Ikhlas Media Agency

Ikhlas Media Agency Warar Sugan oo xaqiiqada ku salaysan

Kulankii dhexmaray  Madaxwaynaha Suuriya iyo Madaxii Sirdoonka Maraykanka "Ugu danbaynta guushaadu waa guushayada"Madaxw...
26/09/2025

Kulankii dhexmaray Madaxwaynaha Suuriya iyo Madaxii Sirdoonka Maraykanka "Ugu danbaynta guushaadu waa guushayada"

Madaxwaynaya kumeel gaarka ee Suuriya Axmed Alsharaa oo New York City kulan kula qaatay General David Petraeus- Madixii h**e ee Sirodonka Maraykanka(CIA) ahaana Hogaamiyihii Ciidanka Ciraaq weeraray oo qabtay Alsharaa xabsina ku hayay intii udhexaysay 2006 - 2011 ayaa waydiiyay su'aalahaan:

Suaalo: Madixii h**e CID-da
1) Waxaan aad ulaayabahay una xiisaynayaa in aan ogaado sidee umidaysay wixii jabhado ahaa ee wadankaas ka jiray, uqalabaysan, u tabobartay hadana ugu jihaysay in la tuuro xukunkii Bashaar Alsad oo 50 sano wadankaas ka talinayay?!

Jawaab: Madaxwayne Alshaara:

Wuxuu yiri waxaan ku dadaalnay in aan hagaajino kalsoonida shacabka iyo dhisida cadaalada oo qof walba udagaalamayay oo ka mid ah shacabka reer Suuriya, hadana waxaan dhiiidhijay axmaqnimadii iyo cadaawnimadii xukunkii markaas jiray oo aan ka hornimi oo dadka ulaynayay si aan kala soo lahayn haday tahay duqaynta xaafadaha, xariga joogtada ah iwm. Waxaan dhisnay ciidan yar oo leh akhlaaq iyo kala danbayn halka ciidankii Bashaar tiro badnaa, taageero buuxda ka helyay Ruushka haday tahay diyaaradi, Ciidanka iyo qalab iyo waliba Dawlada Iiran iyo kooxaha udagaalama balse Ciidanka Bashaar waxay ahaayeen kuwo ka aradan akhlaaq iyo qayim oo dhan iyo anagoo sugnay wakhtiga ku haboon ee dagaalka la bilaabi karo iyo doorashada goobta saxda ah ee dagaalka laga gali karo si aan cadawga ujabino taas ayaana keentay jabka iyo soo idlaashada xukunkii Bashaar oo 50 sano ka talinyay.

Suaalo: Madixii h**e CID-da:

2) Sidee umaaraysaa xaalada wadanka oo dhan oo caadiska intaas le'egi ka jiro?
3) Ma heshaa wakhti aad ku fakarto?
4) Ma heshaa wakhti hurdo oo kugu filan habeenkii?
5) Waxaad leedahay waxyaabo badan oo wakhtiga inaad ku qaadato aad jeceshahay, anigana waxaan ka mid tahay kuwaas, waxaan aad uga walwalsanahay xaalada?

Jawaab: Madaxwayne Alshaara:

Waxaan marka h**e talo saartaa awooda Allah kadibna awooda shacabka reer Suuriya oo na garab taagan si aan uga saarno xaalada deganaanasho la'aanta ee dalka ka jirta.
Waxaan jiraa 43 Sano waxaan kusoo shaqeeyay degaan ay ka jirta deganaansho la'aan iyo nidaam, waxaan 25 sano ku qaatay khilaaf, dagaal iyo nolol adag sidaas darteed waxaan fahansanahay oo qalabsaday sida loogu shaqeeyo xaaladahaas oo loo maareeyo iyadoo la isticmaalayo aragti fog iyo qorshayaal ubaahaj maskax furnaan, laqabsasho xaaladaha markaas taagan iyo dabacsanaan.

Gunaanad: Madixii h**e CID-da:

Runtii waraysigan wuxuu igu abuuray yidadiilo, rajo wanaag iyo qalbi fiican, runtii hadafkaaga iyo aragtidaadu wa cadahay waana kaa muuqataa. Waxaan kuu rajaynayaa inaad guulaysato maxaa yeelay ugu danbaynta guushaadu waa guushayada. Waa mahaddan tahay Mudane Madaxwayne.

Waa waraysi ay ku jirto wax badan oo faa'iido ah gaar ahaan cid walba oo danaynaysa arrimaha Sirdoonka, fahanka dagaalada Islaamiyiinta, dib usoo celinta wadan mawjado badan ay ku furan yihiin oo colaado ah iyo dhisida Sirdoon tayso sare leh.

Waxaan diyaarayay
Ustaad Sharmarke Ali

Former CIA director David Petraeus told Syrian President Ahmed al Sharaa he’s one of his many "fans” during an interview at the annual Concordia Annual Summi...

Xakamaynta Barasha BulshadaDawlada waxaa ka saran masuuliyad inay shacabkeeda ka ilaaliso wax kasta oo wax yeela haday t...
18/09/2025

Xakamaynta Barasha Bulshada

Dawlada waxaa ka saran masuuliyad inay shacabkeeda ka ilaaliso wax kasta oo wax yeela haday tahay caqliga bulshada, diinta, dhaqanka, dhaqaalahooda, dhulkooda iyo sharaftooda.
Waxaan raba dhanka baraha bulshada khatarta ka iman karta inaan wax yar ka iftiimiyo taaso oo bulshadeena dhawaanahaanba ku haysay faro kulul oo da’yartii iyo da’dii dhexe aad moodo inay ku hafteen.
Baraha bulshadu waxay u baahan yihin in la korjeegteeyo oo laga ilaaliyo wixii anshaxa, dhaqanka iyo diinta wax udhimaya aan lagu isticmaaalin sida wadan kastaa uu shuruuc dadka qabanaysa ay ugu samaysteen. Khataraha ka iman karo in si khaldan loo isticmaalo waxaa ka mid ah:-
• Welwel iyo murugo nafsi ah in dadku ka qaadan oo
• Niyadjab ka dhasha qoraalada ama fiidiyawyada la soo geliyo facelinta ka timaada.
• Khataraha ka dhasha xogta shakhsiga iyo amaankiisa.
• Xadgudubyada xogaha dadka iyo faafinta xogo khaldan
• Tugnimo iyo Hanjabaado lagu salaynayo xoga lagaa hayo.
• Qabatimida baraha bulshada
Dhammaan cuduradaas iyo kuwa ka badan ayaa laga qaada sidaas darteed waa in wadankeenu yeesho xuduud iyo xaydaan qofka uusan dhaafi Karin isticmaalaya baraha bulshada.

Dawlada Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada, aqoon yahanka iyo guud ahaan bulshada waxaa la gudboon inay ka shaqeeya sidii arrintaan wax looga qaban lahaa, dhalin yaradeenana looga wacyi gelin lahaa.

Sharmarke Abdullahi Ali
Agaasimaha Xarunta Capital Care.

War degdeg ah: Sida wararku sheegayaan Xaafad  ka caraysan qof shaqaale ah oo laga eryay Golis ayaa MAANTA inta u dhexay...
17/09/2025

War degdeg ah: Sida wararku sheegayaan Xaafad ka caraysan qof shaqaale ah oo laga eryay Golis ayaa MAANTA inta u dhexaysa Bacaadweyn iyo Gaalkacyo ka jaray Xargihii Fiber Optic-ga ee shirkadda.

Isticmaalka Internetka ee degaanadaasi ayaa hada HAKAD ku jira sida laga soo sheegay, balse Shirkda ayaa ku mashqulsan sidii ay usoo celin lahayd Isticmaalka Khadka.

17/09/2025

Ka faa'iidaysiga damiir dadka Muslim-ka

Tan iyo markii Dooxa lagu qaaday weerarka xadiddan ee Israaiil ay ku beegsanaysay Madaxda Xamaas oo wada hadal u joogay Dalkeeda waxay bilawday inay Israaiil iyo xulufadeeda tusto saamaynteeda dadban ee calaaamka ay ku leedahay.
Dadaalka ay muujinayso Qadar sida talaabooyinka ay qaaday weerarka kadib sida kulankii wadamada khaliijka ay isugu yeertay, kadibna shirkii Golaha Amaanka, Carabta iyo Uruurka Islaamka inay dhab ka tahay Qadar ayaa dad badan u haystaan.

Arrintaas ma ahan mid wax wayn ka jiraan mana ahan mid wax ka badalaysa hab dhaqanka siyaasadeed ee Bariga dhexe kula dhaqmayso Israaiil iyo Maraykanku.

Qadar iyo xulufadeeda Masar, Sucuudiga, Imaaraarka, Kuwayt, Jordan, Ciraaq,Turkey iyo Suuriya midna ma qaadin talaabo ka baxsan dhaleecayn. Dhammaan xiriiradii Ganacsiga, xiriirkii Diplamasiga iyo wada shaqayn nooc walba ah oo h**ey uga dhaxaysay waa sideeedii ilaa maanta. Taas waxay cadaynaysaa in afka baalkiis tahay waxa ay sheegayso oo dhan, iyadoon awalba laga filayn talaabo militeri hadana ugu yaraan inay xiriirka u gaabiyaan ma dhicin. Taas badalkeeda Qadar oo martideedii loo gacan dhaafay waa sii wadaynaa wada hadalka ay wali taagan tahay, Imaaraatka wuxuu yiri waxba iskama badalin heshiiskii Israail ee caadiyaynta xiriirka Israail ee Abram Acord.
Waxay u muuqataa qorshe kale oo lagu khaarajiyo in lawado madaxda Xamaas maadaama kani fashilmay. Maxaa yeelay sida saxda ah waxay ahayd hadii aadan martidaada hooyo siin karin inaad u ambabixiso meel ay ku nabadgalayaan laakin magangeliyo masiin karo martida ii joogta, waana soo hargalinayaa waa wax iska cad oo qof waliba fahmi karo.

Maadaama falkii lagu khaarajin lahaa madaxda Xamaas fashilmay waxaa khasab noqotay in Qadar iyo Maraykankuba toos uga leexdaan falkaas oo eeda si gaar ah loogu leexiyo RW Israiil Natanyahu si aysan u muuqan inay door muuqda ku lahaayeen maxaa yeelay waa fashilka dhaloolo badan ayaa ka dhalanaya.

Maraykanka oo ku gaabsaday inuu ka xun yahay weerarka balse wuxuu sheegay inuu Israail la yahau xulufo taageeradiisana ay usii labo jibaarayaan sido kalena Qadar lagu amray inay sii wado doorkeedii dhexdhexaadnimada iyo wada hadalka. Wuxuuna ugu baaqay reer Falastiin inaysan jirin nabad ilaa laga soo daayo maxaabiista oo dhan, Xamaas laga dhigo hubka, lagana saaro talada masiirka reer Falastiin.

Isbadalka dib uqaabaynta Bariga dhexe waa mid muddo laga soo shaqaynayay walina bilaw ah hadaan wadamada khaliijka laga helin wadashaqayn buuxdana ma ahan mid dhaqangaki kara sidaas darteed doorkooda ayay qaadanayaan.

15/09/2025

Dhibaatada haysata Soomaalida Caafimaadka u aadaysa India

"Waxaan ka dhoofnay meesha la yiraahdo Adisababa anagoo Soomaali badan ah, aniga shaqsiyan waxaa ila socotay Hooyadey iyo Gabar aan dhalay waxaana u soconnay Dalka india, gaar ahaan haydarabad, Adisababana waxaan u tagtay inaan Visa ka qaadano maadaama Safaaradda India ee Somalia aysan shaqayn, si sharci ah oo nidaamsan baan visihi kusoo qaadannay wax naga qaldanaana ma jirinc

"Kowdi Habeenimo ayaan waxaan nimi Haydarabaad Airport, goortaan emagarashinka mareenay anagoo Sodomeeyo Soomaali ah gaarayna hal mar baa amar nala siiyey iyadoo waxba naloo sheegin, waxay na yiraahdeen noqda oo waxaa tagtaan xafiis hebel, war wax walba waa noo saxsanyihiin maxaa naloo takoorayaa markaanu niri, war noqda ayeey warka noogu soo koobeen, Dad Gaari lagu riixayo oo aan socon karin iyo kuwo luudaya ayaa nala socday oo Hindia Caafimaad ugu socday qarashkoodana la baxayey waayeelana u badan"

"Xafiis baa nalaku aruurshay baasaboooradi waa nalaka qaaday,waxaa nalaku yiri xagee ka timaadeen badanaa Dadkuna Visaha Adis bey kasoo qaateen, kadibna waxaa nalooku jawaabay waa ganaaxantihiin sharcigiina caafimaadku waa dhacsan yahay, laba mid soogala, inaad meeshi aad ka timaadeen u laabataan, iyo inaad karantiil gashaan mudo 5cisho ah oo meel la idinku xareynayo, oo qofkiba dhoor kun oo Dollar laga qaadayo,waxaan badankeen go'aan sannay inaan dib wadankeeni ugu laabanno hadiiba sidaas bahdilka ah naloola dhaqmayo anagoo caafimaad usoo raadsannay India, sababtoo ah Safaaradda India ee Adis ku taal ayaa Visaha nasoo siisay Kaarkeena Caafimaadka nagama dhacsanayn wax naga qaldanaa maleh ee si kutalagal ah ayaa naloogu fiirsaday hadaanu Soomaali mahay"

"Xoogaa inta inoo aamuseen ayaa marki dambe lacag baad ah oo kun Dollar ah aniga gaar la ii weydiistay maadaama Dadka aan ugu firfircoonaa oo aan doodayey, mid Sarkaal ah ayaa igu yiri bixi kun Dollar adiga iyo Gabadhaada iyo hooyadaa waan idin sii deynayaa maxaa kaa galay kuwa kale, kadibna waxaan ku iri sharci baan ku taagnahay hadaa dhimanayo xataa baadaas bixin mayo ee dib iigu celiya Dalkeyga, waxaan dareemay meel kasta bahdilka nagu haysta iyo sida aan walli u nahay Dad qabiil qabiil isku dilaya, dalkoodi burburiyey Dalal shisheeyana Dhisanaya"

Shekh Axmed Daad.

14/09/2025

Duqayntii Qadar & Xaalka Bariga Dhexe

Xukuumada Yuhuuda oo waligeedba fursad ay kaga taliso Bariga dhexe raadinaysay ujeedkuna yahay siday usoo ceshan lahaayeen waxay uyaqaanan dhulka awoowayaashood lahaayeen ayaa fuliyay 09 Sept 2025 weerarkii ugu h**eeyay ee ka dhaca Wadamada Khaliijka ku beegsaday guriga madaxda Xamaas ay ka daganaayeen Magaalada Dooxa ee wadanka Qadar halkaas oo wada hadal xabad joojinta Qasa iyo siidaynta maxaabista ay hayaan Xamaas looga wada hadlayay.

Wadanka Qadar ayaa uga weerarkaas uga falcelisay hab diblomaasiyadeed maadaama aysan lahayn awood militeri ay kaga falceliso markiiba taas oo noqotay inay cambaaraysay sido kalena kulamo la yeelatay wadamada Khaliijka si arrintaan looga hortago loogana bixiyo jawaab wadajir ah si aysan ugu soo noqon markale iyada iyo wadamada kale ee dariska la ah.
Qadar, sidoo kale waxay dalbatay kulan degdeg oo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay isugu yimaadaan si loo cambaareeyo, waxna looga qabto dagaalka ay Yuhuudu bariga dhexe ka wado oo ay sii balaarinayso maalinba maalinta ka danbaysa.
Wadamo tiro beel ah ayaa diblamaasiyad ahaan la saftay Qadar una muujiyay taageero iyo inay cambaareeyaan Israiil weerarka ay ku qaaday Wadanka Qadar, waxaana ka mid ah UK, France, Spain, Pakistan, Somalia, wadamada Carabta, China, Turkiye iyo wadamo kale oo badan oo kasoo horjeeda isbalaarinta Yuhuuda balse aysan dhab ka ahayn in wax laga qabto Israiil.
Maraykanka oo ah saaxiibka wayn ee xukuumada YH-da ayaa si maqaam hoose ah uga soo horjeestay weerarka Qadar lagu qaaday wuxuuna sheegay inuu ka xun yahay weerarkaas inuu Qadar ka dhaco balse aysan dhib lahayn bartilmaameedka ah in la ugaarsado Madaxda Xamaas.
Wuxuu Qadar ubalan qaaday inaysan markale dhacayn in wadankeeda lagu bartilmaameedsado Xamas ama lagu ekaysiiyo weerar ay Yuhuudu qaado, isagoo ujeedku ahaa inuu ulaab qaboojiyo Qadar iyo guud ahaan wadamada Khaliijka.

Qadar ayaa sanadkan bilawgiisi(May 15, 2025 ) markuu uu booqday Madaxwaynaha Tramp booqashada ku tagay waxay balan qaaday inay maalgelinayso lacag gaaraysa $10 billion oo lagu taageerayo saldhiga Ciidamada maraykanku ku leeyihiin Dalkeeda ee loo yaqaano Al Udeid.
Sidoo kale Tramp ayaa Amiirka Qadar lagalay heshiis ay ku iibsanayaan hubka Maraykanku soo saaro oo ku kacayso aduun gaaraya $42 billion. Hubka heshiiska lagula galay in laga iibiyo ayuu sheegay Tramp inuu yahay hubka ugu casrisan ee Maraykanku iibiyo kuwaas oo kala ah THAAD [Terminal High Altitude Area Defense] missile batteries, Pegasus [KC-46] refueling aircraft, Desert Vipers, light armored vehicles, amphibious combat vehicles, the MQ-9B and the Sky Guardian drones. Dhammaan hubka ay Qadar ka iibsatay Maraykanka ayaan ku fashilmay inay ka hortagaan inay ogaadaan diyaaradaha Israiil ee weerarka ka gaystay Wadanka Qadar.

Tabarta iyo falcelinta Qadar ayaa kusoo koobantay inay war saxaafaadeed uu qabto wasiirkeeda arrimaha dibada oo sheegay inay muhiim tahay in la xakameeyo weerarka Natanyahu uu kawado Bariga dhexe, oo galaaftay malaayin dad ah, waxayna Golaha amaanka usheegtay in wadankeeda lasoo weeraray laguna xadgudbay madaxbanaanideeda dhul sidoo kale martideedii loo dabo maray oo la duqeeyay .

Shir saxaafadeed uu qabtay Rayswasaaraha Israail Natanyahu ayuu ku sheegay inay guul ka gaareen weerarka ay ku bartilmaameedsadeen hogaamiyayaasha Xamaas ee kusugnaa Dooxa oo mudaba ay raadinayeen, ayna weerarkan fariin adag u tahay dhammaan wadamada bariga dhexe inaysan jirin meel aan uga harayno Xamaas iyo cid kasta oo la shaqaysa. Wuxuu ugu baaqay wadamada siiya hoyga Xamaas inay usoo gacan galiyaan Hogaamiyayaasha Xamaas si uu cadaalada u horgeeyo haddii kale ay marar kale bartilmaameedsan doonaan. Farrintan ayaa ka dhigan inaysan jirin wadan ay uga harayaan Xamas inay ku duqeeyaan maadama aysan jirin xiligan awood ka hor istaagi karta weerarada ay qaadayaan.

Wadamada Carabta, Turkey-ga iyo Iiraan waxaa ku baryay waacusub oo looga baahan yahay in la qabsadaan si ay u ilaashadaan jiritaankooda. Ilaa hadda wadada ufuran ayaa ah inay wada shaqayn umuujiyaan Israail iyo USA haddii kale ay ku adkaan doonto inay sii jiraan. Waxaa suuragal ah haday wadamadaasi gacanta isqabsadaan inay wax un iska cabin ah samayn karayaan balse ma muuqato waa wadamo h**ey loo kala dilay hadana mid walba gaarkiisa in loo maamulo ay fududahay. Wakhtiga ayaana sheegidoona meesha xaal ku danbeeyo.

Safiirka Israiil ee USA ayaa sheegay inay markale beegsanayaan madaxda Xamaas ee ka badbaaday duqayntii, eedaymaha loo j...
10/09/2025

Safiirka Israiil ee USA ayaa sheegay inay markale beegsanayaan madaxda Xamaas ee ka badbaaday duqayntii, eedaymaha loo jeedinayo waa maalmo kooban wayna iska dhammaan doonaan wakhti dhaw.
Waa fariin cusub oo loo diray wadamada bariga dhexe oo dhan.

Wararka gudaha: U diyaar garowga xafladda daahfurka u hayaamidda Salaam Bank adeegyo danabaysan.(Salaam Bank Transformat...
01/07/2025

Wararka gudaha: U diyaar garowga xafladda daahfurka u hayaamidda Salaam Bank adeegyo danabaysan.
(Salaam Bank Transformation to digital Services)
Theme: Connect to Digital Banking.



Raad Press TV

War degdeg ah: Madaxwaynaha Maraykanka ayaa soo saaray amar  xayiraada cuna qabataynta looga qaadayo dalka Suuriya si wa...
01/07/2025

War degdeg ah: Madaxwaynaha Maraykanka ayaa soo saaray amar xayiraada cuna qabataynta looga qaadayo dalka Suuriya si wadada loogu xaaro nabad Suuriya iyo xasiloonida. Sidoo kale wuxuu amray in dib u eegis lagu sameeyo kooxda xilka qabtsatay ee HTS sidii looga saari lahaa liiska argagixisada ee mudada saarnayd.

29/06/2025

Wararka Gudaha:

Gudoomiyaha Degmada Waaciye ee Gobolka Karkaar iyo Ku-xigeenkiisa ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray Kalfadhigii 2-aad ee Golaha Deegaanka degmada. Munaasabadda xiritaanka oo si habsami leh u dhacday ayaa waxaa ka qayb galay aqoonyahanno, xubno ka tirsan Ururka Haweenka, dhalinyaro, iyo marti sharaf kale oo matalayey qaybaha kala duwan ee bulshada.

Intii ay socotay munaasabadda, waxaa laga jeediyay khudbado muhim ah oo lagu xusay muhiimadda Golaha Deegaanka uu u leeyahay horumarka degmada, waxaana sidoo kale la xusay waxqabadka ilaa hadda la qabtay iyo qorshayaasha mustaqbalka Intii lagu guda jiray kalfadhiga, Xildhibaanada Golaha Deegaanka waxay soo jeediyeen qodobbadan muhiimka ah.
1: Ansixinta Ajandaha Kalfadhiga 2-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Waaciye
2: Warbixinta Guddoomiyaha Golaha ahna Duqa Degmada Waaciye
3: Ka doodista iyo ansixinta heshiiska Dowladda Hoose iyo Shirkadda Elemcor
4: Ka doodista iyo ansixinta heshiiska Dowladda Hoose iyo Shirkadda Easytech
5: Dib u eegista iyo qiimeynta xisaab-xirkii iyo miisaaniyaddii sanadkii h**e
6: Ka Doodista iyo Ansixinta miisaaniyadda sanadka 2025
7: Xuquuqda Xildhibaanka Golaha Deegaanka
8: Warbixinta Guddiga Joogtada ah ee Golaha Deegaanka
Mas’uuliyiinta Degmada ayaa uga mahadceliyay golaha sida ay uga go’an tahay u adeegidda shacabka, waxayna ku dhiirrigeliyeen in wada-shaqaynta bulshada iyo maamulka la sii xoojiyo si loo gaaro himilooyinka horumarineed ee degmada Waaciye.

▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE DAWLADDA HOOSE DEGMADA WAACIYE EE DPL

23/06/2025

Fadeexad: Wasaarada cadaalada oo golaha baarlamaanka Puntland laga hor waydiiyay markale inay adeegga E-Nootari u xireen shirkad gaar loo leeyhay iyadoo ay h**ey adeegan usoo bandhigtay shirkadda Easytech sanadkii 2024 bishiisii Aug, lahaydna firkada iyo hal abuurka adeegan balse qaab ka maran hufnaan iyo daahfurnaan loogu xiray shirkad kale.
Waxaa xukuumada iyo baarlamaanka la gudboon inay la xisaabtamaan masuulyiinta wasaarada cadaalada oo si baalmarsan shaciga adeegan ugu xiray shakhsiyaad gooni ah.

Wararka Puntland: Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweyne Said Cabdilaahi Deni uu todobaadyada soo socda bilaabaya isbed...
19/06/2025

Wararka Puntland: Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweyne Said Cabdilaahi Deni uu todobaadyada soo socda bilaabaya isbedel iyo isku-shaadheyn xoog leh oo lagu samaynayo hay'adaha kala duwan ee dawlada kuwaas oo mudo dheer madaxweynaha laga sugayay.
Sidda aan ka helnay ilo rasmi ah oo ku dhaw madaxtooyada isbedelka ugu h**eeya iyo magacaabista uu madaxweynuhu samaynayo ayaa taabanaysa wasaaradaha iyo hay'adaha madaxa-banaan, waxaana bisha August loo dib dhigay isku-shaadheynta golaha wasiirada.
Liiska hordhaca ah ee aan helnay iyo boosaska la magacaabayo ayaa kala ah.
1: Xisaabiyaha guud ee dawlada Puntland.
2: Agaasimaha guud ee wasaaradda Maaliyada.
3: Agaasimaha maamulka ee wasaaradda Maaliyada.
4: Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka.
5: Agaasimaha guud ee wasaaradda haweenka.
6: Agaasime Maxjarka Boosaaso.
7: Agaasime ku xigeenka Maxjarka.
8: Ku xigeenada xafiiska hanti-dhawrka.
9: Agaasimaha guud ee wasaaradda kaluumaysigga.
10: Dhawr Agaasime waaxeed oo ka tirsan wasaaradda Ganacsigga.
11: Agaasimaha guud ee hay'ada IMC.

Address

KM4
Mogadishu

Telephone

+16127470451

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ikhlas Media Agency posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Ikhlas Media Agency:

Share