
07/07/2022
QODOBKA UGU MUHIIMSAN WADAHADALKII MADAXWEYNAYAASHA SOMALIA IYO TURKEY.
Xasan Sheekh ayaa go’aan ku gaaray in dagaal xoog leh uu la galo alShabaab. Warar lagu kalsoon yahay oo ay HP heleyso ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu doonayo in -labada sano ee muddadiisa ugu horreysa- uu alShabaab kaga saaro labada Shabeelle.
Xasan Sheekh ayaa Erdogan ka dalbaday taageero millatari oo ay ugu horreyso diyuuradaha dhulka laga hago ee Drones-ka loo yaqaanno.
Erdogan ayaa codsigaasi aqbalay waxaana warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in Soomaliya ay todobaadyada soo socda heli doonto diyuuradaha ALBAYRAK ee Turkigu uu farsameeyo.
Horn Press Agency