30/04/2024
                                            Beesha Talxe oo Nabadoon kale oo Cusub ku Caleemo saaratey degmada Baardheere(Vedio)
Jifada Maxamed Abookar oo ka mid ah Beelweynta Talxe ee Degta Gobolka Gedo ayaa maanta  xaflad Balaaran oo ka dhacdey gudaha degmada Baardheere ayaa waxay  Nabadoon Cusub ee Beeshaasi u doorteen,Nabadoon Cali Sahal Guuleed.
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey,kuna aadanayd  Caleemo saarka Nabadoonka Cusub ayaa waxaa ka qeyb galey Boqolaal dadweyne oo ay ku jiraan Odoyaasha Dhaqanka Beelaha degan Baardheere,dhalinyaro ,Haween,Aqoon yahano,Culima'udiin iyo waxgarad kale.
Dhamaan xubnahii ka hadley xaflada ayaa waxay sheegeen in ay soo dhaweynayaan Nabadoonka Cusub,waxayna qeybaha kale duwan ee Bulshada ay ugu baaqeen inay la shaqeeyaan Nabadoonka Cusub ee Beesha Maxamed Abuukar ee Talxe Cali Sahal Guuleed.