Ibrahim Abdikheyr

Ibrahim Abdikheyr Entertainment

Qoorqoor oo Xildhibaanada Galmudug lagaso doortay casuumay balse waxa su’aal ah , Deni miyeey isku meel siyaasadda ka is...
22/03/2022

Qoorqoor oo Xildhibaanada Galmudug lagaso doortay casuumay balse waxa su’aal ah , Deni miyeey isku meel siyaasadda ka istaagi karaan?

1. Qoorqoor Xildhibaanada uu casuumay ma ahan isku siyaasad , isku hadaf, intoda badana waa kalamaan.

2. Qoorqoor Xildhibaanada badankood ixsaan Kumaso saarin oo kursiga wuuka iibsaday balse Deni Xildhibaanka isaga ayaa maal galinayay.

3. Qoorqoor Xildhibaanada musharixiin kala duwan ayu uso saaray wax dooqisa ah uuku xushay waa koobnayen.

Isku soo duub casho ayu sameyn doona balse midnimo siyaasaded oo halkaas kaso bixi doonto majirto.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo shacabka Itoobiya u sheegay inay sameysteen Roobab macmal ah.“Haddii aad maalm...
22/03/2022

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo shacabka Itoobiya u sheegay inay sameysteen Roobab macmal ah.

“Haddii aad maalmahan roob xoogan aragtaan, ma aha mid caadi ah laakiin annaga ayaa sameeysanay. Waana roob macmal ah” ayuu yiri Abiy Ahmed

Shalay Professor Somaliyed ayaa sheegay in Somalia 🇸🇴 laga leexsanayay Roobka in muddo ah.

Waa kan Abiy Ahmed oo leh Roob macmal ayan sameeysanay. Taas oo shaki badan abuureysa in si rasmi ah Roobkii Somalia loo leexsaday.
Idiris alteeso

DEG DEG: Madaxweynaha Puntland oo Ka badbaaday isku day dilQarax Miino ah ayaa loo dhigay xilli uu soo galayey magaalada...
21/02/2022

DEG DEG: Madaxweynaha Puntland oo Ka badbaaday isku day dil
Qarax Miino ah ayaa loo dhigay xilli uu soo galayey magaalada Bosaso.

Inta la xaqiijiyey waxaa Geeriyooday Laba Askari oo lagu Kala magacaabo Fanax iyo maxamad Dheere sidoo kale dhaawac ayaa jira.

15/02/2022

Ismaaciil oo Cadhooday!

Wararka kasoo baxaya dalka Djibouti ayaa tibaaxaya in xabsi guri laga dhigay qaar kamida saraakiishii ugu saraysay booliska iyo milatariga dalka Djibouti kadib markii uu madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle uga shakiyay afgambi ka dhan ah!

Sdm
Qalinka Soo-jeeda

15/02/2022

Filsan Abdullahi ayaa shacabka Deegaanka Soomaalida ugu baaqday iney haba yaraatee la shaqayn xukumada Madaxweyne Mustafe.

"waxaan u soo jeedinaya bulshada deegaanka Soomaalida in aanay maamulka Mustafe la shaqayn oo gacmaha kala laabtaan hay'adaha dawladda oo dhan. Awaamir wala canshuur"

Sideed u aragtaa...?

W/Q Shardiid Macalin.
Voss Tv.

Wasiirka Difaaca Israeli waxa uu Caawa yiri waxaa nagu socda madaafiic xoogan oo nooga imaanaya magalada Gaza oo nolashe...
11/05/2021

Wasiirka Difaaca Israeli waxa uu Caawa yiri waxaa nagu socda madaafiic xoogan oo nooga imaanaya magalada Gaza oo nolasheena ceriiri galesay waxaan leheen ahdaaf balse tani waa billawgii burburkeena.

11/05/2021

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerrada ay Israa'iil ku hayso Falastiin:"Waxaan taageeraynaa in Falastiin ay hesho dowlad madax-bannaan oo caasimaddeedu tahay Quddus isla markaasna xor ah". - Wasiiru-dowlaha Arrimaha-dibedda JFS.

DEG DEG: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysey Ergayga Midowga Afrika ay  u soo dirayaan Soomaaliya si uu u ...
24/04/2021

DEG DEG: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysey Ergayga Midowga Afrika ay u soo dirayaan Soomaaliya si uu u dhexdhexaadiyo Arrimaha Siyasaadda Soomaalida Sidoo kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diidmo ka muujisay qeyb ka mid ah qaraarkii ka soo baxay Midowga Afrika.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda JFS Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa yiri "Ma jiro Urur Cambaarayn kara go'aan Baarlamaan, mana soo dhoweynayno arrintaas, sidoo kale qodobka ku saabsan Ciidammadda ee Midowga Afrika, waxaan u aragnaa mid Ciidanka niyad jebinaya, Amisom xaq uma laha in ay dabagal ku samayso Ciidammadda Qaranka.

Xigasho- Wariye Farah Qalyar

15/04/2021

Markuu Nabigeenu محمــــدﷺ (SCW) ka Tagay Adduunyada Sayyid Bilaal Binu Rawaax (Allah Haka Raali Noqdee) Isna wuxuu Iskaga Tagay Madiina Wuxuuna Tagey Dhulka Shaam Maxaa Yeelay Muuna ku Noolaan karin Madiina Isagoon Rasuulka محمــــدﷺ (SCW) Arkeynin.

Habeen Isagoo Hurda Ayuu ku Riyooday Nabiga suuban scw Oo Leh Bilaal Maxaad noo gooysay Nama soo booqaneysid miyaa..

Wuu Toosay Sayyid Bilaal Wuxuu Soo Fuulay Faras Dheereeya Wuxuu Yimid Madiina...

Xassan Iyo Xuseen Owlaadii Rasuulka scw ayaa ka codsaday inuu aadaaamo Markuu Aadaamay Maalintaas Sanado Badan kadib Reer Madiina Way soo Wada bexeen xataa gabdhihii guri kujirka ahaa ayaa soo baxay Nin kasta Iyo Haweenay kasta Baroor Iyo Oohin Ayay Isku Dareen Maalin kaga oohin badan reer madiino lama arag illaa Maalinkii Uu Rasuulku wafaaday maahane.. Xusuus Nabigii scw Ay Bilaal ku Xusuusteen Markuu Sayyid Bilaal adimo Nabiga scw usoo bixi jiray oo tukin jiray..

Markuu Gaaray 《Ashhadu Anna Muxammada Rasuuulullaah》 Bilaal Ilntiisu Dhulkay ayay ku Dhacday Oo ku Daadatay Maxaa Yeelay? Muusan awowdin inuu dhameestirio .

Ha Dhaafin Adigoon Dhihin محمــــدﷺ (SCW).

Fadlan walal Hadaad Dhameysay Akhrinta Qormadan Ku Sali Nebigenna محمــــدﷺ Siina Faafi Ajir Bad Ka Heli Doontaa...

Xigasho; Asad Cali

12/04/2021

Wasiirkii Shaqada iyo arrimaha bulshada ee shalay la magacaabay oo is casilay.

Warkan ayuu goordhaw qoray wasiir Oomaar.

"Waxaa sharaf ii ah in shalay oo ay taariikhdu ahayn April 11 2021 la Ii magacaabay wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada. Wasaaraddan oo aad muhim u ah waxay u baahan tahay Wasiir dardar geliyo howlaha baaxadda leh ee Ka socoda wasaaradda.

Anigoo Jecel inaan u shaqeeyo waddankayga hooyo, suuragal iima aha xilligan inaan qabto shaqada muhimka ah ee la ii magacaabay. Sidaa aawgeed waxaan Ka cudur daaranayaa qabashada xilkaa muhiimka ah. Duruufo qoys iyo kuwo shakhsiyadeed ayaan ii saamaxaynin inaan hawshaa galiyo tamarta, wakhtiga iyo firfircoonida ay u baahan tahay masuuliyaddan baaxadda weyn.

Waxan uga mahadnaqayaa madaxweyne Farmaajo iyo raiisal wasaaraha fursadda qaaliga ah ee ay ii siiyeen inaan u adeego inta tabartayda ah waddanka iyo shacabka Somaliyeed.

Muddadii aan xilka u hayay ummadda Soomaaliyeed waxaa suura gal ah in uu khalad iga dhacay, ma khaldame waa Ilaah. Waxaan ummadda Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay iga cafiyaan khaladaadka laga yaaba inuu iga dhacay.

NB: Go’aankani ma aha mid siyaasadeed ee waa mid shakhsi. waxaan mar walba ahay garabka Madaxweyne Farmaajo (N&N)"

MADAXWEYNE FARMAAJO OO SOO DHAWEEYEY QARAARKA GOLAHA SHACABKA EE AWOODDA DIB LOOGU SOO CELIYO SHACABKA SOOMAALIYEEDMuqdi...
12/04/2021

MADAXWEYNE FARMAAJO OO SOO DHAWEEYEY QARAARKA GOLAHA SHACABKA EE AWOODDA DIB LOOGU SOO CELIYO SHACABKA SOOMAALIYEED

Muqdisho, Abriil 12, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Sharciga Gaarka ah ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ka soo saareen jiheynta doorashooyinka heer Federaal, kaddib markii qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyadu ay curyaamiyeen Heshiiskii 17-ka Sebteembar ee Doorashooyinka dalka oo 26kii Sebteembar 2020 uu ansixiyey Baarlaamnka JFS.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay qaadaneyso doorka kaga aaddan fulinta sharcigan ay ansixiyeen Golaha Shacabka oo dalka u jiheynaya doorasho toos ah, dibna ugu soo celinaya Shacabka Soomaaliyeed xuquuqdooda dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan hoggaanka ay ku aaminayaan talada iyo masiirka qaranka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay dhexda u xirtaan sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen fursaddan taariikhiga ah, ugana qeyb qaadan lahaayeen geeddi socodka siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey saaxiibbada Soomaaliya ee dadaalka la garab taagan sidii loo sii xoojin lahaa hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka oo marxalado kala duwan soo maray.

Madaxweynaha ayaa adkeeyey in hay’adaha Dowladda oo ka duulaya Dastuurka dalka, waajibaadka qaran ee ay wakiilka ka yihiin, curfiga diblumaasiga iyo mabaadi’da caalamiga ah in aysan aqbaleyn faragelinta shisheeye ee arrimaha masiiriga ah oo ay ugu horreyso doorashooyinka dalka oo ah arrimo ay u madaxbannaan yihiin shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

DHAMMAAD

Address

Mogadisho
Mogadishu

Telephone

+252683688610

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ibrahim Abdikheyr posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Ibrahim Abdikheyr:

Share

Category