Warka_Isii Tv

Warka_Isii Tv Warka_Tv
waxaad ka heli kartaa warar Sugan

11/09/2025
10/09/2025

Waa Hantida dowlada Nepal

20/08/2025
20/08/2025
π‘΄π’–π’’π’…π’Šπ’”π’‰π’, 07 π‘¨π’–π’ˆ 2025: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ay...
07/08/2025

π‘΄π’–π’’π’…π’Šπ’”π’‰π’, 07 π‘¨π’–π’ˆ 2025: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Mashruuca ololaha nadaafada caasimadda ee dib-usoo-celinta bilicda magaalada Muqdisho, ka daah-furay waddada dheer ee wadnaha, gaar ahaan waddada kala qeybisa degmooyinka Shibis iyo Yaaqshiid. Waxaa ololahaan ka qeyb qaatay Wasiiro ka tirsan XFS, Xildhibaanno ka tirsan BFS, Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir iyo shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiye Muungaab ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii caasimadda Muqdisho ay ula mid noqon laheyd caasimaddaha kale ee horumaray, isla markaana qorshaha horumarinta Waaxda Nadaafada Dowladda Hoose ee Xamar uu noqon doono mid joogta ah, lana horumarin doono tayada iyo tirada howlwadeenada waaxda. Waxa uu goddoomiyaha raaciyay in isla xisaabtan dhab ah lala yeelan doonno shirkada bah-wadaagta la ah maamulka ee ka shaqeeya maareynta qashinka iyo nadaafadda.

Guddoomiyaha ayaa sido kale xusay in daahfurka ololahaan ay ka qayb qaateen sedexda boqol howlwadeen oo aqoonyahanno ah, kuwaasi oo dhawaan loo wareejiyay waaxda Nadaafadda. Dhanka kalena waxa uu guddoomiyaha xaqiijiyay in howlwadeenada kale ee waaxda tiradooda iyo xuquuqdooda kor loo qaadi doono, ololahaanna uu rajeenayo in uu noqdo mid ay ka wada qaybqaataan dhammaan howlwadeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Madaxda Qaranka iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ugu danbeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ka dhawaajiyay in dhawaan Maamulka Gobolka Banaadir uu la imaan doono qalab casri ah oo loogu shaqeeyo nadaafadda, isla markaana la hirgelin doonno sharciga nadaafadda, waxa uuna bulshada Gobolka Banaadir ugu baaqay in laga wada shaqeeyo amniga iyo nadaafadda ee Caasimadda.

β€”πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒβ€”

07/08/2025

Xaallada Dhulalaka Danta Guud Ruwaayad yar

Xigasho :mr cantuuge

07/08/2025

Dowlada waa furaha shacabka sida ay tubadda furo u leedahay yeyna shacabka dowladowda ku fatihin

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Dharkenley ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane Maxamed Xas...
04/06/2025

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Dharkenley ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane Maxamed Xasan Aadan, kaas oo kukacay marin habaabin Bulsho iyo sumcad xumeynta Ciidanka Qalabka Sidda, kaasi oo markuu falka ku kacayay labisnaa Dariiska Ciidanka Xooga Dalka asago oon aheen xubin ka tirsan Ciidanka Xooga dalka.
Xigasho Taye Macalin Mahdi

30/05/2025

SHILALKA Ugu Naxdinta badan Caalamka Nala fiirso Madaamada Ay Wadankeena ay ku soo bateen motorcycle🏍 Aan Taxadarno Sii , Share gareeya

Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa kulan ...
30/05/2025

Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo ay hogaaminayaan Imaam Daahir Imaam Maxamuud iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.

Ugu horeyn Odayaasha dhaqanka ayaa ugu Hambalyeeyay Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Muungaab in markale loo magacaabo hogaanka Gobolka Banaadir, iyagoona ugu duceeyay in uu eebe kula garab galo mas’uuliyaddaasi.

Sidoo kale Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa hoosta ka Xariiqay in Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ay kala shaqeyn doonnaan Dowlad-wanaaga, Amniga, dib-u-dhiska iyo horumarinta Caasimadda Muqdisho.

β€”πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒβ€”

29/05/2025

RUKUB DHEH

28/05/2025

Muqdisho Waa nabad

Address

Sodonka
Mogadishu

Telephone

+252617681008

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Warka_Isii Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share