28/01/2026
Maxaa ka jira in Turkigu uu Soomaaliya ku wareejiyay Diyaaradaha Casriga ah ee F-16 ?
Warbixino soo baxayay saacadihii la soo dhaafay ayaa sheegaya in Turkigu uu Soomaaliya ku wareejisay diyaarado dagaal oo nooca F-16 ah, tallaabadaas oo si weyn oo muujinaysa sii xoojinta iskaashiga difaaca ee u dhexeeya labada dal.
Ilo kala duwan ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya ay heshay saddex 3 diyaaradood oo F-16 ah, kuwaas oo la keenay magaalada Muqdisho 28-ka bishaan Janaayo 2026.
Diyaaradahaasi ayaa la sheegay in lagu xareeyay xarun amni oo ku taalla Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde, sida ay wararku sheegayaan.
Imaatinka diyaaradahan dagaalka ayaa ku soo beegmaya xilli wafdi sare oo ka socday dowladda Turkiga ay booqasho rasmi ah ku joogaan Muqdisho, waxay sidoo kale arrintani qeyb ka tahay hirgelinta heshiis ballaaran oo dhinacyada difaaca iyo dhaqaalaha ah, kaas oo Turkiga iyo Soomaaliya kala saxiixdeen sanadkii 2024.
heshiiskaas oo ay ku jiraan amniga badaha, tababarrada ciidamada iyo iskaashi milatari oo muddo dheer ah,
Khubaradana amniga ayaana sheegaya in helitaanka diyaaradaha F-16 ay si weyn u kordhin doonto awoodda Ciidanka Cirka Soomaaliya, kuwaas oo muddo dheer ku tiirsanaa taageero cirka ah oo ka imaanaysay Mareykanka iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah.
Dowladda Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin helitaanka diyaarahan, balse waxay arrintani ku soo beegmaysaa xilli adag oo ay Soomaaliya u baahantahay xoojinta awoodeeda difaaca iyo ilaalinta madax-bannaanida.