Somali news

Directions

Somali news fadlan kusoo biir barteena facebook waxaad kaheli Doontaa digri aad u macaan badan❤️

26/11/2025
26/11/2025

Doorkaan hada aanu soo gaarnay yaa qur aanka kariimka na baray miyeena suufiya aheyn haa suufiyo weeye ee waa ku jisaarteyn
Yaa Fiqhiga na baray miyeena suufiyo aheyn Haa suufiyo weeye ee waa ku caasideyn
Suufiyo diinta ee na bareeyn iyo waa mushrikiin isi saara

Mashaaikhda ahlu tasawufka ee diinta ukhidmeysay qaarka ka mid ah magacyadooda
1. Shaykh Uways al-Barawi

2'Sheikh xasan mucalim mu'min

Al basraawi

3. Shaykh Cali Maye

4. Shaykh cabdi raxmaan cumar al celiyyi al qaadiriyyi)

5. Shaykh axmed Sheikh eybakar gabyow wacdiyow

6. Sheikh eybakar xaaji cali abtidoon

7. Shaykh Cusmaan Xidig

8. Sheikh xusein cade shiikhul banaadir

9. Shaykh Maxamuud Ow Cuthmaan

10. Shaykh Muse Ciigle
Iwm

08/10/2025

Qasiido macaan badan oo lagu amaanaayo xabiibkeenna Muxamed (CSW) waaye.
Dhagahiinna ugu raaxaysta amaanta xabiibkeenna Muxamed (CSW).

Page-kan Follow dhaha, Like saara, Sheer gareeya,
si uu ugu gaaro asxaabta kheyrka jecel.

28/09/2025

Digri axmadiyadaa oo kulmiye Jilib weyntii dariiqada axmadiyada waxana Shicraayo
Waxana Soo dalbaday Walal Axbabta Ka Mid ajir alha kasiiyo


Si muuqaalka ugaaro meel fog

24/09/2025

**“Waa 2 muuqaal: Midna maxabba wadaad ow leeyahay waa wadaad diimeyd ku muujinaa maxabba ow uqabo iyo duco kuna amaanaayo ow wadaadkaa uduceynaayo, asigoo ogoleyn amaanta xabiibkeyna Muxamed (CSW) iyo ixtifaalka xabiibkeyna Muxamed (CSW) asigo ku tilmaamaya amaanta xabiibkeyna Muxamed (CSW) shirki walciyaadu billaahi; marka ee amaanta noqoto waa mid ubanaan, hadii amaanta dhanka xabiibkeyna Muxamed (CSW) iyo mashaaikhda jaceylka xabiibkeyna Muxamed (CSW) lala aado wey xanaaqayaan munkar iyo wax kasto beey ku sheegayaan.

Muuqaalka kale waa mid lagu muujinayo jaceylka xabiibkeyna Muxamed (CSW) iyo bisha ow dhashay lagu bogaadinaayo, iyado shiikheyna jaliilka ah Sh. Abuukar ow ku dhahaayo kuwa naceb ixtifaalka xabiibkeyna Muxamed (CSW) waxa aad rabtaan o been abuur ah sameeya; anankane deeyn meyno amaanta xabiibkeyna Muxamed (CSW), ee carada aad uqabtaan xabiibkeyna Muxamed (CSW) iyo bisha Rabiicul Awey ku dhinta. Qofka caqliga saliimka leh 2daan muuqaal midka diinta u hiiliyay waa fahmi karaa.”**

Qeebta 1aad Aqwaasha xun ee kuwa diidan ixtifaalka Nabiga ﷺWaxaa laga soo weriyey dadka ka soo horjeeda ixtifaalka dhala...
21/09/2025

Qeebta 1aad
Aqwaasha xun ee kuwa diidan ixtifaalka Nabiga ﷺ

Waxaa laga soo weriyey dadka ka soo horjeeda ixtifaalka dhalashada Nabiga ﷺ (Mawliidka) hadal aad u xun oo oranaya:

"Xafladaha dhalashada Nabiga waxaa asal ahaan jideeyey Yahuud."

Ciyaadan billaahi! Maxaa caqli xun iyo been abuur ka weyn arrintan?
Ixtifaalka Nabiga ﷺ waxaa sameeya oo kaliya qof qalbigiisa ay degtay jacaylka iyo maqaamka Rasuulka ﷺ.

Haddaba sidee loo dhihi karaa waxa jacayl iyo sharaf u ah Nabiga ﷺ in ay asal ahaan ka yimaadeen Yahuud? Iyaga oo ah kuwa ugu neceb Nabiga ﷺ iyo ummadiisa?

Runtu waxay tahay in ixtifaalka dhalashada Nabiga ﷺ uu yahay astaanta muujisa jacayl, xus, iyo qadarin, halka Yahuudna ay yihiin kuwii ugu horreeyey ee diiday, necbeystayna Nebiga ﷺ.

06/09/2025

Fiicnaa laheydaa oday kasto inta qamiis sholog ah iyo koofi canjeero qaato dhaho maxabbada xabiibkeyna muxamed csw iyo bishii ow dhashay xabiibkeyna csw lama tacdiimin karo in sidaan neefta ugu dhagto

مقال: فرحة ربيع الأول والاحتفال بالحبيب المصطفى ﷺذبحتُ شاةً وهيَّأتُ حلوى، لأُعبِّر بذلك عن فرحتي واعتزازي بهذا الشهر ال...
04/09/2025

مقال: فرحة ربيع الأول والاحتفال بالحبيب المصطفى ﷺ

ذبحتُ شاةً وهيَّأتُ حلوى، لأُعبِّر بذلك عن فرحتي واعتزازي بهذا الشهر المبارك، شهر ربيع الأول، الذي وُلد فيه نور الوجود وحبيب القلوب سيدنا محمد ﷺ. ومن أجل هذه الفرحة دعوتُ المشايخ وشرائح المجتمع المختلفة ليقرأوا عليَّ السيرة العطرة، وينشدوا القصائد الجميلة في مدح الحبيب المصطفى ﷺ.

غير أنّ بعض الناس اعترضوا وضاقوا ذرعاً بهذه النعمة التي أفرحني الله بها. فقلتُ في نفسي: ماذا لو احتفلتُ بذبح ألفي بعير ووزعتها على الفقراء والمساكين ابتهاجاً بمولد النبي ﷺ؟ والله لزاد غضبهم وحقدهم، واشتدّ إنكارهم.

أما بالنسبة لأولئك الذين يرتدون العمائم والقمصان والقبعات، فهم يستاءون ويغضبون عندما يُفرَح بمولد الحبيب ﷺ. فرغم أنهم يظنون أنفسهم معلمين ومرشدين، إلا أن فرحتنا المشروعة بمولده ﷺ تزعجهم كما يزعج الكفار.

وخلاصة الأمر، أنّ هذا الشهر المبارك هو شهر مولد الحبيب المصطفى ﷺ، ولا يفرح به فرحاً صادقاً إلا مؤمنٌ مخلص، ولا يغتم ولا يغضب منه إلا كافر جاحد أو منافق مريض القلب. وأسأل الله أن يعصمنا من شرورهم وأحقادهم، وأن يثبتنا على محبة وتعظيم سيدنا محمد ﷺ.

Qormo: Farxadda Rabiicul Awal iyo Ixtifaalka Xabiibkeenna ﷺ

Wan yar ayaan gowracay, mac-macaanna waan sameeyey, si aan ugu muujiyo farxadda iyo sharafta bishan barakaysan ee Rabiicul Awal, bishii uu dhashay Nuurka Caalamka iyo Qalbiyada, Xabiibkeenna Muxammad ﷺ. Farxaddaas darteed waxaan u yeeray mashaa’ikh iyo qaybo kala duwan ee bulshada ah, si ay iigu akhriyaan siiradiisa barakaysan, isla markaana u aqriyaan qasiidooyin macaan oo lagu amaanayo Xabiibkeenna ﷺ.

Laakiin waxaa jiray dad ka doodaya, dhibsanaya oo ka xumaaday farxaddaas aan nicmadaas ku faraxsanahay. Waxaan is idhi: bal ka warrama haddii aan laba kun (2000) oo geel ah ku ixtifaalo oo aan masaakiinta u qaybiyo! Wallaahi caradooda iyo naceybkooda ixtifaalka Rasuulka ﷺ waa ka sii badnaan lahaa.

Kuwa xirta cimaanada, qamiisyaalka iyo koofiyada, waxay ka xanaaqaan oo ka xumaadaan marka lagu farxo Xabiibkeenna ﷺ. Inkasta oo ay isu arkaan inay yihiin macallimiin iyo hanuuniyeyaal, farxaddeenna sharafta leh ee lagu farxo dhalashadiisa ﷺ ayaa iyaga dhibaysa, sida gaaladu u dhibsato.

Gabagabadii, bishan barakaysan waa bishii uu dhashay Xabiibkeenna Muxammad ﷺ. Farxaddaas kuma farxo ruuxa mu’min ah maahine , mana ka naxaan mana ka xanaaqaan gaal weyn iyo munaafiq.maahine Waxaan Alle ka baryayaa inuu naga ilaaliyo sharta iyo naceybka ay wadaan, oo uu na xifdiyo jacaylka iyo xurmada Rasuulkeenna ﷺ.

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali news posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share