Warlalis News

Warlalis News Kalasoco warar xaqiiqada kusalayasan

Cali Yaasiin Gurbe ayaa loo magacaabay Agaasimaha Tubsan. Xarun ka shaqaysa dhaqan celinta xubnaha ka soo goosta ama la ...
24/08/2025

Cali Yaasiin Gurbe ayaa loo magacaabay Agaasimaha Tubsan. Xarun ka shaqaysa dhaqan celinta xubnaha ka soo goosta ama la qabto ee AS. Xilkaan waxaa ku fadhiyay Cabdullaahi Maxamed Nuur oo hada raadinaya hogaanka Hirshabeelle.

15/08/2025

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa caawa 15-ka Agoosto 2025, booqasho rasmi ah ugu kuyimid Maraykanka, isagoo kulamo taariikhi ah la yeellan doona Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump. Kulankan ayaa ka dhacaya garoonka milatariga ee Joint Base Elmendorf-Richardson ee Anchorage, Alaska, waxuuna noqonayaa kulankii ugu horreeyay ee toos ah ee u dhexeeya labada hoggaamiye OO dalkan ah, tan iyo markii Ruushku uu bilaabay duulaanka ballaaran ee Ukraine sanadkii 2022.

28/07/2025

Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta, iyo dhammaan dadkii uu ka baxay Adeer Ciise Maxamed.

Geeridu waa xaq, waana jid ay biniโ€™aadamku marayaan. Waxaan Alle ka baryeynaa in uu u naxariisto adeer Ciise Maxamed, dambigiisana dhaafo, qabrigana u waasiciyo, una baddalo hoy ka khayr badan kii uu ka tagay. Ilaahay ha siiyo jannatul firdowsa, hana ku abaal mariyo camalkiisii wanaagsan.

Qoyska, qaraabada, ehelka iyo dhammaan inta uu ka baxay waxaan leenahay:
Samir iyo iimaan Allaha idinka siiyo. Ilaahay ha idiin sahlo marxaladdan murugada iyo xanuunka leh, kana dhigo kuwa sabra oo ajar ka ๐Ÿ˜ญ๐Ÿ˜ญ

Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya, ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐€๐›๐ฌ๐ก๐ข๐ซ ๐๐ฎ๐ค๐ก๐š๐š๐ซ๐ข, oo ka mid ah shaqsiyaadka sida weyn uga dhex muuqda siy...
12/07/2025

Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya, ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐€๐›๐ฌ๐ก๐ข๐ซ ๐๐ฎ๐ค๐ก๐š๐š๐ซ๐ข, oo ka mid ah shaqsiyaadka sida weyn uga dhex muuqda siyaasadda casriga ah ee Soomaaliya ayaa lagu amaanay doorkiisii hogaamineed ee mudadii uu xil haayay. Abshir waxa uu taariikh ahaan caan ku ahaa waxbarashada, Samafalka iyo abuurista hayโ€™ado warbaahineed oo maanta si wayn looga yaqaano Soomaaliya.

Abshir ayaa October 15, 2016, waxaa nasiibku u soo xambaaray in uu noqdo Senator-kii ugu horreeyay ee la doorto, isagoo markaa kadib xafiis doorasho deegaanka ka furay magaalada Cadaado, halkaasoo uu ka dhisay iskuul ay wax ku bartaan carruurta barakacayaasha ah.

In kasta oo uu yahay siyaasi daโ€™yar, haddana waxa uu leeyahay aragti fog, khibrad siyaasadeed oo miisaan leh, iyo dareen waddaninimo oo dhab ah sida ay isku raaceen shaqsiyaadka sida wayn u yaqaana.

Wuxuu si joogto ah uga shaqeeyay dib u dhiska dalka, xilli uu dalku marayay marxalado adag, isagoo door muuqda ka qaatay dib-u-habaynta hayโ€™adaha dowladda iyo mideynta bulshada.

๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐ค๐ข๐ข๐ฌ๐ข๐ข ๐๐ข๐› ๐ฎ ๐๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง ๐’๐ก๐ž๐ž๐ค๐ก )๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ)

Intii uu socday ololihii doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh sanadkii 2022, Abshir Bukhaari wuxuu ahaa maskaxdii ka dambeysay abaabulka iyo istaraatiijiyadda guusha. Isaga oo door muuqda ka ciyaaray qorsheynta iyo hirgelinta ololaha, wuxuu si dhow ula shaqeeyay madaxda sare ee ololaha, wuxuuna hoggaamiyay dadaalladii lagu mideeyay codadka xildhibaanada. Doorkiisa waxa lagu xasuustaa isku-xirka bulshada rayidka ah, dhisidda isbahaysiyo siyaasadeed, iyo waji furnaan uu kaga dhabeeyay wada-tashi iyo siyaasad deggan oo miro dhal ah.

๐‡๐š๐ฅ-๐š๐›๐ฎ๐ฎ๐ซ ๐–๐š๐ฑ๐›๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐ž๐ž ๐—๐ข๐ฅ๐ฅ๐ข๐ ๐ข๐ข ๐๐ฎ๐ซ๐›๐ฎ๐ซ๐ค๐š

Ka hor inta uusan si buuxda ugu biirin siyaasadda, Abshir Bukhaari wuxuu ahaa tiir muhiim ah oo dib u soo nooleeyay nidaamka waxbarasho ee Soomaaliya xilligii burburka. Wuxuu aasaasay xarumo waxbarasho iyo jaamacado ay ka faaโ€™iidaysteen kumanaan dhalinyaro ah, isagoo fursado aqooneed u abuurtay bulsho baahi weyn u qabtay waxbarasho. Kaalintaas uu ka qaatay horumarinta waxbarashada ayaa si weyn loogu ammaanay, waxaana lagu tiriyaa hormuudka isbeddelka waxbarasho ee dalka.

๐€๐ซ๐š๐ ๐ญ๐ข ๐…๐จ๐  ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐ฎ๐ฅ๐ช๐š๐š๐

Mudane Abshir Bukhaari waxaa lagu yaqaannaa karti hoggaamineed, dulqaad, iyo aragti siyaasadeed oo fog. Waxaa jira dareen isa soo taraya oo ku aaddan in Abshir uu yahay shaqsiga ugu habboon ee badali kara Madaxweynaha marka la eego sida uu ugu dhex jiro xulafada hoggaanka talada haya. Waxa uu leeyahay xiriirro wanaagsan oo gudaha iyo dibadda ah, taasoo kor u qaadaysa kalsoonida lagu qabo mustaqbalkiisa siyaasadeed.

๐‡๐จ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž ๐€๐ฒ ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐” ๐๐š๐š๐ก๐š๐ง ๐“๐š๐ก๐š๐ฒ

Abshir Bukhaari waa hogaamiye dhab ah โ€” tusaale u ah daacadnimo, waddaniyad, iyo halgan togan. Waa shakhsiga ay Soomaaliya maanta u baahan tahay sida ay qabaan dadka la soo shaqeeyay. Waxa uu caan ku yahay in uusan kursiga u adeegsan dan gaar ah, balse u taagan u adeegidda dalka iyo dadkiisa. Hawl-karnimadiisa iyo himiladiisa qaran waa kuwo cad cad, waxaana si isa soo taraysa loo arkaa in uu yahay hoggaamiye lagu aamini karo masiirka dalka.

Mustaqbalka dhow, magaca Abshir Bukhaari waa mid aan la iska indha tiri karin. Wuxuu mudan yahay kalsoonida shacabka, wuxuuna u qalmaa in hoggaan cusub oo hufan lagu aamino haddii la doonayo dowlad ku dhisan daah-furnaan, aqoon, iyo daacadnimo.

Soomaaliya waxay maanta u baahan tahay hogaamiye aragti fog leh, Abshir Bukhaari waxa uu ka midyahay shaqsiyaadka sida wayn loogu arko nin wax ka qaban xaalada jirta marka loo eego aqoontiisa, hogaamintiisa iyo waayo aragnimadiisa Siyaasadeed.

Inside Somalia

01/06/2025

: Golaha Wasiirada ayaa ansixiyay Magacaabista Taliyaha Hayโ€™adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo loo magacaabay Mahad Maxamed Salaad

Ma dhihi karnaa Mahadkii laga maarmi waayay?

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay shir deg deg ah ,ayaa ansixiyey soo j...
01/06/2025

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay shir deg deg ah ,ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Heyโ€™adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu noqdo Mudane Mahad Maxamed Salaad.

Agaasimaha Heyโ€™adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo h**e u soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan, iyo Agaasimaha Heyโ€™adda NISA.

Golaha ayaa uga mahadceliyey Agaasimihii h**e ee heyโ€™adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali muddadii uu xilka hayey shaqadii uu Qaranka u soo qabtay.

Shirka Wadatashiga Ururrada Siyaasadda iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo goordhow ka furmay magaalada Muqdisho.Shi...
25/05/2025

Shirka Wadatashiga Ururrada Siyaasadda iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo goordhow ka furmay magaalada Muqdisho.

Shir ballaaran oo u dhaxeeya Ururrada Siyaasadda ee diiwaangashan iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga furmay Muqdisho, Waxaana ka qeyb galay madax sare oo ka socoto hay'adaha kala duwan ee Dowladda oo ay ugu h**eeyaan Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Raโ€™iisul wasaaraha, Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo masuuliyiin kale.

Shirka waxaa soo qaban qaabiyay guddiga isku dabaridka gogosha Qaran, ee uu guddoomiyaha u yahay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xassan Macallin Maxamuud.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha Amniga, Dastuurka iyo Doorashooyinka, waxaana uu gogol xaar u yahay shirweynaha uu Madaxweynaha JFS Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ku baaqay si loo helo isfaham siyaasadeed oo Qaran.

Mohamed Suleemaan Nuur

Sanbaloolshe ayaa ka codsaday Macawiisleyda beesha Xawaadle in aysan ku ekaan difaaca deegaanadooda oo keliya, balse ay ...
25/05/2025

Sanbaloolshe ayaa ka codsaday Macawiisleyda beesha Xawaadle in aysan ku ekaan difaaca deegaanadooda oo keliya, balse ay gacan ka geystaan sidii AS looga xoreyn lahaa deegaanada kale ee ay kooxda ku sugan tahay.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta shir guddoomiyay kulan bileedka Guddiga Farsamada X...
25/05/2025

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta shir guddoomiyay kulan bileedka Guddiga Farsamada Xiriirka Arrimaha Xasillinta, kaas oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Kulankan ayaa lagu falanqeeyay muhiimadda ay leedahay isku dubaridka howlaha hayโ€™adaha dowladda, gaar ahaan kuwa quseeya xasillinta goobaha la xoreeyay iyo wacyigelinta bulshada, si looga feejignaado dacaayadaha kooxaha argagixisada ah.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka , Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa Guddiga la wadaagay warbixin ku saabsan guulaha ay ciidamadu gaareen maalmihii lasoo dhaafay iyo marxaladda cusub ee uu galay dagaalka lagu ciribtirayo Kooxda Khawaarijta, isaga oo ballan qaaday in Ciidamadu ay sii laba jibbaari doonaan dagaaalkan masiiriga u ah jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa faray hayโ€™adaha ku bahoobay Guddigan in la xoojiyo wadashaqeynta hayโ€™adaha dowladda ah si loo mideeyo farriimaha iyo wacyigelinta, iyada oo bulshada loosoo bandhigayo guulaha CXD sidoo kalena tooshka lagu ifinayo dacaayadaha ay faafinayan kooxaha argagixisada ah.

Taariikhda Soomaaliya Ciidankii ugu tababarka fiicnaa ayaa maanta loo soo xiray tababar! Maxay qabanayaan?Ciidankan waa ...
15/04/2025

Taariikhda Soomaaliya Ciidankii ugu tababarka fiicnaa ayaa maanta loo soo xiray tababar! Maxay qabanayaan?

Ciidankan waa Daraawiishta Booliska Soomaaliya waxaana tirada Ciidankan ay gaaraysaa 200 oo askari, waxaa u dhameystiran qalabkooda iyo tababarkooda. Sida la qorsheeyey waa Ciidankii ammaanka Xamar okay ka dhigi lahaa.

Ciidankan ayaa markii ay diyaariyaan ammaanka Muqdisho kadib waxay qabanayaan Doorashada nabad galyadeeda, maadaama dalku aaday doorasho qof iyo Cod ah. Sarkaalka Ciidankan Daraawiishta hoggaamiya waa Yuusuf Xundubeey oo ku suntan howlkarnimo iyo hoggaamin.

Ammaanka Muqdisho loo baqi maayo mar dambe haday ba Xamar heshay Daraawiishta Booliiska oo tayadooda tababar wanaagsan tahay isla markaasna yaqaanna sida ammaanka looga shaqeeyo.

Cali Aadan Muumin

Saraakiil qaran
23/12/2024

Saraakiil qaran

Abdisabir Shurie.Xildhibaanka ugu miisaanka culus Golaha shacabka waad kasoo dhalaashay matalaadii cida ee soomaalida ka...
10/08/2024

Abdisabir Shurie.Xildhibaanka ugu miisaanka culus Golaha shacabka waad kasoo dhalaashay matalaadii cida ee soomaalida kale usoo jeeso h**e usoco hiigsi fog iyo hormar wanaagsan ayaa kuurajaynayaa Idamka Alle

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Warlalis News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share