27/11/2025
Ardaydan oo isugu jira wariyeyaal iyo dhallinyaro u dhaqdhaqaaqa arrimaha deegaanka ayaa intii uu socday barnaamijka Environmental Journalism Program soo bandhigeen barnaamij cidaacadeed oo isku dhafan (Radio Program). Barnaamijkan oo ay si wadajir ah u diyaariyeen, waxa uu ka koobnaa jiliin hal-abuur leh, warar iyo warbixinno tayo leh, iyo sidoo kale wareysiyo xiiso badan oo ka tarjumaya caqabadaha iyo fursadaha ku xeeran deegaanka. Ardaydu waxay muujiyeen xirfado wanaagsan oo ku saabsan baaritaan saxaafadeed, iyo soo-jeedin talmoon.