
08/08/2023
Xildhibaan Guuleed Biixi ayaa maanta booqday jaamacada magaalada Jigjiga. Waxa ku soo dhaweeyay maamulka iyo masuuliyiinta jaamacada oo ka warbixin ka siiyay jaamacada iyo hawlaheeda. Xildhibaanka oo ka mahad celiyay soo dhawaynta ayaa ugu danbayntii ku bogaadiyay masuuliyiinta Jaamacada horumarka baladhan ee laga sameeyay dhinaca waxbarashada.
Dhanka kale Xildhibaanka ayaa isla maanta booqday Cisbitaalka wayn ee magaalada Jigjiga ee Sheekh Xassan Yabare. Masuuliyiinta cisbitaalka ayaa xildhibaanka soo tusay dhamaan goobaha kala duwan re lagu bixiyo adeegyada caafimaadka. Ugu danbayntii Xildhibaanka ayaa booqday una duceeyay qaar ka mid ah dadkii bukaanka ahaa ee cisbitaalka joogay.