Abwaan Hareeri

Abwaan Hareeri Baahinta warar iyo barnaamijyo waxtar leh

Taariikh nololeedka Raila Odinga, Halgamaa muddo nus qarni ah ku jiray siyaasadda Kenya Ra’iisul Wasaarihii h**e ee dalk...
15/10/2025

Taariikh nololeedka Raila Odinga, Halgamaa muddo nus qarni ah ku jiray siyaasadda Kenya

Ra’iisul Wasaarihii h**e ee dalka Kenya Raila Amolo Odinga ayaa ku geeriyooday dalka Hindiya, isagoo da’diisu ahayd 80 sano, dhimashada Raila ayaa timid kadib markii uu muddooyinkii dambe ku jiray xaalad caafimaad oo lagu dabiibayay mid ka mid ah isbitaallada dalkaas.

Geerida Odinga ayaa si weyn looga murugooday gudaha Kenya iyo guud ahaan Bariga Afrika, maadaama ay asaga iyo aabihiisba kamid ahaayeen shaqsiyaadkii ugu saamaynta badan siyaasadda gobolka 50-kii sanoo la soo dhaafay.

Raila Odinga wuxuu 7-dii Janaayo 1945-kii ku dhashay magaalada Maseno ee gobolka Nyanza, isagoo ahaa wiilka labaad ee Jaramogi Oginga Odinga, oo madaxweyne ku-xigeenkii ugu horreeyay ee Kenya kaddib xornimadii 1963.

Waxbarashadiisii h**e wuxuu ku qaatay dugsiyada St. Mary’s Yala iyo Maranda High School, intaas kaddibna wuxuu waxbarasho sare u aaday Jarmalka, isagoo ka qalin jabiyay jaamacadda Magdeburg oo uu ka bartay injineernimada makaanikada.

Odinga wuxuu siyaasadda si rasmi ah ugu biiray dabayaaqadii 1970-meeyadii, isagoo si xoog leh uga soo horjeestay nidaamkii kaligii-taliska lagu tilmaamay jirey ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Daniel arap Moi.

Sanadkii 1982-kii ayuu si weyn u caan baxay kadib markii lagu eedeeyay inuu taageeray isku day afgambi oo dhicisoobay, taas oo sababtay in lagu xukumo muddo sagaal sano ah, isaga oo aan maxkamad la soo taagin.

Xabsiga dheer kaddib, Raila wuxuu noqday astaanta halganka dimuqraadiyadda iyo xorriyadda hadalka ee Kenya, asagoo markii dambe noqday Ra’iisul Wasaaraha dalka, sidoo kalena dhawr mar isku sharraxay xilka Madaxweynaha.

Dabayaaqadii 1990-meeyadii iyo bilowgii 2000-meeyadii, wuxuu door weyn ka qaatay dagaalkii loo galay dastuur cusub iyo nidaam siyaasadeed oo furan, wuxuuna noqday Ra’iisul Wasaare ahaa intii u dhaxeysay 2008 ilaa 2013, kadib doorashadii muranka dhalisay ee 2007-dii oo sababay rabshado dhiig ku daatay.

Inta uu xilka hayay, Raila Odinga wuxuu hormuud u noqday dastuurkii cusub ee Kenya ee 2010, kaas oo dhidibada u taagay nidaam dimoqraadiyadeed casri ah. Inkastoo uu afar jeer isu taagay xilka Madaxweynaha (2007, 2013, 2017 iyo 2022), mar kasta uu ku guuldareystay, hase yeeshee wuxuu kasbaday sumcad qaran iyo taageero ballaaran oo shacabka ah.

Markii dambe waxaa loo magacaabay oo uu hadda ahaa Ergeyga Sare ee Midowga Afrika ee Kaabayaasha Dhaqaalaha, wuxuuna ahaa xil uu si firfircoon u gudanayay illaa uu caafimaadkiisu liitay oo uu ugu dambeyn geeriyooday.

Reer Qasa oo guryahoodii ku noqanaya Alxamdullaah.
10/10/2025

Reer Qasa oo guryahoodii ku noqanaya Alxamdullaah.

14/09/2025

Macallinka qudhiisaba ayaaba qishka qeyb ka ah.

Xuutiyiinta Yemen oo ku hanjabay inay Israa’iil si adag uga aargoosan doonaanXuutiyiinta Yemen ayaa ku hanjabay in ay aa...
31/08/2025

Xuutiyiinta Yemen oo ku hanjabay inay Israa’iil si adag uga aargoosan doonaan

Xuutiyiinta Yemen ayaa ku hanjabay in ay aarsan doonaan ka dib markii weerar cirka ah oo ay Israa’iil fulisay lagu dilay Ra’iisul Wasaarihii kooxdaas Axmed al-Rahawi iyo wasiirro ka tirsan xukuumaddiisa.

Weerarkan oo dhacay 28-kii bishan Agoosto 2025 ayaa lagu beegsaday guri ku yaalla xaafadda Beit Baws ee magaalada Sanaa, halkaas oo madaxda Xuutiyiinta ay ku lahaayeen kulan sannadeed.

Dhacdadan ayaa loo arkaa mid ka mid ah weerarradii ugu culus ee lagu bartilmaameedsado hoggaanka sare ee Xuutiyiinta tan iyo markii ay dagaalka kaga biireen gobolka, inkasta oo al-Rahawi la tilmaamay inuusan si toos ah uga mid ahayn hoggaanka militariga ee kooxda.

Madaxa Golaha Sare ee Siyaasadda ee Xuutiyiinta, Mahdi al-Mashat, ayaa muuqaal uu baahiyey ku sheegay in ay u aarsan doonaan dhiigga madaxda, isla markaana waxa uu ballanqaad u sameeyey shacabka Yemen iyo qoysaska dhibbanayaasha.

Sidoo kale Waxa uu shirkadaha caalamiga ah u diray digniin ah in ay isaga baxaan Israa’iil ka hor inta aan goor dambe la gaarin,taas oo loo fasirtay digniin muujinaysa in kooxda ay kordhin doonto weerarrada ay ku qaadaan danaha Israa’iil ee gobolka.

Dilka al-Rahawi ayaa ku soo beegmay xilli Israa’iil ay kordhisay duqeymaha ka dhanka ah Xuutiyiinta, iyada oo bartilmaameedyo cusub ka dhigtay hoggaamiyeyaasha sare halkii ay horay diiradda ugu saari jirtay kaabayaal iyo goobaha kaydka hubka.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in tallaabadani ay ujeedadeedu tahay in la wiiqo awoodda siyaasadeed ee Xuutiyiinta, hase yeeshee ay sidoo kale kicin karto dagaal sii xoogaysta iyo weerarro aargoosi ah oo ka dhan ah Israa’iil.

Maamulka Xuutiyiinta ayaa si degdeg ah u magacaawday Maxamed Axmed Miftaax inuu noqdo Ra’iisul Wasaare ku-meel-gaar ah, taasoo muujinaysa in kooxda aysan doonaynin in ay abuurto farqi hoggaamineed, inkasta oo ay lumiyeen mas’uuliyiin sare.

Taariikh nololeedka AUN Fannaanad Khadija Qalanjo oo maanta Geeriyootay.Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Harg...
29/08/2025

Taariikh nololeedka AUN Fannaanad Khadija Qalanjo oo maanta Geeriyootay.

Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Hargeysa ku geeriyootay Khadiijo Maxamuud Yuusuf ( Khadija Qalanjo) oo kamid ahayd hooballadii ugu caansanaa fannaaniintii qaranka, gaar ahaan kooxdii Waaberi.

Khadija Qalanjo waxay ahayd fannaanad caanka ku ahayd cod macaan, qurux dabiici ah iyo hibo faneed aan caadi ahayn, waxaana geerideeda si weyn looga dareemay gudaha iyo dibadda Soomaaliya, iyadoo masuuliyiin iyo hay’ado dowladeed ay ka tacsiyeeyeen.

Nolosheedii iyo Bilowgii Fanka

Khadija Qalanjo waxay ku dhalatay waqooyiga-galbeed ee Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Boorame bartamihii qarnigii 20-aad, xilli lagu qayaasayo 1940-meeyadii, quruxdeeda iyo hees qaadisteeda ayaa soo jiidatay indhaha bulshada xilligii uu fanka Soomaaliyeed ku jiray marxaladda koboc ah,gaar ahaan 1970-meeyadii.

Waxay ahayd gabadhii ugu horreysay ee loo aqoonsado “Miss Somalia” ama gabadha ugu quruxda badan Soomaaliya intii u dhaxeysay 1975–1983, taas oo sumcad ballaaran u horseeday.

Xilligaas, waxay si rasmi ah ugu biirtay masraxa fanka, iyadoo si dhaqso ah ugu muuqatay cod gaar ah, qoob ka ciyaar soo jiidasho leh iyo muuqaal dadka ku reebay xusuus aan la ilaabi karin.

Safarkii Faneed

Qalanjo waxay ahayd fannaanad hormuud ah oo kaalin weyn ku leh casriyeynta muusigga dhaqanka, gaar ahaan qoob ka cayaarka iyo muusigga, waxayna ka mid ahayd tiirarkii dhiirrigeliyay isticmaalka qalab muusig casri ah, taas oo keentay in heesaha dhaqameed loo qaado heer cusub oo ku habboon jiilal badan.

Sanadihii 1970-meeyadii iyo 1980-meeyadii waxaa lagu tilmaamaa xilligii ay ku jirtay heerka ugu sarreeya ee fanka, iyadoo heesaha ay qaaday ay si qoto dheer ugu dhex milmeen qalbiyada dadka Soomaaliyeed.

Heesihii Caanka Ahaa

Khadija Qalanjo waxa ay xasuus gaar ah kaga tagtay heeso badan oo si weyn loogu jecel yahay, oo ay ka mid yihiin:

Caashaqa Sal iyo Baar

Ragga iyo Haweenkuba

Deesha

Sharaf

Hooyo

Soohor Caashaqa (ay la qaaday Xasan Aadan Samatar)

Diriyam — hees ay fannaaniinta Itoobiyaanka ahi dib u qaadeen sanadkii 2016, taas oo muujisay in codkeeda iyo farshaxankeeda ay ka gudbeen xuduudaha Soomaaliya.

Dhaxalka Fanka

Dhaxalka ay Khadija Qalanjo ka tagtay waa mid muuqda oo weli nool. Waxay ahayd fannaanad astaan u ah isku dhafka dhaqanka iyo casriyeynta. Heesaha ay qaadday waxay xambaarsanaayeen fariimo jacayl, sharaf iyo bulsho-wadaag, halka qaabkeeda masraxa uu dhiirrigelin u noqday jiilal badan oo haween iyo ragba ah.

Xusuusteeda iyo dhaxalkeeda faneed ayaa sii noolaan doona, iyadoo bulshada Soomaaliyeed iyo taageerayaasheeda ku xusuusan doonaan codkii macaanaa, hibadii aan la ilaawi karin iyo kaalintii ay ka qaadatay kobcinta iyo ilaalinta dhaqanka.

7 bilood ka dib ku biiristii golaha ammaanka maxaa iska badelay saamayn dublumaasiyadeed ee Soomaaliya?In ka badan biloo...
27/08/2025

7 bilood ka dib ku biiristii golaha ammaanka maxaa iska badelay saamayn dublumaasiyadeed ee Soomaaliya?

In ka badan bilood ayaa laga joogaa markii ay Soomaaliya qeyb ka noqatay golaha ammaanka Qaramada Midoobay, waxayna
si rasmi ah ugu biirtay xubnaha ku meelgaarka ah ee Golahaas 1-dii bishii Janaayo ee sanadkan 2025, kadib doorashadii ka dhacday fadhigii guud ee Qaramada Midoobay bishii Juun 2024.

Xubinnimada Golaha Ammaanka ayaa Soomaaliya siisay fursad dhif ah oo ay cod iyo saameyn ugu yeelato go’aamada Qaramada Midoobay, gaar ahaan kuwa ku saabsan amniga iyo nabadda.

Muddooyinkii la soo dhaafay Dublumaasiyiinta Soomaaliya ku matala golaha ammaanka ayaa si firfircoon uga qeybqaatay doodaha Golaha, iyagoo kor u qaaday codka dalkooda ee ku aaddan howlgalka nabad-ilaalinta ee gobolka, gaar ahaan taageerada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Dowladdu waxay la sameysay wadashaqeyn dhow dalalka xubnaha ka ah Golaha, gaar ahaan kuwa leh saameyn weyn sida Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Ruushka, si loo hormariyo iskaashiga amni iyo dhaqaale.

Intaa waxaa dheer, xubinnimadu waxay Soomaaliya siisay fursad ay ku soo bandhigto dadaalladeeda ku saabsan dib-u-dhiska dowladnimada, la-dagaallanka argagixisada, iyo horumarinta nidaamka maamulka, si loo muujiyo in dalka uu ku socdo jidka dib-u-soo kabashada.

Soomaaliya ayaa sidoo kale ka faa’iidaysatay xubinnimada si ay u dhiirrigeliso maalgelinta amniga iyo horumarinta kaabayaasha muhiimka ah iyadoo la helayo wada-hadallo dheeraad ah oo beesha caalamka ah.

Xubinnimadan ayaa kordhisay kalsoonida caalamiga ah ee ku aaddan awoodda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, iyadoo codkeeda laga maqlo go’aanada caalamiga ah loona tixgeliyo mowqifkeeda, inkastoo oo ay jirto xasillooni la’aan siyaasadeed oo gudaha dalka ah, taas oo wax u dhimaysa hor u socadka dowladnimada.

Waxaa intaa dheer, Soomaaliya waxay hadda si firfircoon uga qaybqaadaneysaa qorshayaasha nabad-ilaalinta gobolka, taasoo ka dhigtay codkeeda mid muuqda oo la tixgeliyo.

Inkasta oo xubinnimadu tahay guul taariikhi ah, caqabadaha gudaha sida khilaafaadka siyaasadeed, amni xumo, iyo tabar-darrada hay’adaha dowliga ah ayaa weli hortaagan ka faa’iideysiga buuxda ee fursadaha xubinnimada.

Sidoo kale, Golaha Ammaanka ayaa inta badan xoogga saara arrimaha amniga,
Taas oo Soomaaliya qudheeda ka dhigaysa mid kamid ah dalalka ugu horreeya ee xallinta dhibaatooyinkooda mar walba laga doodo, taas oo luminaysa fursad la heli lahaa haddii uu dalku nabad yahay.

Illaa hadda, tallaabooyinka Soomaaliya qaaday ayaa muujinaya in dalka uu si firfircoon uga qeybqaadanayo go’aanada caalamiga ah, isku xiraayo xiriirka diblomaasiyadeed, dhiirrigelinayo horumarka gudaha, iyo ka faa’iideysiga maalgelinta caalamiga ah, balse xallinta dhibaatooyinka gudaha ayaa ah halbeegga ugu horreeya ee ay Soomaaliya dunidu ku qeymaynayso, ayadoo taasi indhaha caalamka ka jeedinayso guulaha dublumaasiyadeed ee sida joogtada ah loo gaarayo.

Keyd baaxad leh oo laga helay safaaraddii h**e ee Soomaaliya ku lahayd dalka Jarmalka.
12/08/2025

Keyd baaxad leh oo laga helay safaaraddii h**e ee Soomaaliya ku lahayd dalka Jarmalka.

Maxay dhigantahay diiwaangelinta xaaladaha guurka iyo furriinka ee DFS dhowaan ku dhawaaqday?Dowladda Soomaaliya ayaa dh...
12/08/2025

Maxay dhigantahay diiwaangelinta xaaladaha guurka iyo furriinka ee DFS dhowaan ku dhawaaqday?

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan shaacisay in dallka laga Hirgelinayo hannaanka Diiwaangelinta Guurka iyo Furiinka, iyadoo tallaabadani qeyb ka tahay mashruuca dhismaha nidaamka diiwaangelinta muhimka ah ee rayidka ee loo yaqaanno "Civil Registration and Vital Statistics (CRVS)".

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Arrimaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa sheegtay in nidaamkan cusub uu xaqiijinayo in guurka iyo furiinka loo diiwaangeliyo si sharci ah, laguna kaydiyo keyd ammaan ah oo qaranku leeyahay, taasoo ka hortageysa guur been-abuur ah iyo khilaafaad sharciyeed.
Sida uu qorshuhu dhigayo, lamaane kasta oo is guursada ama kala taga waxaa laga doonayaa in ay soo gudbiyaan dukumentiyada loo baahan yahay si ay u helaan shahaado rasmi ah oo guur ama furiin ah, ayadoo Shahaadadaasi muhiim u tahay xaqiijinta xuquuqda dhaxalka, mas’uuliyadda carruurta, iyo helitaanka adeegyo ay ka mid yihiin baasaboorka, caymiska caafimaadka, iyo deeqaha waxbarasho.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa tilmaamay in nidaamkan lagu fulin doono hab casri ah oo elektaroonig ah, laguna tijaabiyey degmooyin badan, iyadoo qorshuhu yahay in mustaqbalka dhow la gaarsiiyo dhammaan dalka iyo safaaradaha dibadda.

Tallaabadani ayaa loo arkaa mid xoojinaysa dowladnimada casriga ah, isla markaana kor u qaadaysa hufnaanta adeegyada bulshada iyo kalsoonida shacabku ku qabaan hay’adaha dowladda.

Askaraynta carruurtu waxaa xadgudub caalami ah, balse Soomaaliya waa xaalad gaar ah.
12/08/2025

Askaraynta carruurtu waxaa xadgudub caalami ah, balse Soomaaliya waa xaalad gaar ah.

Wax soo saarka dhulka Sucuudiga oo u badan lama degaan oomane ah ayaa ka batay 63,100 tan, halka Soomaaliya oo webiyo iy...
11/08/2025

Wax soo saarka dhulka Sucuudiga oo u badan lama degaan oomane ah ayaa ka batay 63,100 tan, halka Soomaaliya oo webiyo iyo carro Dihan lehna saboolnimo looga taag waayay.

Kumuu ahaa Anas al-Sharif ?5 wariye oo uu ku jiro Anas al-Sharif oo ahaa kamid ah warfidiyeenkii ugu caansanaa ee sanadi...
11/08/2025

Kumuu ahaa Anas al-Sharif ?

5 wariye oo uu ku jiro Anas al-Sharif oo ahaa kamid ah warfidiyeenkii ugu caansanaa ee sanadihii la soo dhaafay ka soo waramayay xaaladda Qasa ayaa saacado ka hor lagu dilay duqeyn ay ciidanka Israa’iil fuliyeen.

Telefishinka Al Jazeera ayaa sheegay in labo wariye oo uu ku jiro Anas al-Sharif oo caan ah, iyo saddex kaamiro-qaade lagu dilay duqeyn Israel ka fulisay teendho wariyayaal ku sugnaayeen magaalada Gaza Axaddii.

Militariga Israel ayaa billaabay in ay si toos ah u beegsadeen warfidiyeenka caanka, iyagoo Anas al-Sharif h**ey ugu tilmaamay argagixiye ka tirsan Xamaas oo iska dhigaya wariye.
Wariyehan 28 jirka ah oo shabakadda Al Jazeera ka tirsanaa ayaa la dilay Axaddii kaddib markii teendhada wariyeyaasha ee ka ag dhow iridda isbitaalka weyn la duqeeyay, Waxa uuna Anas al-Sharif si joogto ah uga warbixin jiray xaaladda waqooyiga Gasa.

Al Jazeera waxay magacyada Saxafiyiinta kale ee la dilay ku sheegtay: Maxamed Qreiqeh iyo saddex kaamiro-qaade oo kala ahaa Ibraahim Zaaher, Maxamed Nufal iyo Mu’men Caliwa.

Qoraal uu soo saaray militariga Israel ayaa lagu yiri: “Inyar ka hor, magaalada Gaza gudaheeda, ciidanka IDF waxay dileen argagixiye Anas al-Sharif, oo iska dhigayey wariye Al Jazeera ah, wuxuuna ahaa madaxa unug dagaal oo ka tirsan Xamaas, kana masuul ahaa weerarrada gantaallada ee lagu qaado dadka rayidka ah ee Israel iyo ciidamada IDF.”

Anas al-Sharif ayaa ka mid ahaa wejiyada ugu caansan ee Al Jazeera ku lahayd Gaza, isaga oo maalin kasta ka bixin jiray warbixinno toos ah, Ka hor intuusan dhiman, waxa uu bartiisa X ku qoray farriimo ku saabsan “duqeyn culus oo Israa’iil ka waddo magaalada Gaza,” waxaana uu soo dhigay muuqaal muujinaya weerarro ka dhacaya meel u dhow.

Bishii Luulyo, Ururka Ilaalinta Saxafiyiinta (CPJ) ayaa dalbaday in la ilaaliyo al-Sharif, iyagoo ku eedeeyay afhayeenka militariga Israa'iil ee Af-Carabiga Avichay Adraee inuu ol’ole weerar ah ku qaaday wariyaha, isaga oo ku sheegay inuu yahay xubin Xamaas ah.

Kaddib dilkiisa, CPJ waxay sheegtay in ay ka argagaxeen weerarka lagu beegsaday wariyeyaasha, waxayna ku eedeeyeen Israa'iil in ay si joogto ah u bartilmaameedsanayso wariyeyaasha
,waxayna Ururka Saxafiyiinta Falastiiniyiinta dhacdadan ku tilmaameen dambi dhiig leh oo qorsheysan.

Address

Mogadishu

Telephone

+252617644205

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abwaan Hareeri posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share