Suldamada ina Saney

Suldamada ina Saney Advocate Human Right My Name is Rahma, I like to support and advocate for people who have denied their basic rights at all

World Humanitarian day 19th August, 2024
19/08/2024

World Humanitarian day 19th August, 2024

15/08/2024

๐˜„๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ ๐—ท๐—ถ๐—ฟ๐—ผ ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ป๐—ฎ๐—ด๐—ฎ ๐—ณ๐—ผ๐—ด ๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—ธ๐—ถ๐—ป ๐—ป๐—ผ๐—ผ๐—ด๐—ฎ ๐˜„๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ด๐˜€๐—ฎ๐—ป ๐—ธ๐˜‚๐˜„๐—ผ ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐—ผ๐—ผ ๐—ต๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ๐—ฒ๐—ฟ๐—ฎ๐—ต๐—ฒ๐—ฒ๐—ป๐—ป๐—ฎ ๐˜๐˜‚๐—ฏ๐—ฎ๐—ป.

14/02/2024

Walee Soomaaliya hirgalin Cadaalad ka dheer!
intaas u dhaafi maayo

20/01/2024

Mid ka mid ah, macallimiinta wax ka dhiga Jaamacad ku taala dalka Koonfur Afrika ayaa ardaydiisa oo ka koobnayd heerarka aqoonta ee kala duwan ( Degree, Master iyo PHD) u qorey warqad uu kaga warramayo xaaladda kulliyadda uu dhigo ee jaamacadda Koonfur Afrika.

Professorka ayaa kelmadahan ku qoray warqadiisa: โ€ Burburka ummaduhu uma baahna atoomik Bam ( Nuyukliyer) iyo gantaalaha riddada dheer oo lagu baabayo.

Laakiin ogow waxa lagu baabi'in karaa in hoos-u-dhac lagu sameeyo tayada waxbarasho iyo manhajka dalka, ardaydana loo ogolaado in imtixaanka ay eegtaan ama qishaan.

Arinkaasi ayaa suuro-gelinaya in qofkii bukey uu ku hoos dhinto dhakhtar ku soo baasey Qish, dhismaha guryuhuna ku dumaan Engineer aqoon lahayn oo ku soo gudbay Qish, hantiduna ku lunto xisaabiye, Qish ku yimi.

Ixtiraamka Aadminimo iyo caddaaladduna ku dayacanto garsoore isna aqoon sharci aan lahayn, balse ku soo gudbay Qish.

Intaasi marka ay dhacdo waxa Jahligu ku fidiyaa Caqliyada dhallinyarada, kaas oo uu gaarsiinaya macallin isaga laftiisuna ku soo gudbay Qishโ€.

Burburka tacliintu waa Burburka ummadda.

20/08/2023

Alxamdulilah

1.Tag xabsiyada SI Aad u ogato
2. Tag isbitalada si Aad u ogaato
3. Tag qabuuraha SI Aad u ogaato
4. Tag guryaha fuqurada SI Aad u ogaato Nimcada uu Allh ku siiya

14/08/2023

Afar shey Qalbiga ayeey Dilaan ama ay dhaawacaan hadii ay dhaafan xadkooda
1.Cunada Badan
2.Hurdada Badan
3.Hadalka Badan
4.Ku dhaxmilanka badan ee dadka
Sidaas darteed aan afartaas yareeysano Mahadsanid!๐Ÿ™

Ma Jeceshahay Naftaada iyo Ehelkaaga?Haweenay ayaa weydiisay Sheekh Caalim ah: โ€œMaxaan ku sameeyaa caruurteyda si aan Sa...
03/08/2023

Ma Jeceshahay Naftaada iyo Ehelkaaga?
Haweenay ayaa weydiisay Sheekh Caalim ah: โ€œMaxaan ku sameeyaa caruurteyda si aan Salaad Subax ugu kiciyo way ku adag tahay inay toosaan hurdadooda oo aad u culus darteed?
Sheekhi ayaa ku yiri: โ€œMaxaad sameyn lahayd haddii guriga dab qabsado iyagoo hurda?โ€
Haweenaydi: โ€œWaan kicin lahaaโ€
Sheekhi: โ€œLaakiin haddii hurdadoodu culus tahay?โ€
Haweenaydi: โ€œWalaahi waan toosin lahaa ama gacanta intaan qabto ayaan jiidi lahaa si aan u badbaadiyo!โ€
Sheekhi ayaa ka dib yiri, โ€œHaddii tani ay tahay waxa aad sameyn lahayd si aad uga badbaadiso dabka dunida, ku dedaal oo samee sidi aad uga badbaadin lahayd naarta Aakhiroโ€ฆ!โ€
Alle SWT wuxuu Quraanka kariimka ku yiri, Kuwa xaqa rumeeyow ka dhawra Naftiina iyo ehelkiinna naar lagu shido dad iyo dhagax ay kana (shaqeeyaan) malaaโ€™ig adag oo daran oon Eebe ku caasiyeyn wuxuu faro, falana wixii la amro.
Alle SWT hanagu daro kuwa naarta laga xoreeyay. Allaha na wada hanuuniyo dhamaanteen.

13/07/2023

waxaan maqlaa samileyda siyaasada ee dalka somalia maxaa dhacay Gabdhaha aaway maka muuqdano

05/07/2023

(PSYCHOSIS) waa xanuun kamid ah xanuunada ku dhaca aadanaha gaar ahaan kuwa qabatima balwadda(drugs) ama la darisa stress waana xanuun inta badan laga guuldareysto dhaqsi u ogaashaha sababna u noqon kara in qofku uu galo xaalad jiha wareer ah isla markaasna uu xakameyn kari waayo dareenadiisa iyo ficiladiisa.
Bulshadeenna kuma baraarugsana dhibta ay leeyihiin Xanuunskaas iyo Khadarta ka dhalan karta hadii aanan qofka sida saxda ah loola tacaalin

Yurub iyo Amerka ayuu ka timid asigoo la ogeyn xaaladiisa caafimaad waxaan maqleysaa wiilkaan waa isku buuqsatahay ee ha loo doona Gabar Cidda ah si loo dajiyo oo Gabdhahii ma waxey noqdeen Daawada nin waalan Please and please Hooyo iyo Aabo iska fiiriya gabadhaada ninka aad raacineyso

Raali ahaada culumada caafimaadka haddii aan shaqadiina soo galay

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Suldamada ina Saney posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share