
14/08/2025
Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha Madasha Samatabixinta Qaranka, Mudane Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag u cambaareeyay duullaanka loo adeegsaday Ciidankii Qaranka ee lagu qaaday xaafadda Horseed ee Degmada Hodan.
Mudane Shariif ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday xaafadaha ay ku noolyihiin dad danyar ahi uu sababay dhimasho shacab iyo burbur hantiyadeed, taas oo uu ku tilmaamay arrin “ayaan-darro iyo wax aan sinnaba loo aqbali karin.”
Wuxuu si gaar ah ugu eedeeyay Xasan Sheekh Maxamuud inuu adeegsanayo Ciidanka Xoogga dalka si loogu fuliyo dano siyaasadeed, halkii laga sugayay inay difaacaan shacabka iyo dalka. “Ciidamada Soomaaliyeed waxaa loo dhisay inay la dagaallamaan cadawga ummadda, looguma talagelin dhulboob, cabburin bulsho ama dano gaar ah,” ayuu yiri.
Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay Xasan Sheekh Maxamuud inuu si degdeg ah u joojiyo “dagaalkan xaq-darrada ah ee aan maslaxad u ahayn dalka iyo dadka Soomaaliyeed.”
Sidoo kale wuxuu uga digay saraakiisha ciidamada inay qaataan amarro sharci-darro ah oo ka hor imanaya dhaartii iyo waajibaadkii ay u hayeen shacabka, isagoo ku booriyay inay ku ekaadaan waajibaadka iyo shuruucda ciidanka.