09/04/2026
Col. Axmed Khaliif Jinow, Madaxweyne Ku-xigeenka Golaha Sharciga Milateriga Afrika, ayaa kulan la yeeshay uqaabilsanaha arrimaha ciidamada ee Safaaradda Mareykanka. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iyo xoojinta xeerarka ciidamada, iyo sidii howlgalada milateri ee socda loogu waafajin lahaa sharciga.
Labada dhinac ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay in hawlgallada lagu saleeyo qawaaniinta caalamiga ah si loo xaqiijiyo hufnaan, isla xisaabtan iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.