27/10/2025
                                            🎙️ Podcast-kii Muniir Ahmed – CEO of BBS Mall
Maanta waxaan dhameystay podcast socday 3 saacadood iyo 23 daqiiqo oo uu qaaday Abdijaliil Osman, martina uu ahaa Muniir Ahmed (CEO of BBS Mall). Runtii waa mid ka mid ah barnaamijyadii ugu qotada dheer ee aan dhageysto, aqoon iyo aragti cusub ayaan ka helay, xitaa aniga oo leh 5 sano oo waayo-aragnimo ah dhanka maaliyadda, maamulka iyo ganacsiga.
Muniir waa shaqsi dhab ah oo noloshiisa ku dhisay halgan, fikir iyo dulqaad. Wuxuu ka hadlay safarkiisa dheer ee uu ku soo maray in ka badan 10 dal, halkaas oo uu ka soo urursaday qibrad 25 sano ka badan ah. Waxaa la dareemayaa in uu yahay qof aan kaliya baran buugga, balse nolosha lafteeda la tijaabiyay.
Waxa iga si gaar ah i saameeyay laba qodob oo uu sheegay:
1️⃣ Hooyadiis:
Wuxuu ka sheekeeyay sida hooyadiis u baray dulqaadka iyo fahamka in wax kasta oo muhiim ah ay u baahan yihiin waqti dheer iyo sugitaan. Wuxuu yiri, hooyadiis mar walba waxay u sheegtay in nolosha aysan degdeg aheyn, ee ay tahay in si tartiib ah loo dhiso.
2️⃣ Xaaskiisa:
Wuxuu si daacad ah u xusay in xaaskiisu ay ahayd garab adag oo dhab ah, taageero joogto ah siisay xilliyada uu adkaado, isla markaana ay rumaysnayd riyadiisa marka uu isagu shaki galo. Tani waa tusaale weyn oo ah in guusha aysan ku imaan qof keliya, balse ay tahay wada shaqeyn iyo kalsooni qoyska dhexdiisa ah.
Muniir sidoo kale wuxuu si cajiib ah u sharaxay sida uu u arko ganacsiga iyo dhaqaalaha – inaysan ahayn kaliya lacag, balse ay tahay qorshe, faham iyo xiriir dadka. Wuxuu diiradda saaray sida loo dhiso meherad joogto ah, ma aha mid degdeg faa’iido lagu raadsado.
Aniga shaqsiyan, inkastoo aan leeyahay waayo-aragnimo 5 sano ah dhanka maamulka iyo maaliyadda, haddana casharrada uu bixiyay Muniir waxay ii ahaayeen aragti cusub oo aan h**e u arkin. Waxay igu dhalisay inaan dib u qiimeeyo sida aan u fahmo ganacsiga, waqtiga iyo muhiimadda samirka.
Ugu dambeyn, waxaan dhihi karaa:
 “Podcast-kan wuxuu ahaa isku darka aqoon, waayo-aragnimo iyo nolol dhab ah. Wuxuu igu reebay saameyn qoto dheer oo aanan iloobi doonin.”
Qof kasta oo xiiseeya ganacsiga, hoggaanka iyo horumarka shaqsiga, waa inuu dhageystaa barnaamijkan. Waa cashar nololeed, ma aha kaliya sheeko lagu madadaalo.
Xigaasho:abdijaliil osman 
                                   
Abdijaliil Osman                                        
 
                                                                                                     
                                                                                                     
                                                                                                     
                                                                                                     
                                                                                                     
                                                                                                     
                                                                                                     
                                                                                                     
                                                                                                     
                                                                                                     
                                         
   
   
   
   
     
   
   
  