16/01/2026
Haddii dowladda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah u dagto Laascaanood (SSC-Khaatumo), arrintu waxay yeelanaysaa faa’iidooyin iyo qasaaro soogaaro lamada maamul ee soomaaliland iyo putland
🟢 Maxay Dowladda Federaalka ka faa’iidaysaa haddii ay Laascaanood dagto?
• Midnimo qaran oo la xaqiijiyo
– Laascaanood waxay caddeynaysaa in gobollada SSC ay si toos ah uga tirsan yihiin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
• Sharci iyo sumcad caalami ah
– Dowladda waxay dunida u muujinaysaa inay awood u leedahay ilaalinta dhulkeeda iyo muwaadiniinteeda.
• Kalsooni shacabka SSC
– Dadka deegaanka waxay helayaan dowlad ay u arkaan mid matalaysa, taasoo yareynaysa tabashooyinka.
• Amni iyo kala dambeyn
– Waxaa suurtagal noqonaysa in la dhiso ciidan qaran, maxkamado, iyo hay’ado dowladeed oo amar qaata dowlada.
• Ka hortagga kala go’ go’a
– Waxay fariin u diraysaa cid kasta oo doonaysa goosasho in dowladda dhexe ay joogto.
đź”´ Maxay Somaliland ku qasaaraysaa?
• Sheegashada dhuleed
– Laascaanood waxay ahayd tiir muhiim u ah sheegashada Somaliland; tagitaanka dowladda waxey kutahay dhabar-jab weyn.
• Sumcad siyaasadeed
– Dunida ayaa u arkeysa in Somaliland ku guuldarraysatay xuduudda ay sheeganayso iney dowladu kataliso.
• Niiyad jab gudaha ah
– Taageerayaal badan ayaa su’aal gelin kara awoodda hoggaanka Somaliland.
• Saameyn mustaqbalka aqoonsiga
– Aqoonsi raadintii Somaliland way sii adkaaneysaa.
đźź Maxay Puntland ku qasaaraysaa?
• Saameyn hoos u dhacda
– SSC marar badan waxay ahayd meel Puntland saameyn ku lahayd; dowladda dhexe hadday la wareegto, saameyntaas way yaraataa.
• Kaalin siyaasadeed oo yaraata
– SSC waxay ahayd kaar siyaasadeed; ka bixitaankeedu wuxuu Puntland ka qaadi karaa miisaan.
• Isku dheellitir la’aan cusub
– Puntland waxay wajihi kartaa tartan cusub oo toos ah oo uga imanaya dowladda Federaalka.
⚖️ Gunaanad
• Dowladda Federaalka: 👉 Guul siyaasadeed, midnimo qaran, iyo sharciyad ayey kaheshay.
• Somaliland: 👉 Khasaare siyaasadeed iyo dhuleed oo culus.
• Puntland: 👉 Saameyn hoos u dhacda, balse aan la mid ahayn midda Somaliland.
👉 Furaha xalka waa: in dowladdu u tagto Laascaanood si nabad ah, wadahadal iyo caddaalad ku dhisan, si aysan colaad cusub u dhalan kana difaacdo waxkasta oo iskudaya iney ssc soo wareeraaan.
Social Media Agency