31/05/2026
War hadda soo dhacay.
Duqaymo lala beegsaday xubno ka tirsan Kooxda AS iyo faafaahino laga helay khsaaraha duqaymahaasi ka dhashay.
24-kii saac ee la soo dhaafay in ka badan 4 duqeymo oo dhanka cirka ah ayaa laga fuliyay deegaano ka tirsan Jubbada dhexe iyo Sh/hoose ku waasi oo la sheegay in lala beegsaday deegaano ay ku xoogan yihiin kooxda AS khasaare xooggan uu jiro.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in duqaymaha la beegsaday xaafado ay ka mid yihiin Basra,Hawaay, Kungabarow iyo degmada Sablaale.
Inkastoo aan la sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqaymahaasi haddana goobaha la Duqeeyay waxay muhiim u ahayd kooxda AS Dhinaca kale ilo muhiim ah ayaa waxay sheegeen in la duqeeyay xubno sarsare oo kooxda AS ah sidoo kale goobaha duqaymaha ay ka dhaceen waxaa ka mid ah xarumaha Kaydka hubka iyo xarumaha ay ku diyaariyaan Qaraxyada.
Markii laga yimaado duqaymaha lala beegsaday Xubnaha ka tirsan kooxda AS lama soo sheegin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka shacabka ah ee degan goobaha ay ka dhaceen duqaymahaasi.
Arintan duqaymaha ah ee dhacday 24kii saac ee la soo dhaafay ayaa waxaa weli ka hadlin DFS iyo dhinacyada ku shaqada leh fulinta duqaymaha ka dhaca Soomaaliya.