Qanciye Media

Qanciye Media Our daily activities:-
■ Political analysis & strategy
■ World news
■ Social awareness

Kalabar dadka dunida waxa ay ku nool yihiin intaas cas ee khariiradda caalamka ka muuqata.
25/06/2024

Kalabar dadka dunida waxa ay ku nool yihiin intaas cas ee khariiradda caalamka ka muuqata.

Ciid wanaagsan walaalaha bogaan ku xeran, waxaan idin rajeynayaa horumar iyo baraaro in aad gaartaan.Eebe ha inaga aqbal...
09/04/2024

Ciid wanaagsan walaalaha bogaan ku xeran, waxaan idin rajeynayaa horumar iyo baraaro in aad gaartaan.

Eebe ha inaga aqbalo acmaashii wanaagsaneyd ee aynu la nimid bishii ramadaan, miisaanka aakhirana allah inoogu daro.

Qanciye Media
Follow and like

Xaramka: in ka badan 2.5 milyan oo qof ayaa hadda ku sugan kacbada iyada oo caawa ay aheyd habeenkii 27-aad ee bisha bar...
06/04/2024

Xaramka: in ka badan 2.5 milyan oo qof ayaa hadda ku sugan kacbada iyada oo caawa ay aheyd habeenkii 27-aad ee bisha barakeysan ee Ramadan, eebe ha inaga wada aqbalo acmaasha wanaagsan ee aynu la nimid.

Qanciye Media
Follow and like

FULL: SOMALIA 3 VS SUDAN 0Hambalyo OCEAN STARS.
28/11/2023

FULL: SOMALIA 3 VS SUDAN 0
Hambalyo OCEAN STARS.

17/10/2023
Deg Deg: Madaxii kooxda wagner oo la sheegay in uu dhintay! Hoggaamiyaha kooxda Wagner Yevgeny Prigozhin ayaa ku jiray l...
23/08/2023

Deg Deg: Madaxii kooxda wagner oo la sheegay in uu dhintay!

Hoggaamiyaha kooxda Wagner Yevgeny Prigozhin ayaa ku jiray liiska rakaabka diyaarad ku burburtay gobolka Tver ee Ruushka Arbacadii, sida ay sheegtay adeegga saxaafadda ee wakaaladda gaadiidka hawada ee federaalka.

10 qof ayaa ku dhintay shilkaan diyaaradeed, balse wali ma cadda in uu dhab ahaantii la socday diyaaradda.

~Qanciye Media
Follow and share

Gabar ayaa markii ugu h**eysay gashay kaalinta 1aad ee imtixaanka dowlada oo natiijadiisa maanta la soo saaray.Deeeqo Ma...
05/08/2023

Gabar ayaa markii ugu h**eysay gashay kaalinta 1aad ee imtixaanka dowlada oo natiijadiisa maanta la soo saaray.

Deeeqo Maxamed Cabdullahi oo dhigata dugsiga Faanoole ee magaalada kismayo ayaa rikoodhkaan jibisay.

Hambalyo dhaman ardada Soomaaliyeed.

~Qanciye Media

Wararka tartanka orodada: Hassan Ali Idow oo Soomaaliya matalayey ayaa kaalinta 4aad ka galay tartanka orodada ee jaamac...
02/08/2023

Wararka tartanka orodada: Hassan Ali Idow oo Soomaaliya matalayey ayaa kaalinta 4aad ka galay tartanka orodada ee jaamacadaha aduunka ee lagu qabtay Shiinaha, Ali ayaase bilowgii tartanka hogaaminayey iyada oo ugu dambeyn ay dhaafeen seddex orodyahan wuxuuna sidaa ku noqday orodyahankii 4aad ee tartanka.

Dhanka kale Nasra Abukar oo iyana Soomaaliya mataleysay ayaa kaalinta ugu dambeysa ka gashay tartanka jaamacadaha aduunka ee lagu qabtay Shiinaha, iyada oo noqotay qofkii ugu socodka gaabnaa abid ee ka qeyb gala tartan orod oo heer caalami ah.

~Qanciye Media.

Roobabkii ugu xoogganaa ee Shiinaha ka da'ay muddo 140 sano ah ayaa dilay ugu yaraan 20 qof,  waxaana la la'yahay 27 qof...
02/08/2023

Roobabkii ugu xoogganaa ee Shiinaha ka da'ay muddo 140 sano ah ayaa dilay ugu yaraan 20 qof, waxaana la la'yahay 27 qof oo kale.

Duufaanta kuleylaha ah ee Doksuri ayaa tan iyo sabtidii ku da'aysay guud ahaan Shiinaha roobab mahiigaan ah.

Maamulka ayaa diiwaangeliyay 744.8mm (29.3 inji) oo roob ah, oo ah kii ugu sarreeyay tan iyo 1891-kii, intii u dhaxaysay Sabtidii iyo subaxnimadii Arbacada kaas oo ka da’ay duleedka Beijing.

Qadarka roobka ee la diiwaan galiyay 40-kii saacadood ee la soo dhaafay ayaa ku dhawaaday celceliska roobabka da'ay bishii Luulyo oo dhan.

~Qanciye Media

Nasra oo Soomaaliya mataleysay ayaa kaalinta ugu dambeysa ka gashay tartanka ororada jaamacadaha ee lagu qabtay China.Wa...
01/08/2023

Nasra oo Soomaaliya mataleysay ayaa kaalinta ugu dambeysa ka gashay tartanka ororada jaamacadaha ee lagu qabtay China.

Warbaahinta caalamka ayaa qoraya in Nasra ay noqotay qofkii ugu daaha badnaa ee tartan orod ka qeyb gala, waxaana arrinkaasi ay ku sababeeyeen in Soomaaliya ay hormuud u tahay wadamada ugu musuqa badan aduunka.

~Qanciye Media

Burkina Faso, iyo Mali ayaa ka digay faragelinta militari ee Niger!Wadamada deriska la ah Niger ayaa sheegay in farageli...
01/08/2023

Burkina Faso, iyo Mali ayaa ka digay faragelinta militari ee Niger!

Wadamada deriska la ah Niger ayaa sheegay in faragelin kasta oo lagu soo celinayo madaxweynihii xilka laga tuuray ee Mohamed Bazoum loo qaadan doono ‘ku dhawaaqid dagaal oo iyaga ka dhan ah.

Labada dal, oo labaduba ay ka taliyaan dowlado militariga taageera, ayaa digniintan kasoo saaray bayaan wadajir ah oo laga akhriyay baahinta qarankooda Isniintii, maalmo kadib markii madaxda Galbeedka Afrika ay ku hanjabeen inay awood u adeegsan doonaan inay dib ugu soo celiyaan madaxweynihii xilka laga tuuray ee Niger Mohamed Bazoum.

Sawirka hoose waa ciidamada Nigeria oo safaaradda faransiiska horteeda ay dibad baxayaal ku ceyrsanayaan.

~Qanciye Media

NIGER: Taageerayaasha kooxda xukunka afgambiga kula wareegtay ee Niger ayaa la arkayey iyaga oo ruxaya calanka Ruushka, ...
31/07/2023

NIGER: Taageerayaasha kooxda xukunka afgambiga kula wareegtay ee Niger ayaa la arkayey iyaga oo ruxaya calanka Ruushka, waxa ayna ku dhawaaqayeen "ha dhaco faransiiska iyo xulafadiisa" iyaga oo ku banaan baxayey afaafka h**e ee safaaradda faransiiska ee caasimadda Naimey.

Tani waxa ay cadeyn u tahay dhamaadka saameyntii wadamada Yurub ee Galbeedka Africa iyada oo dhanka kale la arkayo xiriirka seddex geesoodka ah ee sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya Africa, Ruushka iyo China.

~Qanciye Media

Address

21 November Road
Mogadishu

Telephone

+252619393493

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Qanciye Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Qanciye Media:

Share