16/02/2019
Ma Meesha lagaa haysto ayaad fahmi la’dahay?
Ma Dhibaatada ku haysa ayaad Sababteeda iyo Xalkeeda garan weyday?
Si fiican u Aqri qoraalkan, dhibaato kasta waxaa ku hor qoran Xalkeeda oo Ficil ah.
1. Ma kadeed “stress” baa ku haya? Alle u Toobad u keen
2. Ma deganaan Maskaxeed baad doonaysaa? Tuko Salaada
3. Ma qof wanaagsan in aad hesho ayaad rabtaa? Adigu noqo qof wanaagsan
4. Ma Dadki ayaa kaa hor yimi oo ku nacay? Daacad noqo, Munaafaqada iska dhaaf
5. Ma Caruurta in ay kuu hagaagaan ayaad rabtaa? Adigu u noqo Tusaale wanaagsan
6. Ma Saaxiib/saaxiibo xun ayaad leedahay? Ka har. Kuwa fiican la soco
7. Ma dhafar baa ku dhibay? Seexo xilli h**e habeen kasta
8. Ma lacag la’aan baa kugu daahday? Dambi ka fogow, Ducada badi
9. Ma Gurigi ayaa buuq kaaga furan yahay? Waxa xun aad banaanka ku soo sameynaysid jooji
10. Ma Lacagtaada badan ayaad Barako ka weyday? Xalaal shaqeyso, Sadaqo ka bixi
11. Ma Qalbiga inuu kuu Xasilo ayaad doonaysaa? Xuska Alle Badi
12. Ma qof aad jeclayd baa kaa tagay? Hilmaan, Noloshaada sii wado
13. Ma in lagu xushmeeyaa rabtaa? Kasbo, adigu ha kaa timaado marka h**e
14. Ma facebook baad nacday? Iska xir
15. Ma ficil kasta oo dadku sameeyaan ayaa ku dhiba? Xaasidnimada jooji, dadka wax ha ka sheegin
16. Ma kugu kacsan tahay? Shaydaanka iska naar
17. Ma qof baa war kaa sheegay ama kaa qoray? Xan looma dhinto, hawlahaaga horay u wado
18. Ma cid baa ku xumeysay? Cafi, Caloosha waxba ha ugu hayn
19. Ma lacag baad rabtaa? Shaqeyso
20. Ma aad baad u careysan tahay Hada? Acuudi Bilayso
Tani waa Noloshaada, Fahan Ujeedada laguu Abuuray, Fal wixi Alle ku faray, Ka Fogow wixi Xun oo Xaaraan ah. Alle ayaa kaa raali ahaanaya. Waad Guuleysanaysaa
Share - La Wadaag Asxaabtaada
---QOR OO WAX AKHRI