Hortabin Media

Hortabin Media Breaking news, local stories, and real voices from across the globe—we bring you the facts first, with speed, depth, and integrity.

 : Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali oo khudbad ka jeediyay Shir...
10/01/2026

: Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali oo khudbad ka jeediyay Shirka Wasiirrada Arrimaha dibada ee Iskaashiga Islaamka ayaa sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso midnimadeeda iyo wadajirkeeda dhuleed, iyadoo u maraysa dhanka diblomaasiyadda iyo siyaasadaha ku dhisan cilaaqaadka laba geesoodka ah.

“Ma jirto wax cilaaqaad ah oo diblomaasiyadeed oo lala yeelan karo qayb ka tirsan Soomaaliya, waana waajib in la ilaaliyo midnimada Qaran ee Soomaaliya” sidaasi waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Dibada ee Soomaaliya. Wasiir Cabdisalaan ayaa intaasi ku daray hadalkiisa, in aqoonsi kasta oo aanan sharci ku dhisnayn oo hal dhinac ah uu yahay mid waxba k**a yiraan ah.

 : Waxaa dalka Sacuudi Carabiya ka furmay kulan horudhac ah oo aan caadi aheyn, kaasi oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirada...
10/01/2026

: Waxaa dalka Sacuudi Carabiya ka furmay kulan horudhac ah oo aan caadi aheyn, kaasi oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka, iyadoo looga hadlayo xaaladda gobolka, gaar ahaan aqoonsiga Israa’iil sheegtay in ay siisay Somaliland.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalaya wakiillo ka socda dalalka xubnaha ka ah ururka, iyadoo Soomaaliya ay uga qeyb galayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay).

Wadahadalladan ka socda dalka Sacuudiga ayaa la filayaa in laga soo saaro bayaan adag oo mar kale lagu xaqiijinayo midnimada dhuleed iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ilo diblomaasiyadeed ay tilmaameen.

 : Maraakiibta Shiinaha iyo Iiraan ayaa gaaray magaalada Pretoria si ay uga qeyb-qaataan dhoola tuska ciidan ee lagu wad...
10/01/2026

: Maraakiibta Shiinaha iyo Iiraan ayaa gaaray magaalada Pretoria si ay uga qeyb-qaataan dhoola tuska ciidan ee lagu wado inuu dhawaan ka dhaco halkaasi, kaas oo ay marti galineyso dowladda Koofur Afrika.

Dhoolatuskan wadajirka ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya dalal dhowr ah, kuwaas oo siyaasad ahaan ay is hayaan ama ka soo horjeeda Maraykanka, ayna horboodyeso Koofur Afrika.

Dhoolatuskaan militari oo uu hogaaminayo Shiinaha ayaa loogu magac daray 'Will for peace 2026', waxa uu ka dhici doonaa badda, isaga oo socon doona inta u dhaxeysa 9-16 bisha Maarso ee sanadkaan.

10/01/2026

Saxiibada Trump oo dadaal ugu jira sidii Mareykanku uu u aqoonsan lahaa Somailand!!

 : Ciidamada dowladda Suuriya ayaa sheegtay inay dib u bilaabeen howlgallo militari si ay gacanta ugu soo dhigaan xaafad...
10/01/2026

: Ciidamada dowladda Suuriya ayaa sheegtay inay dib u bilaabeen howlgallo militari si ay gacanta ugu soo dhigaan xaafad Kurdi ah oo ku taalla magaalada waqooyi ee Aleppo.

Aagga (Sheekh Maqsoud iyo Ashrafiyah) waxaa hadda gacanta ku haya ciidamada Kurduudda, kuwaas oo iska caabinaya isku dayga Madaxweynaha Ahmed al-Sharaa ee ah in dagaalyahannadooda lagu soo daro maamul dhexe.

Loollanka awoodda ayaa sababay afar maalmood oo isku dhacyo ah oo ka dhacay Aleppo, iyadoo la maqlayo rasaas iyo warar sheegaya in rasaas culus iyo gantaallo la adeegsaday.

Ugu yaraan labaatan iyo hal qof oo rayid ayaa la dilay, kumanaan kalena waxay ka qaxeen magaalada.

 : Safaaradda China ee Somalia ayaa faahfaahin ka bixisay baaqashada Xubin ka tirsan Xafiiska Siyaasadda ee Guddiga Dhex...
10/01/2026

: Safaaradda China ee Somalia ayaa faahfaahin ka bixisay baaqashada Xubin ka tirsan Xafiiska Siyaasadda ee Guddiga Dhexe ee CPC iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Wang Yi ay ku imaan lahaayeen Soomaaliya 9-ka Janaayo 2026.

“Isbeddelka jadwalka iyo natiijada wadahadalka saaxiibtinimo ee u dhexeeya wasaaradaha arrimaha dibadda ee Shiinaha iyo Soomaaliya awgeed, dhinaca Shiinaha ayaa wax ka beddelay jadwalka booqashada Xubin ka tirsan Xafiiska Siyaasadda ee Guddiga Dhexe ee CPC iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Wang Yi”, Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay safaaradda Shiinaha ee Muqdisho.

Dhanka kalena, Shiinaha ayaa sheegay inuu marwalba garab siin doono ilaalinta madax-banaanida Somalia, ayna si dhaw ula shaqayn doonto dowladda federalka ah ee Somalia, xilli ay Somaliland baahisay in wasiirku Muqdisho uga baaqday sababo ammaan xumo.

“Shiinuhu wuxuu had iyo jeer muhiimad gaar ah siiyaa iskaashiga istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya. Waxay si adag u taageertaa dadaalka saxda ah ee Soomaaliya ay ugu jirto ilaalinta madax-bannaanideeda, midnimadeeda iyo midnimadeeda dhuleed waxayna diyaar u tahay inay si wadajir ah ula shaqeyso Soomaaliya si ay si joogto ah u fududeyso qoto-dheereynta iyo horumarinta iskaashiga Shiinaha iyo Soomaaliya ee dhinacyo kala duwan.”

 : Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saartay howlgallada ka dhanka ‘AS’ ee xooggooda ka socda deegaanno katirsa...
10/01/2026

: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saartay howlgallada ka dhanka ‘AS’ ee xooggooda ka socda deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle, kaddib markii ay heshay xogo la xiriira dhaqdhaqaaqa ka dhanka ah ee halkaas ka socda.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Dadka Deegaanka ee Macawiisleyda ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo dhulka ah ka fuliyeen deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe oo muhiim u ah isu socodka Gobollada Banaadir, Galgaduud iyo Gobolkaas.

Saraakiisha howlgalka hoggaaminaya ayaa sheegay in ay heleen xogo badan oo la xiriira dhaqdhaqaaqa ka socda Gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay wadaan ‘AS’ kuwaas iyaga ka duulayana ay qaadeen tallaabooyin kahortag ah sida ay hadalka u dhigeen.

 : Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Turkiga, Hakan Fidan ayaa sheegay in Israa’iil ay dano gaar ah ka leedahay So...
10/01/2026

: Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Turkiga, Hakan Fidan ayaa sheegay in Israa’iil ay dano gaar ah ka leedahay Somaliland, waxa uu tilmaamay in Tel Aviv ay doonayso inay colaadda Bariga dhexe usoo rarto Geeska Afrika.

Hakan Fidan ayaa tilmaamay in Somaliland ay haysato fursad ay dib uga laaban karto la tacaamulka Israa’iil maadaama dunida inteeda kale ay dhinac uga soo jeesatay wixii ka dambeeyay markii uu soo baxay go’aanka Netanyahu.

“Somaliland qof aan Israa’iil ahayn ma aqoonsano, qudheedu waxa ay ka leedahay dano gaar ah, waxa ay rabtaa in ay u adeegsato colaadda gaar ahaan siyaasadda gobolka” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan.

 : Malayshiyaad hubaysan ayaa muddo hal asbuuc ka badan gacanta ku haya xarunta dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo ee P...
10/01/2026

: Malayshiyaad hubaysan ayaa muddo hal asbuuc ka badan gacanta ku haya xarunta dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo ee Puntland, iyagoo ka cabanaya dhaqaale kaga maqan duqa cusub ee degmada Galkacyo.

Dhankiisa Maamulka degmada Gaalkacyo ayaa sharci darro ku tilmaamay lacagta ay sheeganayaan kooxdaas, iyaga oo dowladda dhexe ee Puntland ka codsday ciidamo lagu sugo amniga xaruntaas dowladda hoose.

 : Dowladda Hindiya ayaa si cad u muujisay mowqifkeeda ku aaddan taageerada madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jam...
10/01/2026

: Dowladda Hindiya ayaa si cad u muujisay mowqifkeeda ku aaddan taageerada madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaddib tallaabadii ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya ayaa sheegay in New Delhi ay mar walba ku adkeysato ixtiraamka midnimada, madax-bannaanida iyo xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya.

Afhayeenku wuxuu xusay in mowqifka Hindiya uu waafaqsan yahay mabaa’diida Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah, isla markaana Hindiya ay taageersan tahay xalal lagu ilaaliyo xasilloonida iyo wadajirka dalalka Geeska Afrika.

Somaliland, oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991, weli k**a helin aqoonsi caalami ah inta badan dalalka adduunka. Si kastaba ha ahaatee, tallaabadii ay Israa’iil qaaday 26-kii Diseembar ee ay ku aqoonsatay Somaliland ayaa dhalisay falcelinno kala duwan oo caalami ah, kuwaas oo ay ka mid tahay mowqifka cad ee Hindiya ay ku taageertay midnimada Soomaaliya.

 : Dunida ayaa hadal haysa digniin culus oo ka soo baxday shirkadda weyn ee Nestlé, taas oo ku saabsan dib u soo celinta...
09/01/2026

: Dunida ayaa hadal haysa digniin culus oo ka soo baxday shirkadda weyn ee Nestlé, taas oo ku saabsan dib u soo celinta qaar ka mid ah alaabteeda caanaha carruurta ee dunida looga yaqaano SMA.

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii baaritaanno ay shirkaddu samaysay lagu ogaaday in qaar ka mid ah dufcadaha caanahaas ay ku jirto sunta loo yaqaano Cereulide, taas oo khatar weyn ku ah caafimaadka carruurta yaryar.

​Sunta Cereulide ma ahan mid sahlan, waayo waxaa soo saarta bakteeriyada Bacillus cereus, waxaana lagu tilmaamaa mid u adkaysata kulaylka. Tani waxay ka dhigantahay in xataa haddii waalidku isticmaalaan biyo karkaraya si ay caanaha ugu diyaariyaan, suntaas aysan dhimanayn oo ay weli ku jirto dhalada ilmaha.

Saamaynta ay suntaan ku yeelato ilmaha ayaa ah mid degdeg ah, waxayna keentaa matag xooggan, lalabo, iyo xanuun dhanka caloosha ah oo soo muuqda saacado yar gudahood marka uu ilmuhu cabbo caanaha wasakheysan, ​Saamaynta go’aankan ayaa gaartay in ka badan 31 waddan oo ay ku jiraan dalalka Yurub iyo kuwa Carabta.

 : Qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu yiri "Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga ...
09/01/2026

: Qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu yiri "Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo beegsi ah ka fuliyay deegaanka Buur Eyle ee degmada Buur Hakaba, gobolka Bay.

Hawlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday koox ka tirsan Al-Shabaab oo muddo lagu daba-socday, kuwaas oo diyaarinayay weerarro is-qarxin ah iyo gaadiid qaraxyo lagu rakibay.

Natiijada hawlgalka, 22 xubnood ayaa lagu dilay, waxaana la burburiyay dhammaan agabkii qaraxyada iyo gaadiidkii qaraxyada siday. Xogta la helay ayaa muujinaysa in kooxdaasi ay qorshaynayeen weerarro lagu waxyeelleeyo shacabka Soomaaliyeed iyo bartilmaameedyo amni, balse ciidamada Danab ayaa ka hortagay qorshahaas ka hor inta uusan fulin.

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hortabin Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hortabin Media:

Share