Ikhlas Media Agency

Ikhlas Media Agency Warar Sugan oo xaqiiqada ku salaysan

Waqooyi Bari: 7-da Juun 2026, Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Waqooyi Bari iyo Hay’adda WFP ayaa yeeshay kulan uu guddoo...
08/06/2026

Waqooyi Bari: 7-da Juun 2026, Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Waqooyi Bari iyo Hay’adda WFP ayaa yeeshay kulan uu guddoominayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Nouh Abdullahi Yusuf. Kulanka waxaa looga hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan hirgelinta barnaamijyada quudinta iyo nafaqada ee gobollada iyo degmooyinka Dowladda Waqooyi Bari. Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray taageerada haweenka uurka leh, hooyooyinka nuujinaya iyo carruurta, iyadoo la xoojinayo isku xirka adeegyada caafimaadka iyo nafaqada si loo yareeyo nafaqo-darrada loona horumariyo caafimaadka bulshada. Labada dhinac ayaa ku heshiiyay dardargelinta fulinta barnaamijyadan si taageeradu u gaarto dhammaan deegaannada la qorsheeyay.

Bariga dhexe: Dawlada Israaiil ayaa ka carootay hadal kasoo yeeray kaas oo aha in maalin un ay xorayndoonaa magaalada Qu...
08/06/2026

Bariga dhexe: Dawlada Israaiil ayaa ka carootay hadal kasoo yeeray kaas oo aha in maalin un ay xorayndoonaa magaalada Qudus oo ay maamusho Israaiil. Waxay u aragtaa warka ka soo yeeray Wasiirka Arrimaga gudaha ee Turkiga guluf cusub oo kusoo wajahan kaasoo lagu wiiqayo jiritaanka Dawlada Israail.
Labada dawladood ayaa mudadi udanbaysay waxaa sii xumaanayay xiriirka ka dhexeeya kadib markii Israail ay bilawday sanadki h**e duqaynta Qaza iyo dadka dagan iyadoo leh Xamaas ayaan hub ka dhigis kusamaynaynaa balse dad badan oo kor udhaafaya 100K oo qof ku dishay sido kalena awood xad dhaaf ah u adeegsatay.

War cusub: Wasiirkii h**e Cadalada-Maxamed Cabdiwahaab oo si gaar ah ula shiray Nootaayooyinka isagoo ka codsanaya in lo...
31/05/2026

War cusub: Wasiirkii h**e Cadalada-Maxamed Cabdiwahaab oo si gaar ah ula shiray Nootaayooyinka isagoo ka codsanaya in loo socodsiiyo adeegga E-nootari oo isagu saami xoog leh inuu ku leeyahay la rumaysan yahay. Waxaa h**ey wasiirka loogu eedayay inuu hab aan daahfurnayn u maareeyay adeeegga E-nootari hirgelintiisa balse wuxuu ku adkaystay in wasaaradu wakhtigiisii ay u martay habraac sharci ah loona tartamay sidaasna ay shirkada hada haysa ugu gacan gashay. Arrintan ayaa ah waxba k**a jiraan aan sal iyo raad lahayn balse wasiirku ku marin habaabinayay Golaha xildhibaanada oo su'aashaas waydiiyay. Waxaa wax lala yaabo ah in wasiirka isagoo aan wax xil iyo masuliyad ah ka hayn xukuumada inuu la shiro qayb ka mid ah xifladlayaasha Nootaayooyinka isagoo ka codsanaya inay sii wadaan hirgelinta adeegga E-nootari oo musuqmaasuq badan ku hareeraysan yahay.

28/02/2026

Iran-US: Dagaalka Iiraan lagu qaaday ayaa ka dhigan in la rabo in meesha laga saaro dhammaan wadan Mulsim oo isku taagi kara ama ishortaag ku samayn kara danaha Maraykanka iyo Xulufadiisa Isriil oo dhawaanahaanba usoo goodinayay. Waxaa la yaable isbahaysiha Maraykanku wado si loo wiiqo awooda Iiraan ma jiro wadan Islaam ah oo oron kara halaga daayo Iiran dagaalka gardarada ah ee lagu qaadayo halka qayb ka mid ah reer Galbeedka ay la jahrayaan in dagaalkani yanay mid Maraykanku wado oo aan waafaqsanayn xeerarka caalamiga ah iyo shuruucda aduunka u yaala ee Qaramada Midoobay wadamadaas waxaa ka mid ah oo cambaareeyay dagaalka Raysul wasaaraha Spain.
Maxaa yaab isdabayaal.

10/10/2025

.....Maxaan ka baran karnaa Nidaamka Federalka Hindiya........

Hindiya waxay leedahay qaab dhismeed dawladeed oo Federal ah, ujeedkuna waxay tahay qoomiyadaha kala duwan ee dalkaas waxay ku kala gedisan yihiin dhaqan, diin, af iyo wax yaalo badan oo kale sidaas awgeed in mid walba maamul goboleed danaheeda hormarinaya ay hesho si meesha looga saaro in bulsho gooni ay xukunka gacanta ku dhigto kadib inta kale ay ragaadiso.

Maamul goboleedka Andhra Pradesh oo ka mid ah Maamul goboleeeyada Dawlada Hindiya ka kooban tahay waxaa la sameeyay 1956, caasumadiisuna waa Hydarabad waxaa ku midoobay qoomiyado kala gedisan oo deegaankaas wada daga.
Qoomiyada la yiraahdo Telugu oo u badan Caasimada Maamul goboleedka iyo inta ku xeeran ayaa waxay dareemeen in maamul goboleedka ay ka tirsan yihiin inuu ka gaabiyey danaha bulshada Talugu haday tahay dhaqaale ahaan, waxbarasho iyo matalaad siyaasadeed, sidaas darteed waxay galeen dadaal ah inay helaan maamul gooni u ah sida maamul goboleedyada kalena hoos yimaada dawlada dhexe.

Waxay muddaba dedaal ku qaadato aragtidaas inay hirgeliyaan waxaa loo aqoonsaday maamul buuxa 2 June 2014 sidaas ayay ku noqdeen maamul goboleedka la yiraahdo Telagu State.

Waxaa cajiib siday u kala baxeen maamul goboleedkii h**e Andhra Pradesh oo caasimadiisu ahayd Hydarabad iyagun ay rabaan inay Caasimada la go'aan.
Waliba dadka Telagu-ga waxay rabaan maamul goboleeeka ay raadinayaan inay Caasimad uga dhigaan Hydarabad oo ah Caasimada Maamul goboleedka ay ka tirsan yihiin.
Wada hadal dheer kadib waxay ku guulaysteen in maamul goboleedkii la siiyay caasimad ay u noqonayso Hydarabad halka maamul goboleedkii h**ena Caasimadiisa loo rarayo Magaalada Amaravati oo qiyaastii 500 KM u jirta Hydarabas.

Mudada ay kaga guurayaan caasimada Haydrabad oo noqotay Caasimada maamul goboleedka cusub ee Telgu Statewaxaa laga dhigay 10 sano oo ka bilaabanaysa 2014, inta udhaxaysana labada maamul goboleed ay caasumada Hydarabad kusii wada shaqeeyaan.

Hada wakhtigan la joogo labadii maamul goboleed waa daris wada shaqeeya mid walbana Caasimadiisu gaar u tahay sidaasba ay kuwada hawlgalaan.

Maxay Soomaaliya ka baran kartaa qaabkaan ay bulshooyinka Federalka isticmaala u maareeyaan caqabadaha uu lee yahay nidaamka Federalka.

Waxaa muhiim ah, in aan khibrada ka qaadano wadamada soomaray xaaladaha aan maanta wajahayno si aan xaaladaheena umaaraysano una sii ahaano dawlad la jaanqaada aduunka iyo kuwa gobolkaba.
Inta badan khilaadyada sababay dagaalada siyaasadeed ama iska horimaadyada hubaysan ma ahan kuwa sharciyan xal sharci ah loo wayay ee waxaa kulamaan dano shakhsiyadeed balse arrintaas dawladnimada waxba k**a goyso inay wax bi'iso mooyaane.

Kulankii dhexmaray  Madaxwaynaha Suuriya iyo Madaxii Sirdoonka Maraykanka "Ugu danbaynta guushaadu waa guushayada"Madaxw...
26/09/2025

Kulankii dhexmaray Madaxwaynaha Suuriya iyo Madaxii Sirdoonka Maraykanka "Ugu danbaynta guushaadu waa guushayada"

Madaxwaynaya kumeel gaarka ee Suuriya Axmed Alsharaa oo New York City kulan kula qaatay General David Petraeus- Madixii h**e ee Sirodonka Maraykanka(CIA) ahaana Hogaamiyihii Ciidanka Ciraaq weeraray oo qabtay Alsharaa xabsina ku hayay intii udhexaysay 2006 - 2011 ayaa waydiiyay su'aalahaan:

Suaalo: Madixii h**e CID-da
1) Waxaan aad ulaayabahay una xiisaynayaa in aan ogaado sidee umidaysay wixii jabhado ahaa ee wadankaas ka jiray, uqalabaysan, u tabobartay hadana ugu jihaysay in la tuuro xukunkii Bashaar Alsad oo 50 sano wadankaas ka talinayay?!

Jawaab: Madaxwayne Alshaara:

Wuxuu yiri waxaan ku dadaalnay in aan hagaajino kalsoonida shacabka iyo dhisida cadaalada oo qof walba udagaalamayay oo ka mid ah shacabka reer Suuriya, hadana waxaan dhiiidhijay axmaqnimadii iyo cadaawnimadii xukunkii markaas jiray oo aan ka hornimi oo dadka ulaynayay si aan kala soo lahayn haday tahay duqaynta xaafadaha, xariga joogtada ah iwm. Waxaan dhisnay ciidan yar oo leh akhlaaq iyo kala danbayn halka ciidankii Bashaar tiro badnaa, taageero buuxda ka helyay Ruushka haday tahay diyaaradi, Ciidanka iyo qalab iyo waliba Dawlada Iiran iyo kooxaha udagaalama balse Ciidanka Bashaar waxay ahaayeen kuwo ka aradan akhlaaq iyo qayim oo dhan iyo anagoo sugnay wakhtiga ku haboon ee dagaalka la bilaabi karo iyo doorashada goobta saxda ah ee dagaalka laga gali karo si aan cadawga ujabino taas ayaana keentay jabka iyo soo idlaashada xukunkii Bashaar oo 50 sano ka talinyay.

Suaalo: Madixii h**e CID-da:

2) Sidee umaaraysaa xaalada wadanka oo dhan oo caadiska intaas le'egi ka jiro?
3) Ma heshaa wakhti aad ku fakarto?
4) Ma heshaa wakhti hurdo oo kugu filan habeenkii?
5) Waxaad leedahay waxyaabo badan oo wakhtiga inaad ku qaadato aad jeceshahay, anigana waxaan ka mid tahay kuwaas, waxaan aad uga walwalsanahay xaalada?

Jawaab: Madaxwayne Alshaara:

Waxaan marka h**e talo saartaa awooda Allah kadibna awooda shacabka reer Suuriya oo na garab taagan si aan uga saarno xaalada deganaanasho la'aanta ee dalka ka jirta.
Waxaan jiraa 43 Sano waxaan kusoo shaqeeyay degaan ay ka jirta deganaansho la'aan iyo nidaam, waxaan 25 sano ku qaatay khilaaf, dagaal iyo nolol adag sidaas darteed waxaan fahansanahay oo qalabsaday sida loogu shaqeeyo xaaladahaas oo loo maareeyo iyadoo la isticmaalayo aragti fog iyo qorshayaal ubaahaj maskax furnaan, laqabsasho xaaladaha markaas taagan iyo dabacsanaan.

Gunaanad: Madixii h**e CID-da:

Runtii waraysigan wuxuu igu abuuray yidadiilo, rajo wanaag iyo qalbi fiican, runtii hadafkaaga iyo aragtidaadu wa cadahay waana kaa muuqataa. Waxaan kuu rajaynayaa inaad guulaysato maxaa yeelay ugu danbaynta guushaadu waa guushayada. Waa mahaddan tahay Mudane Madaxwayne.

Waa waraysi ay ku jirto wax badan oo faa'iido ah gaar ahaan cid walba oo danaynaysa arrimaha Sirdoonka, fahanka dagaalada Islaamiyiinta, dib usoo celinta wadan mawjado badan ay ku furan yihiin oo colaado ah iyo dhisida Sirdoon tayso sare leh.

Waxaan diyaarayay
Ustaad Sharmarke Ali

Former CIA director David Petraeus told Syrian President Ahmed al Sharaa he’s one of his many "fans” during an interview at the annual Concordia Annual Summi...

Xak**aynta Barasha BulshadaDawlada waxaa ka saran masuuliyad inay shacabkeeda ka ilaaliso wax kasta oo wax yeela haday t...
18/09/2025

Xak**aynta Barasha Bulshada

Dawlada waxaa ka saran masuuliyad inay shacabkeeda ka ilaaliso wax kasta oo wax yeela haday tahay caqliga bulshada, diinta, dhaqanka, dhaqaalahooda, dhulkooda iyo sharaftooda.
Waxaan raba dhanka baraha bulshada khatarta ka iman karta inaan wax yar ka iftiimiyo taaso oo bulshadeena dhawaanahaanba ku haysay faro kulul oo da’yartii iyo da’dii dhexe aad moodo inay ku hafteen.
Baraha bulshadu waxay u baahan yihin in la korjeegteeyo oo laga ilaaliyo wixii anshaxa, dhaqanka iyo diinta wax udhimaya aan lagu isticmaaalin sida wadan kastaa uu shuruuc dadka qabanaysa ay ugu samaysteen. Khataraha ka iman karo in si khaldan loo isticmaalo waxaa ka mid ah:-
• Welwel iyo murugo nafsi ah in dadku ka qaadan oo
• Niyadjab ka dhasha qoraalada ama fiidiyawyada la soo geliyo facelinta ka timaada.
• Khataraha ka dhasha xogta shakhsiga iyo amaankiisa.
• Xadgudubyada xogaha dadka iyo faafinta xogo khaldan
• Tugnimo iyo Hanjabaado lagu salaynayo xoga lagaa hayo.
• Qabatimida baraha bulshada
Dhammaan cuduradaas iyo kuwa ka badan ayaa laga qaada sidaas darteed waa in wadankeenu yeesho xuduud iyo xaydaan qofka uusan dhaafi Karin isticmaalaya baraha bulshada.

Dawlada Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada, aqoon yahanka iyo guud ahaan bulshada waxaa la gudboon inay ka shaqeeya sidii arrintaan wax looga qaban lahaa, dhalin yaradeenana looga wacyi gelin lahaa.

Sharmarke Abdullahi Ali
Agaasimaha Xarunta Capital Care.

War degdeg ah: Sida wararku sheegayaan Xaafad  ka caraysan qof shaqaale ah oo laga eryay Golis ayaa MAANTA inta u dhexay...
17/09/2025

War degdeg ah: Sida wararku sheegayaan Xaafad ka caraysan qof shaqaale ah oo laga eryay Golis ayaa MAANTA inta u dhexaysa Bacaadweyn iyo Gaalkacyo ka jaray Xargihii Fiber Optic-ga ee shirkadda.

Isticmaalka Internetka ee degaanadaasi ayaa hada HAKAD ku jira sida laga soo sheegay, balse Shirkda ayaa ku mashqulsan sidii ay usoo celin lahayd Isticmaalka Khadka.

17/09/2025

Ka faa'iidaysiga damiir dadka Muslim-ka

Tan iyo markii Dooxa lagu qaaday weerarka xadiddan ee Israaiil ay ku beegsanaysay Madaxda Xamaas oo wada hadal u joogay Dalkeeda waxay bilawday inay Israaiil iyo xulufadeeda tusto saamaynteeda dadban ee calaaamka ay ku leedahay.
Dadaalka ay muujinayso Qadar sida talaabooyinka ay qaaday weerarka kadib sida kulankii wadamada khaliijka ay isugu yeertay, kadibna shirkii Golaha Amaanka, Carabta iyo Uruurka Islaamka inay dhab ka tahay Qadar ayaa dad badan u haystaan.

Arrintaas ma ahan mid wax wayn ka jiraan mana ahan mid wax ka badalaysa hab dhaqanka siyaasadeed ee Bariga dhexe kula dhaqmayso Israaiil iyo Maraykanku.

Qadar iyo xulufadeeda Masar, Sucuudiga, Imaaraarka, Kuwayt, Jordan, Ciraaq,Turkey iyo Suuriya midna ma qaadin talaabo ka baxsan dhaleecayn. Dhammaan xiriiradii Ganacsiga, xiriirkii Diplamasiga iyo wada shaqayn nooc walba ah oo h**ey uga dhaxaysay waa sideeedii ilaa maanta. Taas waxay cadaynaysaa in afka baalkiis tahay waxa ay sheegayso oo dhan, iyadoon awalba laga filayn talaabo militeri hadana ugu yaraan inay xiriirka u gaabiyaan ma dhicin. Taas badalkeeda Qadar oo martideedii loo gacan dhaafay waa sii wadaynaa wada hadalka ay wali taagan tahay, Imaaraatka wuxuu yiri waxba isk**a badalin heshiiskii Israail ee caadiyaynta xiriirka Israail ee Abram Acord.
Waxay u muuqataa qorshe kale oo lagu khaarajiyo in lawado madaxda Xamaas maadaama kani fashilmay. Maxaa yeelay sida saxda ah waxay ahayd hadii aadan martidaada hooyo siin karin inaad u ambabixiso meel ay ku nabadgalayaan laakin magangeliyo masiin karo martida ii joogta, waana soo hargalinayaa waa wax iska cad oo qof waliba fahmi karo.

Maadaama falkii lagu khaarajin lahaa madaxda Xamaas fashilmay waxaa khasab noqotay in Qadar iyo Maraykankuba toos uga leexdaan falkaas oo eeda si gaar ah loogu leexiyo RW Israiil Natanyahu si aysan u muuqan inay door muuqda ku lahaayeen maxaa yeelay waa fashilka dhaloolo badan ayaa ka dhalanaya.

Maraykanka oo ku gaabsaday inuu ka xun yahay weerarka balse wuxuu sheegay inuu Israail la yahau xulufo taageeradiisana ay usii labo jibaarayaan sido kalena Qadar lagu amray inay sii wado doorkeedii dhexdhexaadnimada iyo wada hadalka. Wuxuuna ugu baaqay reer Falastiin inaysan jirin nabad ilaa laga soo daayo maxaabiista oo dhan, Xamaas laga dhigo hubka, lagana saaro talada masiirka reer Falastiin.

Isbadalka dib uqaabaynta Bariga dhexe waa mid muddo laga soo shaqaynayay walina bilaw ah hadaan wadamada khaliijka laga helin wadashaqayn buuxdana ma ahan mid dhaqangaki kara sidaas darteed doorkooda ayay qaadanayaan.

15/09/2025

Dhibaatada haysata Soomaalida Caafimaadka u aadaysa India

"Waxaan ka dhoofnay meesha la yiraahdo Adisababa anagoo Soomaali badan ah, aniga shaqsiyan waxaa ila socotay Hooyadey iyo Gabar aan dhalay waxaana u soconnay Dalka india, gaar ahaan haydarabad, Adisababana waxaan u tagtay inaan Visa ka qaadano maadaama Safaaradda India ee Somalia aysan shaqayn, si sharci ah oo nidaamsan baan visihi kusoo qaadannay wax naga qaldanaana ma jirinc

"Kowdi Habeenimo ayaan waxaan nimi Haydarabaad Airport, goortaan emagarashinka mareenay anagoo Sodomeeyo Soomaali ah gaarayna hal mar baa amar nala siiyey iyadoo waxba naloo sheegin, waxay na yiraahdeen noqda oo waxaa tagtaan xafiis hebel, war wax walba waa noo saxsanyihiin maxaa naloo takoorayaa markaanu niri, war noqda ayeey warka noogu soo koobeen, Dad Gaari lagu riixayo oo aan socon karin iyo kuwo luudaya ayaa nala socday oo Hindia Caafimaad ugu socday qarashkoodana la baxayey waayeelana u badan"

"Xafiis baa nalaku aruurshay baasaboooradi waa nalaka qaaday,waxaa nalaku yiri xagee ka timaadeen badanaa Dadkuna Visaha Adis bey kasoo qaateen, kadibna waxaa nalooku jawaabay waa ganaaxantihiin sharcigiina caafimaadku waa dhacsan yahay, laba mid soogala, inaad meeshi aad ka timaadeen u laabataan, iyo inaad karantiil gashaan mudo 5cisho ah oo meel la idinku xareynayo, oo qofkiba dhoor kun oo Dollar laga qaadayo,waxaan badankeen go'aan sannay inaan dib wadankeeni ugu laabanno hadiiba sidaas bahdilka ah naloola dhaqmayo anagoo caafimaad usoo raadsannay India, sababtoo ah Safaaradda India ee Adis ku taal ayaa Visaha nasoo siisay Kaarkeena Caafimaadka nagama dhacsanayn wax naga qaldanaa maleh ee si kutalagal ah ayaa naloogu fiirsaday hadaanu Soomaali mahay"

"Xoogaa inta inoo aamuseen ayaa marki dambe lacag baad ah oo kun Dollar ah aniga gaar la ii weydiistay maadaama Dadka aan ugu firfircoonaa oo aan doodayey, mid Sarkaal ah ayaa igu yiri bixi kun Dollar adiga iyo Gabadhaada iyo hooyadaa waan idin sii deynayaa maxaa kaa galay kuwa kale, kadibna waxaan ku iri sharci baan ku taagnahay hadaa dhimanayo xataa baadaas bixin mayo ee dib iigu celiya Dalkeyga, waxaan dareemay meel kasta bahdilka nagu haysta iyo sida aan walli u nahay Dad qabiil qabiil isku dilaya, dalkoodi burburiyey Dalal shisheeyana Dhisanaya"

Shekh Axmed Daad.

Address

KM4
Mogadishu

Telephone

+16127470451

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ikhlas Media Agency posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Ikhlas Media Agency:

Share