09/05/2024
Si kidis ah ayay milyuneer ku noqotay.
Waa haweeneey u dhalatay dalka Thailand.
Waxay shaqaale ka ahayd guri ay lahayd haweeneey hantiile ah oo Faransiis ah oo Catherine Delacot la dhaho.
Catherine Delacot iyo ninkeeda oo labadooduba Faransiis ah ayaa 12 sano kahor Villa iyo 5 guryo oo kuwa dalxiiska ah ka iibsaday Thailand, gadaal danbena way kala tageen, balse Catherine waxay ku nagaatay Thailand oo halkaas ayay keligeed iska degneed.
Waxayna maamulan jirtay guryaheeda oo ay dadka dalxiisayaasha ah ka kireyn jirtay, halkaas ayayna ganacsi ahaan qarashkeeda ka heli jirtay.
Waxaa shaqaale intaasi dhan u ahaa haweeneyda sawirkan ka muuqata oo Nutwalai Phupongta la dhaho. Balse guriga lama aysan degneen oo shaqo ahaan ayay u imaan jirtay oo keliya.
29/04/2024 oo maalin dhaweyd ah ayaa waxaa Pool lagu dabaasho oo Villada ku yaalla laga helay meydka haweeneydii Faransiiska ahayd, waxaana koow arkay wiil waaskada lagu dabaasho ka shaqeeya. Waxaana halkaa yaalay bistoolad.
Maalmo kahorna haweeneyda Faransiiska ahayd waxay lacag $13,558 u dirtay Nutwalai Phupongta, taasoo loo fahmay inay ka wado lacagtii lagu aasi lahaa.
Haweeneyda Faransiiska ah waxay qabtay xataa Kansar.
Boliiskana waxay xaqiijiyeen inay ayada is dishay.
Waxaa cajiib ahayd markii la arkay in haweeneyda Faransiiska ah ay dhaxalkeeda dhan ka dardaarantay in la siiyo haweeneydan shaqaalaha u ahayd ee Thailand u dhalatay. Wax h**e loo sii ogaana ma ahayn.
Waxay haweeneydan dhaxashay Villa dhan oo weyn, dhul caadi ah oo banaan, 5 guri oo kuwa dalxiiska ah, baabuur iyo lacag kaash ah oo qiima ahaan gaareysa $2,711,786 (Laba milyan iyo todobo boqol oo kun oo Dollar).
Sawirka Villada ay dhaxashay waa middan hoos ka muuqata.
Ka waran hee dhacdadaas?
W/q Ahmed kadiye