Hiiraanimo News

Hiiraanimo News Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Hiiraanimo News, Media/News Company, Howlwadaag Baladweyne, Mogadishu.

15/10/2025

BALADWEYNE wasaqda tuugada iyo shiidka.
Qabiilada dagan waxey kumashqusantihiin
hiiraan state xawadle
Westland state jijeele
Galjecel flag Galjecel
Bala Bala Bala yaaab

12/09/2025

Xl iyo JJLE

13/07/2025

Istahil Europa wey ku wareertay

10/07/2025

Wasir godax barre oo sheegay in hawiye isku raacay in la laayo xawadle.
Wasir godax oo calaacal afka furtay.

Wararkii Ugu Dambeeyay ee Moqokori.Kooxda AS ayaa Dagaal saacado qaatay kadib gudaha ugalay Magaaladda Moqokori ee Gobol...
07/07/2025

Wararkii Ugu Dambeeyay ee Moqokori.

Kooxda AS ayaa Dagaal saacado qaatay kadib gudaha ugalay Magaaladda Moqokori ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamada Deegaanka ee Macawisley ayaa banaanka uga baxay magaaladda, iyadoo Weli meelaha qaar laga maqlayo Rasaas teel teel ah.

Sidee Dagaalku ku Bilowday.?

Kooxda AS aya saaka soo qaaday Weerar dhowr jiho ah oo ku bilowday ismiidaamin iyo gaadiid Qaraxyo wada, kadibna Waxaa xigay dagaal xoogan.

Ilo Wareedyo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in qasaaro xoogan oo dhimasho iyo dhaawac ah ay jiraan laakiin lama hayo tiro sax ah.

Moqokori.

Magaalada ayaa AS laga qabtay Sedex Sano kahor waxaana ay aag difaac u aheyd Dadka deegaanka reer Hiiraan oo bilaabay halganka AS.

Ma jirin awood dowladeed oo ku sugan magaalada iyadoo Militeriga DF ay magaalada ka baxeen bilo kahor oo aheyd xiligii AS ay qabsadeen Aadan Yabaal.

Maxey ka dhigantahay in AS qabsadaan Moqokori.?

Waa magaalo Istiraatiiji ah oo isku xiri karta howlgalka AS ee bartamaha Somalia, Waxaa ay sidoo kale halis ku tahay Magaalooyinka waa weyn ee Hiiraan sida B/Weyne iyo Buulo-burde.

AS aya sidoo kale haysta qeybo badan oo ka tirsan Sh/Dhexe taas oo ka dhigan iney labada gobolba ku sugan yihiin.

Sawirka maanta iyo Moqokori

12/05/2025

Hada qosli weydo taqtar aad.

BELEDWEYNE UPDATE: Ka dib maalin iyo kala bar habeenkii xalay oo ay Shabaab ka dagaalamayeen Hotel Qaahira, Beledweyne, ...
12/03/2025

BELEDWEYNE UPDATE:
Ka dib maalin iyo kala bar habeenkii xalay oo ay Shabaab ka dagaalamayeen Hotel Qaahira, Beledweyne, waxaa xalay kooxdii weerarka soo qaadday u suuragashay inay ka baxsadaan goobta, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil dowladda iyo dad deegaanka ku sugan.

Ma jirto wax ka dhintay kooxda weerarka soo qaadday oo la og yahay.

Xalay abbaare 11:00 habeennimo waxay Shabaab soo direen maleeshiyaad aad u hubeysan oo weerar kale bannaanka kaga soo qaaday magaalada, taasoo keentay in ciidankii ku hareereysnaa hotelka ay dib u baxaan.

Weerarkan arbushaadda ahaa ayaa suurtagaliyay in kooxdii weerarka soo qaaday, oo tiradoodu naloogu sheegay dhowr iyo toban, ay si nabad ah ku baxsadaan ka dib in ka badan 17 saacadood oo ay ka dagaalamayeen gudaha Beledweyne.

Weerarka waxaa ku dhintay AUN 7 ruux oo ay ku jiraan:

1. Nabaddoon Aadan Cali Cabdulle
2. Nabaddoon Maxamed Cismaan Faarax
3. Gaashaanle Aadan Maxamuud Calasoow.
4. Galaangashe
5. Cabdirashiid

Waxaa jira 2 ruux oo shacab ahaa oo qaraxyada ay ku dileen bannaanka hotelka, oo mid ka mid ah uu dhaawac u dhintay.

Dhammaan dadkaasi iyagoo sooman ayay dhinteen, waxaan ALLE uga baryaynaa inuu Janaddiisa geeyo.

HUB IYO RASAAS U GACANGALAY SHABAAB

Kooxda Shabaab waxay horey u sii qaateen hub iyo rasaas yaallay hotelka, oo loo diyaarinaayay hawlgallo cusub oo la rabay in dhowaan deegaannada Galbeedka Hiiraan looga xoreeyo Shabaabka.

Weerarka hotel Qaahira wuxuu reebay su'aalo badan oo ay tahay in la daba galo, lana helo jawaabo caqli gal ah.

Address

Howlwadaag Baladweyne
Mogadishu
2526

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hiiraanimo News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hiiraanimo News:

Share