22/01/2021
Absence
Maqnaanshaha
_______________
Soo noq noqoshadu waxa ay qiimaha ka dishaa waxyaalaha, dadka, dhacdooyinka, baahiyaha iwm .
Mar kasta oo ay yaraato fursada lagu heli karo shay waxaa sidoo kale sara kaca qiimaha shaygaas .
Dadku ma qiraan wanaaga shayga ay mar walba heli karaan sida adiga, sheekooyinkaaga ama ficiladaada wanaagsan .
Hadii aad xushmad ka heli waydo kuwa dadka kuugu dhow , la imoow maqnaansho ogow maqnaanshahaasi wuxuu sara qaadi dรฒonaa qiimahaaga iyo iyagana waxa uu xasuusin doonaa wanaagii aad la hor fadhiday oo ay qiri waayeen.
Hadii aad isku ogolaatay in dadku ku helaan goortii ay kuu baahdaan , waan ka xumahay ! Way ku hantiyeen way ku laqeen kuna dheefshiideen waa ay iskaa lahaysiiyeen, waa adkaanaysaa inaad soo ceshato qiimahaagii , wadada kaliya ee aad mari karto waa inaad cuskato maqnaansho , dadka u diid inay kaa dhargaan ku harqi maqnaansho.
Markasta oo joogitaankaagu bato dadku waa ay ku dhibsanayaan , waxaad noqonaysaa qayb kamid ah dabeecadahooda maalinle , si walboo aad isugu daydo inaad ayaga ku dhaliso inay ku xushmeeyaan waxa ay kusiinayaan xushmad kasii yar intii h**e .
Maalinka aad dhimato wax walba oo kugu saabsan waa ay is badali doonaan , dadku waxay xasuusan doonaan wanaagii aad u samayn jirtay waxa ay dareemi doonaan danbi iyo shallaay maadaama aysan qirin wanaagaagi oo ay iskaa lahaysiiyeen .
Waxa ay u xiisayaan joogitaankaagii kaasoo ah mid aan dib ugu soo laaban doonin , laakiin maaha inaad sugto xiliga dhimashadaada si dadku kuugu xiisaan , hada la imow dhimasho(maqnansho) ka hor dhimashadii dhabta ahayd
Soo noqoshada aad so noqoto xiligaas ka dib waxa ay la mid noqon doontaa adigoo dib uga soo laabtay dhimasho .
Baro goorta la tago o ha tagin goor h**e si aad u abuurto xiiso,hilow iyo qadarin hadii kale waa lagu ilaawi.
Marka aad kusoo biirto dadka noloshooda sawirkaaga ku dhaji quluubtooda , magacaagu ha muuqdo , wanaagaaguna ha ahaado mid la taaban karo , qof walba waa in uu la dhacaa joogitaanka ilaa uu gaaro xili uu iskaa lahaysiiyo , markaas ayuu tagitaankagu macno samayn doonaa intaas kahor tagitaanku waa khatar waxa uu horseedaa in lagu ilaawo .
Jacaylku qiimo badan uma yeesho dadka isla jooga xilli walba , ha qaadan beenta ah in jacaylku ku korayo is helitaanka joogtada ah , hadii uu maqnaanshuhu wax burburinayo jacaylka , kuwa nooli uma ooyeen kuwa dhintay.
Nin ka mid ah Suufiyadii h**e ee iiraan"persian" ayaa waxaa ka hor yimid nin kale oo saaxiibkiis ahaa , saaxiib waan ku waayay ayaamahaan xageed jirtay? ayuu waydiiyay
Kalmada ah xageed jirtay waxa ay iiga qiimo badantahay maxaa mar labaad kusoo celiyay!! Ayuu ku warceliyay.
Maalmaha badan ee roobka joogtada ahi noo da'o waxaa quluubteena buuxiya jacayl iyo hilow aan u hayno qorraxda .
Hadii laguu sheegto in maalinta beri ah ay tahay maalintii kuugu danbaysay waqti badan ma dayici doontid waxaad qaban doontaa waxa kuu muhiimka ah oo kali ah , eeg waqtigii aad is lahaysiisay marka aad waysay waxa aad siinaysaa qiimo badan.
Waxaa macquula in waxa kugu celinaya shaqada aad hada joogto aysan ahayn mushaarka yar ee aad ka hesho , laakiin ay tahay labada maalmood ee aad fasaxa tahay awgood.
Waxa uu yiri , jacaylku uma dhinto gaajo "in la kala maqnaado" ee wuxuu u dhintaa ka dhargid " is hor fadhiga faraha badan !!!!!
Isticmaal maqnaansho si aad u koriso jacaylka, xushmada iyo hilowga aad ka rajayneeso ayaga .
Xigasho: Yuusuf Abdalla