CIC Media

CIC Media Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from CIC Media, Media/News Company, Mogadishu.

Munaasabadda lagu daah-furayo Barnaamijka dib-u-dhiska iyo horumarinta caasimadda oo ay iska kaashanayaan Gobolka Banaad...
04/05/2023

Munaasabadda lagu daah-furayo Barnaamijka dib-u-dhiska iyo horumarinta caasimadda oo ay iska kaashanayaan Gobolka Banaadir, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Guud ahaan muslimiinta calaamka, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, waxaan ugu hambalyaynayaa mun...
20/04/2023

Guud ahaan muslimiinta calaamka, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, waxaan ugu hambalyaynayaa munaasabadda Ciidul Fidriga, aniga oo Alle inooga baryaya inuu inaga aqbalo soonkii iyo cibaadadii wanaagsanayd ee aynu gudannay intii lagu jiray bishii Barakaysnayd ee Ramadaan.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KORMEERAY XERADA HIIL-WEYNE OO LAGU DIYAARIYAY  CIIDAMO KA TIRSAN XOOGGA DALKA  OO KA QAYB-QA...
07/04/2023

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KORMEERAY XERADA HIIL-WEYNE OO LAGU DIYAARIYAY CIIDAMO KA TIRSAN XOOGGA DALKA OO KA QAYB-QAADANAYA SUGIDDA AMNIGA MUQDISHO.

Muqdisho, Maarso 07, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta kormeer ku tagay xerada Hiil-weyne oo ku taala inta u dhaxeysa magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad, halkaasi oo ay ku suganyihiin ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo dhawaan tababar kusoo qaatay dalka Yugaandha.

Ciidaman oo ah Millatariga sida Booliska u tababaran (Military-police) ayaa loogu tala-galay in ka qayb qaataan sugidda amniga magaalada Muqdisho, kana hortagaan falalka gurracan ee AS ku dhibaateeyaan shacabka soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay ciidamada in ay si feejignaan, hubin, kala-dambayn iyo turid shacab leh u gutaan waajibaadka ka saaran sugidda amniga muwaadiniinta soomaaliyeed, ayna tusaale u noqdaan ciidamada kale ee ay kala dhaxeyso shaqada ilaalinta nabad-galyada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray ciidamada in ay ilaaliyaan anshaxa iyo xeerarka ciidamada, masuuliyaddooda koowaadna ay ka dhigtaan ilaalinta badqabka, karaamada iyo nolasha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhibbaneyaasha u ah dhagarta kooxaha AS.

Kormeerkan waxaa ku wehlinayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Wasiirka Gaashaandhigga, Guddoomiyaha gobolka Benaadir iyo Taliyaha ciidamada Booliska soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Ramadan KareemDhamaan umada musliminta ah meel kasta oo ay dunida ka joogaan waxanu la qaybsanaynaa farxada bisha baraka...
22/03/2023

Ramadan Kareem
Dhamaan umada musliminta ah meel kasta oo ay dunida ka joogaan waxanu la qaybsanaynaa farxada bisha barakaysan ee ramadaan oo caawa bilatay Alle khayrkeeda ha ina siiyo Ameen
Ramadaan kareem 🌙

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SAXIIXAY 8 SHARRCI OO ANSIXIYEEN BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYAMuqdisho, Maarso 20, 2023;...
21/03/2023

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SAXIIXAY 8 SHARRCI OO ANSIXIYEEN BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA

Muqdisho, Maarso 20, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu ku saxiixay sharciyada ay ansixiyeen Labada Gole ee Baarlamaanka ee kala ah:

1 .Sharciga La-dagaallanka Argagixisada
2. Sharciga Dhismaha Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed,
3 .Sharciga Socdaalka,
4. Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha
5. Sharciga Nidaamka Lagu Hagayo Kheyraadka Dhulka Hoostiis,
6. Sharciga Dhowrista Maalgashiga iyo Maalgashadayaasha,
7. Sharciga Aqoonsiga Iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.
8. Sharciga Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey guddoonka iyo mudaneyaasha Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay u dardar-geliyeen ansixinta shuruucdan oo aas-aas u ah dowladnimada Soomaaliyeed iyo hirgelinta nidaam ku saleysan sharci iyo dowladnimo casri ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay Golaha Xukuumadda iyo khubarada Soomaaliyeed soo diyaarinta shuruucdan, waxa uuna tilmaamay in ay taariikh cusub u tahay dowladnimada Soomaaliyeed, maadaama ay yihiin sharciyadii ugu badnaa ee muddo kooban lagu ansixiyo, taas oo muujinaysa muhiimadda wadashaqeynta Hay’adaha dowladda.

DHAMMAAD

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO BAYDHABO KA FURAY SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARAN.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Sooma...
16/03/2023

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO BAYDHABO KA FURAY SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARAN.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta ku meelgaarka Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed ka furay shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Baydhabo waxaa lagu lafo-guri doona qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Jama iyo Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY MAGAALADA BAYDHABOBaydhabo, Maarso 15, 2023; Madaxweynaha Ja...
15/03/2023

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY MAGAALADA BAYDHABO

Baydhabo, Maarso 15, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo uu ka furamayo Shirka Wadatashiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati-guduud ee magaalada Baydhabo si diirran ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, masuuliyiin heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madasha Wadatashiga Qaranka ee Baydhabo ka furmaysa ayaa lagaga arrinsanayaa qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Madaxda Heer Dowlad Goboleed ayaa ka arrinsanaya qorsheyaasha muhiimka u ah geeddi socodka dowladnimada iyo horumarka dalka.

DHAMMAAD

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH  OO FURAY SHIRWEYNAHA QARAN EE WAXBARASHADA DALKAMuqdisho, Maarso 13, 2023: Madaxweynaha Jamhuur...
13/03/2023

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY SHIRWEYNAHA QARAN EE WAXBARASHADA DALKA

Muqdisho, Maarso 13, 2023: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay shirweynaha Qaran ee waxbarashada dalka ayaa tilmaamay in dowladda ay ka go’an tahay dib u soo nooleynta, mideynta iyo tayeynta nidaamka waxbarasho ee dalka.

Madaxweynaha oo dul istaagay qorshaha dowladda ee baahinta adeeg waxbarasho oo tayo leh iyo xaqiijinta Manhaj mid ah oo Qaran oo wax lagu baro ubadka soomaaliyeed ayaa xusay in la shaqaaleysiindoono Toban kun oo Macallimiin soomaaliyeed ah si kor loogu qaado fursadaha waxbarasho ee ay helikaraan muwaadiniinta soomaaliyeed.

“Qorshaheennu waa in aan kordhinno tirada ardayda xaadirta iskoolada oo ay ku jiraan kuwa ku dhaqan miyiga iyo bulshooyinka nugul, sidookale waa in aan dhaqangalinno manhaj mid ah oo Qaran iyo in aan hubino barid tayo sare leh oo ay hormuud u yihiin xirfadlayaal iyo Macallimiin lagu xulay tartan daah furan inaga oo shaqaaleysiindoona ugu yaraan 10,000 oo Macallimiin ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in fursadaha waxbarasho ee xilligaan ay helaan dhallinyarada Soomaaliyeed ay aad u hooseeyaan taasi oo caqabad ku ah dhisidda mustaqbal wanaagsan iyo xaqiijinta yoolasha horumarineed ee dalka, isaga oo ka dalbaday aqoonyahanka, qurbe joogta iyo kaadiriinta waxbarashada dalka in ay gacan ka gaystaan hirgalinta natiijooyin waxbarasho oo u dan ah jiilka soo koraaya si loo xaqiijiyo degenaasho siyaasadeed, horumar dhaqan-dhaqaale iyo barwaaqo baahsan oo ka hanaqaadda dalkeenna.

DHAMMAAD

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir guddoomiy...
11/03/2023

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir guddoomiyay kulanka Todobaadlaha ee Shirka Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, iyadoona uu goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh).

Kulankan oo intiisa ugu badan ahaa mid islaxisaabtan shaqo ayaa diirada lagu saaray in Guddoomiye kaste lagula xisaabtami doono mas’uuliyada uu bulshada u haayo gaar ahaan Sugida Amniga, Diiwaangalinta Guryaha iyo dadweynaha kunool, Bilicda, Daqliga, la dagaalanka Kooxaha burcadka iyo Ciyaal weerada, Ciribtirka Maandooriyaha iyo fulinta Barnaamijka Garanwaa.

Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir oo guddoomiyey kulan ku saabsan Maareynta Arrimaha Dhulka...
09/03/2023

Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir oo guddoomiyey kulan ku saabsan Maareynta Arrimaha Dhulka

Maarso 09, 2023; Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guurre ayaa guddoomiyey kulan labo geesood ah oo dhex maray guddiga ku meel gaarka ah ee loo xilsaaray in ay ka soo tala bixiyaan shirkadda loo igmaday Maareynta Arrimaha Dhulka iyo Khubarro ka socotay Shirkadda.

Guddoomiyaha ayaa ka dhageystay khubarada mataleysay shirkadda qorshahooda ku aadden nidaaminta iyo maareynta arrimaha dhulka, ilaalinta xogta dhulka oo digital ah iyo curinta qorshaha qaabeynta magaalooyinka.

Sidoo kale, waxa ay si faah - faahsan uga war - bixiyeen meelaha kala duwan ee ay howshan mid la mid ah ka soo fuliyeen haddii ay noqon lahayd gudaha Soomaaliya (Puntland iyo Jubbaland) iyo dibaddaba (Ethiopia & Kenya).

Ugu danbeyntii, kulanka waxaa la isku af - gartay in la isugu yimaado kulan mustaqbalka- dhow si loo gorfeeyo howshan hortabinta leh ee fulinta u baahan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula kulmay magaalada Dooxa ee dalka ...
07/03/2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula kulmay magaalada Dooxa ee dalka Qatar Madaxweynihii h**e ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Madaxweynihii H**e ee dalka, dadaallada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka iyo halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan Alshabaab .

Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud guure ayaa ka qeyb galay munaasabad ...
06/03/2023

Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud guure ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo gaba-gabeynaayey tababar socday muddo seddex maalmood ah oo lagu qabtay Macadka Maaliyadda & Maamul Wanaaga oo xaruntiisu tahay magaalada Muqdisho.

Tababarkan oo halku - dhigiisu ahaa "Hogaaminta Adeeg Bulsho oo Waxtar leh" ayaa ujeedadiisu ahayd sidii loo xoojin lahaa awoodda xirfadeed ee shaqaalaha qaar ka mid ah Wasaaradaha XFS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Munaasabadan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir - ku - xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee XFS, waxa uu guddoomiye Ciise kula dardaarmay shaqaalihii tababarkan dhameystay in ay isticmaalaan aqoontii ay faa'iideysteen xilliga ay gudanayaan

Guddoomiye Ciise, ugu danbeyntii waxa uu ugu bishaareeyey shaqaalihii dhameystay tababarkan in la joogteyn doono tababarradan iyadoo had iyo jeer hor - tabin laga dhigi doono hadba baahida markaa jirta.

Address

Mogadishu

Telephone

+252615912644

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when CIC Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share