01/11/2025
Taliyaha Qeybta 60aad Ciidanka Dhulka Xooga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Maxamed Yaris Aadan oo uu wehliyo Taliyaha Guutada 6aad Qeybta 60aad Gaashaanle Dhexe Liibaan Yuusuf Garre Ayaa Maanta si wadajir ah xilka ugu kala wareejiyey Taliyaha Cusub Ee Ururka 25aad Guutada 6aad Qeybta 60aad Dhame Jamaal Cilmi Aadan Iyo Taliyihii h**e Col Cali Dagaal Xirsi oo ay saraakiishu ku amaaneen Shaqadii cusleed Ee uu soo qabtey mudadii uu xilkaan haayey.
Ayaga oo sidoo kalena Taliyaha Cusub Ee Ururka 25aad Ee Guutada 6aad kula dardaarmey inuu la yimaado Shaqo wanaag iyo dardar galinta dagaalka ka dhanka ah kooxda khawaarijta alshabaab oo si xoog leh uga socda deegaanada Kala duwan Ee Gobolka Shabeelaha Hoose.