Saadaq media group

Saadaq media group Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Saadaq media group, Media, Mogadishu.

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa loo diray ajandaha kulanka la filayo i...
16/02/2026

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa loo diray ajandaha kulanka la filayo inuu qabsoomo maalinta berri ah iyadoo qodobada looga doodi doono ay yihiin wax ka badalka dastuurka.

Waxii soo kordha nala soco.

16/02/2026

"Shaqada Baarlamaanka haddii ay iga dhammaato, waxaa la'iga wici doonaa meel ay ka jirto Sooryo iyo Sab shaqo kale oo aan qabanayo majirto."

-Senator Muuse Suudi oo ka tirsan Aqalka Sare

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalad...
16/02/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib safar shaqo oo qaatay saddex maalmood.

Soo laabashada Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaysa xilli ay weli magaalada ku sugan yihiin Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland Labadan mas’uul ayaa ku sugan xerada amniga aadka loo ilaaliyo ee Xalane, halkaas oo ay ku sugayaan qabsoomidda shir la filayo in uu dhexmari doono iyaga iyo Madaxweynaha.

Si kastaba ha ahaatee, weli laguma heshiin halka lagu qabanayo kulankaasi. Dowladda Federaalka ayaa doonaysa in shirka lagu qabto Madaxtooyada Qaranka, si ay u muujiso in wada-hadalladu ka dhacayaan xarunta rasmiga ah ee dowladnimada. Dhinaca kale, Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa diiday arrintaas, iyaga oo ku adkaysanaya in kulanku ka dhaco gudaha Xayndaabka Xalane, sababo la xiriira aragtidooda ku aaddan amniga iyo dhexdhexaadnimada goobta.

Khilaafka ka taagan goobta lagu kulmayo ayaa muujinaya xasaasiyadda siyaasadeed ee ku hareeraysan shirka, iyadoo indhaha shacabka iyo beesha caalamkuba ay ku jeedaan natiijada ka soo baxda wada-hadalladan oo la filayo inay saameyn ku yeeshaan jihada siyaasadeed ee dalka.

Si kastaba, soo laabashada Madaxweynaha iyo joogitaanka madaxda maamul-goboleedyada ee Muqdisho ayaa rajo gelinaysa in is-afgarad laga gaaro arrimaha taagan, isla markaana la helo waddo wadajir ah oo lagu xalliyo khilaafaadka jira.

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Saadaq media group posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category