
19/06/2025
Sheeko xikmad badan: ninkii cilmigii uu 3 halaad ku badashay badbaadiyay.
Nin Saddex Halaad heystay ayaa illaahay Qalbigiisa Cilmi jacayl ku riday. Seddexdii Halaad ayuu Kaxeeyey, waxaa la weydiiyey Xaggee ayaad Halaha ku wadaa?. wuxuu ku jawaabay Cilmi baan ku doonanayaa.
Nin baa ku yiri Aniga ayaa Cilmi kuu Sheegayee Hal isii. Wuxuu ku yiri:- waan Oggolahay bal ii sheeg. Ninkiibaa ku yiri:- Weligaa meel Dikriga illaahey lagu hayo haddii aad soo marto ha Dhaafin ee la Fadhiiso. Wuxuu yiri: Gartaye Cilmiga ii wad wuxuu ugu jawaabay Cilmi kuuma harine Hasha i sii. wuxuu yiri:- Waa yahay ee Kaxeyso.
Nin Labaad ayaa ku yiri: Aniguna Cilmi baan kuu sheegayaa ee Hal i sii. wuxuu ku yiri:- Waa yahay bal ii sheeg. Ninkii baa ku yiri:- Weligaa Nin ku Aaminey ha Khiyaanin, wuxuu yiri:- Gartaye Cilmiga ii wad. Wuxuu ku yiri Cilmi kuuma harine Hasha i sii. wuxuu ku yiri: Waa yahay ee Kaxeyso.
Nin Saddexaad bayaa ku yiri:- Aniguna Cilmi baan kuu sheegayaa Hasha kuu Hartay i sii. wuxuu yiri:- Waaa yahee bal ii sheeg. Wuxuu ku yiri:- Haddii lagu weydiiyo Dhulka Xaggee ugu Wanaagsan halka Habeenkaa aad u Hoyato ee illaahey kugu Nabadgeliyo. waxaad tiraahdaa hHalkan baa u Wanaagsan.
Ninkii oo Saddexdii Halood si Sahlan ku bixiyey Cilmi ku filana aan baran ayaa Safar iska galay.
Wuxuu yimid Magaalo Boqor heysto, Magaalada Habeenkii waxaa yimaada Bahal Dad Cun ah, habeenba Ninka Magaalada u soo Hoydo ayaa la yiraahdaa Ceelkaa ka Cab waa Ceelka Bahalku yimaado, Qofka Martida ah Bahalkaas ayaa Cuna Habeenkaas.
Ninkii oo Daal iyo Haraad fara badan haaya ayaa lagu yiri Ceelkaas Caawa ka Cab markii uu Ceelkii Dhex galay ayaa Bahalkii Dad Cunka ahaa isa soo Dul taagay. Bahalkii ayaa Ninkii ku yiri: Dunida xaggee ugu fiican?. wuxuu Xusuustay Cilmigii uu Hasha ku bixiyey wuxuu ugu jawaabay Halkan aynu Hadda joogno Bahalkii baa iska tegay.
Magaaladii baa la yaabtay Mucjisada Ninkii Badbaadisay Boqorkii ayaa Ninkii weydiiyey oo ku yiri:- War sidee ayaad Bahalkii uga Badbaaday?. wixii dhacay ayuu u sheegay Boqorkii ayaa yiri:- Nin Amin leh baa tahaye maanta laga bilaabo waxaad tahay ku Xigeenkeyga.
Ninkii ku Xigeen ayuu boqorkii u noqday, Boqorkii ayaa Safray sidii Nabi Yuusuf ku dhacday oo kale Islaantii Boqorka ayaa Ninkii Damacday, wuxuuna ku yiri Anigu Qof i Aaminay ma Khiyaano. Waxay ka Baqday inuu Boqorka u sheego. Boqorka markuu soo laabtay ayaa waxey ku tiri Ninkii aad ku Xigeenka ka dhigatay Reerkaagii ayaa ka Baxsan la’. Boqorkii ayaa Carooday oo u tegay Niman Calooshood u shaqeysteyaal ah oo meel ugu Xareysan, wuxuu ku yiri Beri Subax Qofka ugu h**eeya ee idiin yimaada Qoorta ka jara. Ninkii ayuu Aroortii Hurdada ka kiciyey, wuxuuna ku yiri Quraacdaas qaad oo Nimankaa u gee.
Ninkii ayaa Quraacdii qaaday isagoo ku sii dhow Raggii Dili lahaa ayuu la Kulmay Wadaad Tafsiir Akhrinaaya waa Cilmigii uu Hasha ku Bedeshay ee wuu la Fadhiistay. Gabadhii baa is tiri bal Ninkii soo Daawo sida Qoorta looga jaray, Nasiib daro waxay noqotay Qofkii u h**eeyey ee Nimanka u yimaada Qoorta ayey ka jareen. Boqorkii ayaa Xaaskii waayey isagoo Raadinaya ayuu Raggii isa soo Dul taagay wuxuu arkay Raqdii Islaanta. Nimankii ayuu ku yiri:- War maxaa dhacay?. waxey yiraahdeen waxba ma dhicin ee Balantii ayaanu Fulinay. Wuxuu yiri Nin ma aragteen?. Maya ayey ku jawaabeen.
Ninkii baa markii Tafsiirkii dhamaaday Quraacdii h**e ka soo qaaday Boqorkii buu goobtii kula kulmay. Boqorkii baa yiri maxaa dib kuu dhigay?. Wuxuu ugu jawaabay Dikri Alle ayaan la kulmay oo waan la Fadhiistay, hadda ayuu noo dhamaaday oo aan is iri Ragga Quraacdoodii u gee. Boqorkii ayaa yiri waxaad iiga warantaa intii aan Safarka ku maqnaa maxaa Adiga iyo Qoftan Meydka ah idin Dhex maray. wuxuu yiri Nacasnimo ayey iila timid anna waxaan ku iri Nin i Aaminay ma Khiyaano. Boqorkii baa ku yiri hadda laga bilaabo adigaa Boqor ah, anna waan kugu Xigaa.
ILAAHOOW KHEERKA NA WAAFAJI, YAA RABBI).
WQ/Jama nour hassan (indhabuur.