office, I wish to provide ...
03/08/2026

Returning My Kenyan Passport

In fulfilment of the standards of transparency expected of public office, I wish to provide clarity regarding a travel document previously issued to me.

A Kenyan passport issued to me was a genuine and lawfully obtained travel document. Its issuance and use fully complied with the relevant laws and procedures. To uphold the highest principles of public service and ensure complete clarity regarding my official responsibilities, I have voluntarily returned this passport to the competent authorities of the Republic of Kenya. This step is entirely administrative and was not prompted by any dispute or request from any authority.

I extend my sincere appreciation to the Government and the people of Kenya for their longstanding hospitality and support to Somalis. Their generosity and friendship will always be remembered with respect and gratitude.

As Deputy Prime Minister, my commitment to the Federal Republic of Somalia remains unwavering. Returning the passport reflects my dedication to maintaining absolute clarity in my public role and my steadfast loyalty to Somalia.

I hold the Republic of Kenya and its institutions in the highest regard and remain committed to strengthening the enduring ties between our two nations.

Hon. Jibril Abdirashid Haji
Deputy Prime Minister
Federal Republic of Somalia

01/07/2026

1-da Luuliyo waa maalin ku suntan sharaf, gobannimo iyo midnimo. Waa maalintii ay rumowday himiladii halyeeyadii Soomaaliyeed, kuna midoobeen labada gobol ee xornimada qaatay si ay u dhisaan Jamhuuriyadda Soomaaliyeed. Waa maalin dib loogu milicsado halgankii, naf-hurnimadii iyo geesinimadii ay muujiyeen halgamayaashii xorriyadda, isla markaana lagu xoojiyo jacaylka dalka, wadajirka ummadda iyo ilaalinta qaranimada Soomaaliyeed.

29/06/2026

PRESS STATEMENT

STATEMENT BY THE DEPUTY PRIME MINISTER OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA

I am aware of allegations circulating on social media regarding my recent travel to the Republic of Kenya. I reject these allegations in full. They are false, baseless, and unsupported by fact.

At no time did I engage in any activity aimed at undermining the security, sovereignty, stability, or territorial integrity of the Republic of Kenya or the Federal Republic of Somalia. I have carried out my public duties with full respect for the rule of law, regional peace, and good neighbourly relations.

The Republic of Kenya remains one of the closest and most valued partners of the Federal Republic of Somalia. Over many years, the Government and people of Kenya have supported Somalia during difficult periods. This includes hosting Somali refugees, contributing to regional peace and security, supporting humanitarian work, and advancing economic cooperation and state building efforts. These contributions merit recognition and appreciation.

The people of Kenya and Somalia share deep historical, cultural, and family ties, as well as strong trade and regional connections. It serves the interests of both nations to strengthen this longstanding relationship.

In my capacity as Deputy Prime Minister of the Federal Republic of Somalia, I remain committed to strengthening bilateral cooperation between Somalia and Kenya. This includes collaboration in security, trade, investment, infrastructure, regional integration, and people to people engagement, for mutual benefit.

I call on members of the public and the media to avoid spreading unverified claims.

I reaffirm my commitment to peace, constitutional governance, regional cooperation, and constructive engagement with the Republic of Kenya.

Hon . Jibril Haji Abdirashid

Deputy Prime Minister

Federal Republic of Somalia

11/06/2026

04/April 2026 markii la ii magacaabay Hoggaamiyaha KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, markii aan gudaha galay shaqadayda waxaan markii ugu horreysay la kulmay Golaha Wasiirrada, waxayna ahaayeen dad ay ka muuqatay rabitaan ah inaan la kala goyn DKGS, anigana waxaan go’aansanay inuu sidiisii u sii shaqeeyo golaha sharci fulinta.

Golaha Wasiirad Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, siyaasiyiinta heerarkooda kala duwan iyo shacabka Koonfur Galbeed waxay si guud oo aan loo kala harin ugu shaqeeyeen nabadeynta, xoojinta amniga iyo hirgalinta doorasho xor ah oo ka dhacda maamulka.

Laba bilood ka dib, waxaan Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ku wareejiyey dowlad goboleed is-ogol ah iyo shacab ka mideysan nabadgalyada maamulka.

11/06/2026

Bismillaahi Raxmaani Raxiim

Waxaan halkaan mahad iyo bogaadin uga dirayaa guud ahaan Shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya, gaar ahaan bulshada reer Baydhabo sida wanaagsan ee ay ila shaqeeyeen muddadii koobnayd ee aan hayey xilka Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa odayaasha dhaqanka, culumaa’udiinka, haweenka, dhalinyarada, aqoonyahannada, ciidamada amniga iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada oo door muuqda ka qaatay xasilloonida, wadajirka iyo hirgelinta hawlihii dowladnimo ee aan wada qabanay.

Mudadii aan xilka hayey waxaan ka faa’iiday taageeradiinna, talooyinkiinna iyo wada shaqayntii wanaagsanayd ee aad muujiseen, taas oo sahashay in si hufan loo guda galo waajibaadkii qaran ee na horyaallay oo ahaa Qabsoomida Doorashada Qof iyo Codka ah.

Waxaan idiin rajaynayaa horumar, nabad, barwaaqo iyo mustaqbal ifaya, anigoo mar walba diyaar u ah inaan ka shaqeeyo danta iyo horumarka shacabka Koonfur Galbeed waxaan sido kale idin kula Dardaarmayaa inaad la shaqaysaan Dowladda Cusub si loo baahiyo adeegyada Dowladanimada.

Mahadsanidiin.

Waxaan Hambaliyo iyo Duco udirayaa Hogaamiyaha la doortay Dowladda Koonfur Galbeed Mudane shekh Aadan Maxamed Nuur (Mado...
10/06/2026

Waxaan Hambaliyo iyo Duco udirayaa Hogaamiyaha la doortay Dowladda Koonfur Galbeed Mudane shekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maanta Xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda Koonfur Galbeed ay udoorteen Hogaaminta 5-Sano ee soo socota.

Waxaan Alle uweydiinayaa Hogaamiyaha la doortay Mudane Shekh Aadan Madoobe in Xilka lagu doortay Alle kula garab galo kuguna Asturo Amaanada Culus ee lagu Doortay.

Hambalyo ayaan u dirayaa Guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Dowladda Koonfur Galbeed. Waxaan idiin rajeynayaa guul, hu...
04/06/2026

Hambalyo ayaan u dirayaa Guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Dowladda Koonfur Galbeed. Waxaan idiin rajeynayaa guul, hufnaan iyo Hoggaan ku dhisan Cadaalad iyo u adeegidda shacabka Koonfur Galbeed

Address

Warta Nabada District
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hon. Jibril Abdirashid Haji posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hon. Jibril Abdirashid Haji:

Shortcuts

Share