Mudug Media

Mudug Media Mudug, Puntland, Somalia

🔶Nin shalay gacmaha kaaga jaray gaadmo iyo duudsi🔶Saw in uu guntiga kuu xidhaa geeri kale maaha?🔶Saw in uu qalbiga kaa g...
12/08/2026

🔶Nin shalay gacmaha kaaga jaray gaadmo iyo duudsi
🔶Saw in uu guntiga kuu xidhaa geeri kale maaha?
🔶Saw in uu qalbiga kaa gubuun kuuma garab joogo?
🔶Qosol in aad u gabangaabsataa saw gunimo maaha?

Mudug Media

Cabdirashiid Janan ayaa ciidamadada ku sugan Xerada UK ee degmada Baladxaawo la soo werinayaaa inuu ku wargaliyay inuu d...
11/08/2026

Cabdirashiid Janan ayaa ciidamadada ku sugan Xerada UK ee degmada Baladxaawo la soo werinayaaa inuu ku wargaliyay inuu dhamaaday khilaafkii kala dhexeeyay Jubbaland.

Jubbaland ayaa ogolaatay bixinta mushaharaadka ciidamadii Janan kadib markii DFS aysan bixin xuquuqdii ciidankaas.

11/08/2026

Wajigaagu nuur badanaa wanaag badanow

10/08/2026

“Hassan Sheikha Waxa aad aragtaan aan ku dhigayo waa dumaashigay” Xil Muno diyaano

Mudug Media

Warar horudhac ah oo ay warbaahinta Mudug Media helayso ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu safar ku tagayo magaalada Ga...
10/08/2026

Warar horudhac ah oo ay warbaahinta Mudug Media helayso ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu safar ku tagayo magaalada Galdogob, halkaas oo uu kula kulmayo ugaaska guud ee beesha Tanade (Leelkase) Ugaas Abdirahman Ugaas Mohamed.

Safarkaan ayaa immaanaya kadib xiisadihii maalmihii udanbeeyay ka taagnaa xerada Istanbul oo uu markii dambe Ugaasku xalliyay.

 : Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa toddobaadkan lagu wadaa inuu gaaro caasimadda Galmudug ee Dhuusama...
10/08/2026

: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa toddobaadkan lagu wadaa inuu gaaro caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, isagoo halkaas uga sii gudbi doona deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu Xananbuure kaga qeyb galo munaasabad lagu soo xirayo tababarka dhowr guuto oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Taliyaha Ciidanka Danab ayaa gaaray Dhuusamareeb, halkaas oo qorshuhu yahay inuu soo dhaweeyo cutubyo ka tirsanaa PSF oo dhawaan ku biiray Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa gaalkacyo  kulan kula qaatay Guddiga Isku dhafka ah ee Horuma...
10/08/2026

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa gaalkacyo kulan kula qaatay Guddiga Isku dhafka ah ee Horumarinta Nabadda Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug.

Kulanka, oo ay ka qaybgaleen Guddoomiyeyaasha Gobolka Mudug, Taliyayaal boolis iyo Guddoomiyeyaasha Degmada Gaalkacyo ee labada dhinac, ayaa looga hadlay xaaladda nabadgelyada, xoojinta wada-shaqaynta iyo dadaallada lagu adkaynayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Madaxweynaha waxaa kulanka kala qaybgalay masuuliyiin ka tirsan Golayaasha Puntland.

Mudug Media

Address

Maka Al Mukarama
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mudug Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share