Lalis News

Lalis News Warar, dhacdooyin iyo xoggo ku saabsan dunida.

Madaxii kooxda calooshood u shaqeysatayaasha Wagner Yevgeny Prigozhin ayaa ku jiray ku geeriyooday shil diyaarad ku burb...
23/08/2023

Madaxii kooxda calooshood u shaqeysatayaasha Wagner Yevgeny Prigozhin ayaa ku jiray ku geeriyooday shil diyaarad ku burburtay Ruushka, oo ay ku dhinteen dhammaanba 10-kii qof ee saarnaa sida BBC sheegtay.

Prigozhin ayaa hoggaaminayay kacdoonkii dhicisoobay ee ka dhanka ahaa hoggaamiyaha Ruushka, bishii June.

Yevgeny Prigozhin wuxuu si wayn uga soo ifbaxay duulaanka Ruushka ee Ukriane, isaga oo madax u ahaa koox calooshood u shaqaystayaal Ruush ah oo meelo muhiim ah dagaalka uga jiray.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaarada uu ku dhacay gantaal halka ay wararka kale sheegayan in ay shil gashay.

NISA oo abaalmarin lacageed siisay muwaadinkii soo gudbiyay xogta Qaraxyadii laga hortagay ee Beerta Nabadda Ra’iisul Wa...
13/06/2023

NISA oo abaalmarin lacageed siisay muwaadinkii soo gudbiyay xogta Qaraxyadii laga hortagay ee Beerta Nabadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa lacag gaareysa labaatan kun oo doolar guddoonsiiyay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Galbeed Xuseen Aadan oo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka usoo dusiyay xogta Qaraxyadii lala damacsanaa Beerta Nabadda.

Galbeed Xuseen ayaa lacagta lagu guddoonsiiyay munaasabad ka dhacday Xarunta Taliska Guud ee NISA oo lagu daah furayay Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha oo isku xiri doona Taliyaha HSNQ iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa la kulmay Saraakiisha Ciidamada Amaanka ...
27/05/2023

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa la kulmay Saraakiisha Ciidamada Amaanka ee Howlgalka Ciiltire ka wada Caasimadda.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa Sidii loo dardar galin lahaa Sugida Amniga Caasimada. Maadaama, mudooyinkii dambe uu ka socday howlgalka Ciiltire ee la dagaalanka Khawarijta, Burcada hubeysan iyo Maandooriyaha.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas odowaa Yuusuf Raage oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Dhulka Xds Gen maxamed tahli...
27/05/2023

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas odowaa Yuusuf Raage oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Dhulka Xds Gen maxamed tahliil biixi Taliyaha Ciidamada Howlgalada Gaarka ah ee dowlada Mareykanka Col John Bishop iyo saraakiil kale ayaa booqday degmooyinka Galcad iyo Aadan-Yabaal oo ka mida degmooyinkii ugu muhiimsanaa ee argagixsadu laga eryay

Taliyaha xoogga iyo waftigiisa ayaa kor meeray fariisimaha geesiyaasha xoogga dalka Waxaana uu warbixino ka dhageystay saraakiisha Naftood hurayaasha ah ee halkaasi ku sugnaa

26/05/2023

Ma qirsan tahay in NISA iyo Mahad Salaad ay ku guuleysteen wax ka qabashadda Ammaanka Muqdisho-Soomaaliya.

FADHIGA LABAAD EE SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARAN OO WARBIXIN LAGAGA DHAGEYSTAY WASIIRKA GAASHAANDHIGGA XFS IYO TALISKA ...
25/05/2023

FADHIGA LABAAD EE SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARAN OO WARBIXIN LAGAGA DHAGEYSTAY WASIIRKA GAASHAANDHIGGA XFS IYO TALISKA CIIDANKA XOOGGA DALKA

Muqdisho, Maajo 25, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey fadhiga Labaad ee Shirka Wadatashiga Qaranka oo ka socda Magaalada Muqdisho, kaas oo lagaga arrinsanayey wajiga Labaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab.

Fadhiga maanta oo laga soo qeyb-geliyey Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliska Ciidanka Xooga Dalka ayaa warbixin looga dhageystay Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise oo hoggaamin doona howlgalka isku dhafka ah ee Ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa dalalka dariska ah oo qaadaya howlgal mideysan oo Soomaaliya lagaga sifeynayo argagixisada Alshabaab. Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa soo bandhigay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, caqabadaha jira iyo qorshaha la xiriira ka miro-dhelinta wajiga 2-aad ee dhawaan ka bilaabanaya dowlad-goboleedyada Koonfur-galbeed iyo Jubbaland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in dalkeennu uu maanta marayo marxalad taariikhi ah, loogana baahan yahay shacabka iyo hoggaanka Soomaaliyeed in ay gacmaha is-qabsadaan, si loo xaqiijiyo in ubadkeennu ay u helaan nolol wanaagsan, horumar iyo amni, taas oo ay aas-aas u tahay in la cirib taro argagixisada dhibaateysay shacabkeenna.

Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ayaa ku bogaadiyey Ciidamada Soomaaliyeed sida naf-hurnimada leh ee ay ku xoreeyeen deegaanno iyo degmooyin badan oo ka tirsan Hirshabeelle iyo Galmudug, waxayna ammaaneen doorka weyn ee ay qaateen bulshada deegannada la xoreeyey oo garab iyo gaashaanba u noqday Ciidamada Qalabka Sida.
DHAMMAAD

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO BOOQASHO RASMI AH AY UGA BILAABATAY DALKA QATARDooxa, Maajo 16, 2023; Madaxweynaha Jamhuur...
16/05/2023

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO BOOQASHO RASMI AH AY UGA BILAABATAY DALKA QATAR

Dooxa, Maajo 16, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkan oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo qaadanaysa muddo 2 maalmood ah.

Madaxweynaha oo marti-qaad ka helay Amiirka dalka Qatar Mudane Tamiim Binu Xamad ayaa la qaadan doona kulammo ku saabsan kobcinta iskaashiga labada dal, amniga iyo dhammeystirka hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Qatar.

Sidoo kale, Labada dal ayaa ka arrinsanaya iskaashiga dhinacyada maalgashiga, dhaqaalaha, iyo waxbarashada, iyadoo Madaxda iyo diblumaasiyiinta ku wehelinaya safarkan Madaxweynaha Jamhuuriyadda ay la saxiixan doonaan dhiggooda dalka Qatar heshiisyo iyo is-afgarad ku qotoma danaha dalkeenna.

DHAMMAAD

Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane Abuukaate Axmed Ciise Gutale ayaa ka qaybgalay furitaanka shirka Ururka Hay’adaha H...
08/05/2023

Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane Abuukaate Axmed Ciise Gutale ayaa ka qaybgalay furitaanka shirka Ururka Hay’adaha Hantidhawrada Afrika (AFROSAI-E) oo sannadkan ka dhacaya magaalada Accra ee dalka Ghana.

Shirkan oo socon doona muddo 4 maalmood ah ayaa waxaa lagu lafaguri doonaa qodobbo muhiim ah oo ay ka mid yihiin yagleelidda hannaan isla-xisaabtan oo sahlaya xaqiijinta filashada bahwadaagta, qorshaynta sannadlaha iyo qiimaynta khataraha iyo dabagalka talabixinta lagu soo saaro warbixinnada baarista ee Hay’adaha Hantidhawrada Guud.

Shirka oo ay sannadkan martigalinayso Hay’adda Hantidhawrka Guud ee Ghana ayaa waxaa qayb ka ah Hantidhawrayaasha Guud ee 26 dal oo ku midoobay Ururka Hantidhawrada Guud ee Afrika ee ku hadla luuqadda Ingiriisiga iyo hay’ado kale oo ka mid ah bahwadaagta horumarinta caalamiga.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Mudane Maxamed Cali Xagaa, oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sare...
08/05/2023

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Mudane Maxamed Cali Xagaa, oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin iyo Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra'isul wasaaraha, ayaa maanta kormeer ku tagay Xarunta Xisbiga ee Dagamada Warta-Nabada ee Gobolka Banaadir, halkaas oo dhawaan baahi jirta looga Saaray dadkii Daganaa.

Ujeedka Booqashada ayaa ah u kuur galida Xarntaasi oo dhawaan lagu amray Saldhiga Boliiska Dagamada warta Nabada in si nabad ah looga kiciyo dadkii daganaa si howlaha Qaranka loogu qabto.

Wafdi Balaaran uuu horkacayo Madaxweynaha  dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe  Xussen ayaa gaaray Magalada Be...
08/05/2023

Wafdi Balaaran uuu horkacayo Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xussen ayaa gaaray Magalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu soo dhaweeyay.

Ciyaartoyda Xulka Qaranka 17jirada oo ka soo qeyb galay Tartanka Koobka 17 jirada Qaramada Afrika {AFCONU17} oo lagu qab...
08/05/2023

Ciyaartoyda Xulka Qaranka 17jirada oo ka soo qeyb galay Tartanka Koobka 17 jirada Qaramada Afrika {AFCONU17} oo lagu qabtay dalka Algeria, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Sirdoonka Qaranka  ayaa gacanta ku dhigay jaakado ay ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa oo la doonayay in la galiyo gudaha...
08/05/2023

Sirdoonka Qaranka ayaa gacanta ku dhigay jaakado ay ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa oo la doonayay in la galiyo gudaha Beerta Nabadda iyo Mooto Bajaaj qayb ka ahayd qorshaha weerarka Beerta Nabadda

Sawirro hordhac ah, goordhow la soco Faah faahinta Muuqaalka xogtaan.

Address

Maka Almukarama
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Lalis News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Lalis News:

Share