10/09/2026
Waxgaradka Gobolka Hiiraan oo ka hadlay dilka askari Soomaaliyeed oo lagu Dilay Xadka Hiiraan iyo Sh/dhaxe
Guud ahaan waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo dhalinyarada Gobolka Hiiraan ayaa si adag uga hadlay falka ay ku tilmaameen mid waxuushnimo ah, kaas oo askari ka tirsan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed loogu dilay deegaan ku yaalla xadka ay wadaagaan Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Waxgaradka ku kala sugan degmooyinka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dhacdadan ay walaac ku abuurtay ciidamada Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Hiiraan, gaar ahaan kuwa ka howlgala gobollada kale ee dalka, maadaama ay sheegeen in dhacdooyin la mid ah ay soo noqnoqdeen.
Waxay sidoo kale caddeeyeen in aysan raalli ka ahayn in askarta ku sugan Gobolka Hiiraan ee ka soo jeeda gobollada kale wax dhibaato ah loo geysto, iyagoo ku baaqay in ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed meel kasta ay ku wada noolaadaan si nabad ah, lana dhowro sharciga iyo nidaamka dowladnimada.
Dhanka kale, qaar ka mid ah waxgaradka ayaa sheegay in haddii aan si rasmi ah wax looga qaban dhacdooyinka noocan ah, ay qaadi doonaan tallaabooyin ay ku dalbanayaan in ciidamada ka soo jeeda Hiiraan ee ku sugan gobollada kale dib loogu soo celiyo Gobolka, iyagoo sabab uga dhigay walaaca ay ka qabaan badqabka askarta.
Waxgaradku waxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqeen in aysan indhaha ka qabsan dhacdada, isla markaana baaritaan dhab ah lagu sameeyo dilka askariga, si loo ogaado cidda ka dambeysay iyo sababta keentay, loona qaado tallaabada sharciga ah ee ku habboon.
Waxay sidoo kale adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo midnimada Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, lana dhowro xuquuqda iyo sharafta askari kasta oo Soomaaliyeed, iyadoo aan loo kala eegin deegaanka ama gobolka uu ka soo jeedo.