12/03/2025
BELEDWEYNE UPDATE:
Ka dib maalin iyo kala bar habeenkii xalay oo ay Shabaab ka dagaalamayeen Hotel Qaahira, Beledweyne, waxaa xalay kooxdii weerarka soo qaadday u suuragashay inay ka baxsadaan goobta, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil dowladda iyo dad deegaanka ku sugan.
Ma jirto wax ka dhintay kooxda weerarka soo qaadday oo la og yahay.
Xalay abbaare 11:00 habeennimo waxay Shabaab soo direen maleeshiyaad aad u hubeysan oo weerar kale bannaanka kaga soo qaaday magaalada, taasoo keentay in ciidankii ku hareereysnaa hotelka ay dib u baxaan.
Weerarkan arbushaadda ahaa ayaa suurtagaliyay in kooxdii weerarka soo qaaday, oo tiradoodu naloogu sheegay dhowr iyo toban, ay si nabad ah ku baxsadaan ka dib in ka badan 17 saacadood oo ay ka dagaalamayeen gudaha Beledweyne.
Weerarka waxaa ku dhintay AUN 7 ruux oo ay ku jiraan:
1. Nabaddoon Aadan Cali Cabdulle
2. Nabaddoon Maxamed Cismaan Faarax
3. Gaashaanle Aadan Maxamuud Calasoow.
4. Galaangashe
5. Cabdirashiid
Waxaa jira 2 ruux oo shacab ahaa oo qaraxyada ay ku dileen bannaanka hotelka, oo mid ka mid ah uu dhaawac u dhintay.
Dhammaan dadkaasi iyagoo sooman ayay dhinteen, waxaan ALLE uga baryaynaa inuu Janaddiisa geeyo.
HUB IYO RASAAS U GACANGALAY SHABAAB
Kooxda Shabaab waxay h**ey u sii qaateen hub iyo rasaas yaallay hotelka, oo loo diyaarinaayay hawlgallo cusub oo la rabay in dhowaan deegaannada Galbeedka Hiiraan looga xoreeyo Shabaabka.
Weerarka hotel Qaahira wuxuu reebay su'aalo badan oo ay tahay in la daba galo, lana helo jawaabo caqli gal ah.