08/12/2022
Soomaaliya Deegaano Xabaalmeya: Xal iyo talo soojeedin
Soomaaliya ka hortagga bacaad guurowga ayaa dhowr iyo labaatankii sano ee u dambeeyay aan fiiro gaar ah loo siin, taasoo ay ugu wacan tahay in ay jirin dowlad isku howsha iyo baraarug bulsho oo balaaran, taasina waxay keentay in la arko deegaano badan oo halis ugu jiraan in ay aasmaan iyo kuwa kale oo lawaayay gabi ahaantoodaba mudo kooban gudahood.
Soomaaliya ma jirin sahan rasmi ah oo laga sameeyay bacaadka xooggan ee ku siifidaya deegaanada u dhaw xeebaha dhowrkii sano ee dambe, in kastoo qaar ka mid ah hay'adaha caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay ay xoggo kooban ka qoreen saameynta bacaadka ee xowliga ku socda iyo sida aan wax looga qabaneen.
Markaan taariikhda dib u eegno dhacdooyinkii dhacay iyo sida xal looga gaaray.
Mashruucii Bacaad celintii Shalaambood (1973-1974) wuxuu ahaa barnaamij qaran oo caalamka uu la fajacay ummada Soomaaliyeedna tusay kalsoonida ah in ay bulsho wax qabsan karto. Waxaana iska kaashadey mashruucaas UNDP iyo Dowladda Soomaaliya oo horjoogayaal u ahaa Shacbka, Shaqaalaha iyo ciidamada dowlada. Barnaamijkaan ayaa sahlay in laga hortago Bacaadkii guulna laga gaaro waqti kooban.
Guusha laga gaaray barnaamijkaan waxaa fududeeyay dhowr sababood oo isbiirsaday; Maamul wanaag iyo Bulsho soomaaliyeed oo baraarugtay iskuna howleen sidii wax looga qaban lahaay arrintaas. Habka loo isticmaalay laguna joojiyay Bacaad celinta ayaa ahaa Beerista tiitiinka oo laga sameeyay dhanka xeebta ay dabeesha ka timaado. Tiitiinka sababaha loo xushay waxaa lagu sheegay in mudo kooban uu ku soobixi karo, dhulkana uu si dhaqsi ah ugu faafi karo, sidookale in uu u adkeysankaro Cimilada iyo dhulka cusbada ah.
Markaan u imaano magaalooyinka waqtigaan Xabaalmeya, sidookale u muuqda kuwa laweyn doono mudo gaaban gudahood hadii aan wax laga qaban.
Deegaanka Dhinowda oo ku taalo xeebaha bari ee gobalka mudug. Waxay halis ugu jirtaa gabi ahaanba in ay aasanto, Bacaad guurowga ayaa saameeyay ceelashii biyaha, kaabayaasha dhaqaalaha iyo guud ahaan goobihii waxbarashada, isbitaalada, masaajidyaddii iyo guryihii oo Bacaadkii ka kormaray oo laga yaabo in ay sababto in laga hayaamo Deegaankaan. Bulshadda ku nool waxay ku jiraan oo ay la noolyihiin xaalad adag oo quus ah, waxa ay u baahanyihiin gargaar bini'aadantinimo, garab Dowladeed iyo waxqabad Bulsho oo balaaran.
Xalka iyo Talooyinka aan soo jeedin lahaay.
1. In la sameeyo xeeyndaab caro nageeya ah si loo joojiyo Socodka Bacaadka.
2. In lagu beero dhirta adkeysiga u leh Cimilada iyo dhulka cusbada ah ee Deegaanada xeebaha ka ag dhaw, dhirtaas waxaa ka mid ah sida tiitinka, cowska iyo geed takhayga (mangroves).
3. In la hirgaliyo Bacaad-bixin Deegaan si looga saaro guryaha, isbitaalada, iyo ceelasha bacaadka xireen.
4. In lasameeyo Wacyigalin bulsho oo balaaran
5. Iyo In garab istaag loo fidiyo bulshada dhibaateysan ee aan awoodin xakameynta Bacaadka.
Ugu Dambeyntii, in la abaabulo Bulshaada iyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed si Dhireyn ay ugu sameeyaan dhulka xeebaha u dhaw dhaw ee banaan iyo goobaha kale ee ka dhaxeeya Dadweynaha waxay qeyb ka qaadan kartaa Bacaad celinta, Sidookale waxaa muhiim ah Dowladda soomaaliyeed iney u diyaar garoowaan wax ka qabashada Bacaadka sii fidaya iyo u gargaaridda dadka deegaanka iyo duunyada.
W/Q - Abdishakur Daaha