RNNGD Media

RNNGD Media Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from RNNGD Media, Social Media Agency, Mogadishu.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Ka Dalbaday Maxkamadda Sare Waaran Soo Qabasho ah oo Loo Jaray Axmed Madoobe...
27/11/2024

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Ka Dalbaday Maxkamadda Sare Waaran Soo Qabasho ah oo Loo Jaray Axmed Madoobe oo Lagu Eedeeyay Khiyaano Qaran

27/11/2024

Raysal Wasaare Netanyahu oo digniin adag u jeediyay Xisbullah
Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan uga digay inay carqaladeeyaan heshiiska xabad joojinta ee labada dal.

Raysal Wasaaraha Israel ayaa xalay sheegay in Israel ay haysato xorriyadda ay ku weerari karto Xisbullah, haddii ay ku xadgudubto buu yiri xabad joojinta.

Raysal Wasaare Netanyahu ayaa sheegay in Xisbullah ay la gudboon tahay in ay si sax ah u dhaqangeliso heshiiska lixdanka maalmood, si uu bilow wanaagsan ugu noqdo xabad joojin waarta.

“Haddii Xisbullah ay jebiso heshiiska oo ay isku daydo inay dib isu soo hubeyso, waan weerari doonnaa. Haddii ay isku daydo in ay dib u dhisto kaabeyaasha militari ee xuduudda, waanu weerari doonnaa.” Ayuu yiri Netanyahu.

Netanyahu ayaa sheegaya in Israel ay tobanaan sano dib u dhigtay Xisbullah, ka dib markii ay dishay sida uu yiri Hassan Nasrallah iyo kumanaan ka tirsan dagaal-yahanadeeda, isla-markaana ay burburisay inta badan kaabeyaashii militari ee ururka.

Netanyahu ayaa ku waramaya in xabad joojinta ay awood u siin doonto lixdan kun oo Israeliyiin ah, oo ka barakacay waqooyiga Israel inay dib ugu soo laabtaan guryahooda.

Dadka qaar ayaa shaki ka qaba in xabad joojintan ay dhab ahaantii ka dhigan tahay in dhinacyadu ay soo afjari doonaan weerarada labada dal.

Netanyahu ayaa dhanka kale sheegay in ciidamadiisu ay sii wadi doonaan dagaalka Gaza, illaa laga wiiqayo awoodda Ururka Xamaas, lagana soo celinayo la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Marinka Gaza.

Netanyahu ayaan sheegin inay wax ka bedelayaan qaabka dagaalkooda, aan ka ahayn inay dardargelinayaan. Dhibaneyaasha ugu badan ee dagaalkan ayaa ah dadka rayidka ah.

Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah (ICC) ayaa Khamiistii soo saartay waaran lagu soo xirayo Netanyahu iyo Wasiirkiisii h**e ee Difaaca, Yoav Gallant. Maxkamadda ayaa sheegtay in loo haysto xasuuq ay Israel ka gaysatay Marinka Gaza.

Dhanka kale heshiiska xabad joojinta ee Israel iyo Xisbullah ayaa waxaa bilowgii si weyn uga horyimid Wasiirada xagjirka ah ee axsaabta midigta fog ku metela Xukuumadda Netanyahu, balse uu Netanyahu markii dambe ku qanciyay in aanu heshiisku ahayn mid dhameystiran, balse uu yahay mid KMG ah, si fursad loo siiyo dadaalada diblomaasiyadda, ayna eegayaan waxa ka fuli doona.

Wararka ayaa sheegaya in kulan gaar ah oo Netanyahu uu la qaatay Wasiirada Amniga Itamar Ben-Gvir iyo Maaliyadda Bezalel Smotrich uu ka dhaadhiciyay in muddada ay xabad joojintu socoto ay Israel xaq u leedahay inay garaaci karto goobaha ay khatarta u aragto ee dalka ay deriska yihiin ee Lubnaan.

Warbaahinta Israel ayaa sheegeysa in Netanyahu uu mar kasta u nugul inuu tixgeliyo rabitaanka labadan Wasiir, bacdamaa xukuumaddiisa wadaagga ah ay ku tiirsan tahay taageerada xisbiyadooda midigta fog.

Siyaasiyiinta Mucaaradka Israel ayaa marar badan Wasiiradan ku eedeeyay in ay diidan yihiin heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga ee iyaga iyo Xamaas. Siyaasiyiintan ayaa Netanyahu ku dhalleeceeyay in danta guud ee qaranka uu ka hormarinayo tiisa gaarka ah, isla-markaana ay xukuumaddiisu halis gelinayso nolosha la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto gudaha Gaza.

Xulafada Israel ee reer galbeedka, sida Midowga Yurub iyo Ingiriiska ayaa sidoo kale labadaasi nin ku eedeeyay inay wiiqayaan wada hadalada nabadda ee Gaza, isla-markaana ay hurinayaan rabshadaha Israeliyiinta la deegaameeyay ay ka wadaan Daanta Galbeed ee la haysto.

Wasiiradan ayaa Netanyahu ku adkeeyay inaanu wax dheg jalaq ahi u siinin cadaadis ay sheegeen in Mareykanku uu ku saarayo in la soo afjaro dagaalka ka soconaya Gaza. Wasiiradan ayaa si joogta ah billihii la soo dhaafay qalabka Warbaahinta uga sheegayay in ay tahay in Xukuumadda Netanyahu ay sii waddo dagaalkan, inta laga burburinayo Xamaas, haddii kalena ay ka bixi doonaan xukuumaddiisa, tallaabadan oo soo dedejineysa in dalka laga qabto doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay.

Netanyahu oo adeegsanaya xeeladihiisa, si uu uga baxsado burbur ku yimaada xukuumaddiisa iyo dacwadda musuq-maasuq ee kaga furan maxkamadda gudaha ayaa dhowr jeer fashiliyay dadaaladii uu Mareykanku horkacayay ee la doonayay in xabad joojinta lagaga sameeyo Marinka Gaza, isagoo marba shuruudo cusub la imanayay miiska wada hadalka, ayna iska diiday Xamaas, keentayna in dagaalka Gaza uu sii socdo.

Maamulka Madaxweyne Joe Biden oo billihii June illaa October arkayay in Ben-Gvir iyo Smotrich ay ka masuul yihiin horu-socod la’aanta hareysay heshiiskaasi ayaa waxaa haddana jirin wax tallaabo ah oo ay ka qaadeen.

Fadeexaddii Xisbiga Dimoqraadiga ee Madaxweyne Biden ka qabsatay doorashadii 5-tii bishan ka dhacday dalkaasi ayaa la aaminsan yahay in ay ka dhalatay carrada shacabka Mareykanka ay ka muujinayaan xasuuqa ay Israel ku hayso dadka Gaza iyo sida aanu Aqalka Cad waxba uga qabaneynin.

Shacabka Mareykanka ayaa qayb ka ahaa bannaanbaxyadii waaweynaa ee bulshada caalamka ku muujineysay, sida ay uga soo horjeedaan isla xisaabtan la’aanta ee Israel.

Maamulka Biden ayaa dunida iyo shacabka Mareykankaba kala kulmay cambaareyn xoog leh, oo loogu jeedinayo taageeradooda indha la’aanta ah ee Israel.

05/05/2024

Naagta meher ma unoqdaa inaan lalaguursan?

Waxaa h**e loo yiri wixii soo daaho ayaa khayr kujira hada waxaa noo bilawday isbadalkii iyo horomarkii waqooyiga Muqdis...
16/02/2024

Waxaa h**e loo yiri wixii soo daaho ayaa khayr kujira hada waxaa noo bilawday isbadalkii iyo horomarkii waqooyiga Muqdisho
Horo usocda bahda MARINA BEACH STATE

22/01/2023
26/12/2022

Yuusuf Ciise Kaba ku Dukade oo Bud-bud kula hadlayay Khawaarijta u dagaalantay gaar ahaan Kuwa ka dhashay Beesha Abgaal ayaa u sheegay in bishan mushaar aan la heli doonin
Sidoo kale waxaa uu fasaxay lamacaamilka dowladda
Waxa uu u cadeeyay in Alshabaab iyo Mudulka kala Shakiyeen.

Waxa uu u raaciyay in ay xor u yihiin la safashada garabka ay doonaan.
Ayna soo dhamaatay waayahoodii gobalka shabeellada dhexe
Waxaa kale ee soo dhamaatay Xakamayntii ay isku dayday kooxda, waxa ayna xaqiiqsadeen in aan Xoog lagu dagaal geli karin

16/12/2022

Waxaa lasoo afjaray holgalki ka socday Deg.aadanyaabaal iyadoo maantay Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka oo ku dhawaadeen degaano hoostago Degmada Ruunirgood sida tuuladad Darulnimca, xawaalo kulan,buur cabdulle iyo ceelbacad iyo dhanka bari ee tuuladda cadcadeey.

howlgallada socda maanatay ayaa Todabaadka soo socda ku wajahan Deegaanka maraay suuleey oo ah xuduuda kala qeybiso Gobaladda sh.dhex iyo Galgaduud sida uu amarka amarka ku bixiyay Taliyaha Ciidanka Odawaay Yusuf Rage.

04/12/2022

Wararka naga soo gaaraya deegaanada kala ah xawaalo kulan iyo calasoowyaalo ayaa lagu duqeeyay alshabaabkii kusugnaa halkaas oo dhaw goobtii ay soo weerareen ee huurweyne mana cada jabka kasoogaaray duqdynta iyo dagaal ay kuqaadeen dadka deegaanka

20/11/2022

Wararka Naga soogaaray Deegaanka Nuurdugle In shalay khawaarijta alshabaab ah ay gubeen guryihii deegaanka mana jirto wax dhimasho ama dhaawac ah inkastoo aan lahelin cid xaqiijin karto waayo waxay hawada kasaareen isgaarsiintii intey kujireen gubida deegaanka iyagoo kuyimid si dhuumaaleysi ah

05/10/2022

المال يشتري السرير و لا يشتري النوم.
المال يشتري الساعه ولا يشتري الزمن.
المال يشتري الدواء ولا يشتري الشفاء.
المال يشتري كتاب الأخلاق ولا يشتري الأخلاق.
المال يشتري الطعام ولا يشتري الشهية.

أللهَّمَ أرزقنا مالاً يُقَرِبُنا إليك ويكون فيه رضاك ويعيننا على طاعتك..

بمناسبة العام الهجري الجديد كل عام وانت بخير بمناسبة العام الهجري الجديد 1444
30/07/2022

بمناسبة العام الهجري الجديد
كل عام وانت بخير بمناسبة العام الهجري الجديد 1444

28/06/2022

Afhayeenka Madaxtooyadda Somalia Cabdikariin Cali Kaar ayaa faahfaahin ka bixiyey qodobo ay ka mid yihiin xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, toddobaadka xorriyadda iyo halka uu marayo gurmadka gargaarka loogu fidinayo shacabka abaaruhu saameeyeen.

Afhayeenka oo shir jaraa’id ku qabtay Villa Somalia ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee Madaxweynuhu tahay mid aad u fiican wax dhibaato ahna uusan dareemaynin balse keliya laga helay caabuqa Covid-19.

Waxaa uu sheegay beri Madaxweynuhu mari doono baaritaan Caafimaad, isagoo xusay in Madaxweynuhu shaqo maalmeedkiisa u gudanayo hab waafaqsan habraacyada loo dejiyey xakamaynta faafitaanka Covid-19.

Dhanka kale Afhayeenka ayaa waxaa uu intaa ku daray in dowladdu wax ka bedeshay habkii loo xusi jiray munaasabadaha toddobaadka Xoriyadda oo h**e loo qaban jiray Xafladdo waaweyn balse sanadka loo bedelay in loo gurmado Shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen iyadoo la fulinayo amarka madaxweynaha dalka
Afhayenka ayaa sidoo kale kawar bixiyay caruurtii looqaaday dalka eleteriya oo mudo dhowr sano ah kumaqnaa asigo sheegay in ay socdaan howlihii lagu keeni lahaa wadanka looga faaiideysan lahaa aqoontooda iyo xoogooda.

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when RNNGD Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share