23/09/2026
Safiirka Mareykanka ee Itoobiya oo soo saarey war saxaafadeed ayaa si adag u dhaliilay hogaanka TPLF, wuxuuna ku eedeeyay in TPLF ay maanta bilowday weerar balaadhan.
Wuxuu sheegay hogaanka TPLF ay diideen wadda-hadaladii Midowga Afrika ee uu hogaaminayay Olusegun Obasanjo, Isla markaana ay go'aansadeen iney galaan dagaal aan guul laga gaadhi karin.
Safiirka Mareykanka ee Itoobiya ayaa ugu baaqay kooxaha kale ee hubeysan iney dagaalkan iskaga fogaadaan, wuxuuna ku hanjabay in Mareykanku uu weli haysto awood uu cunaqabateyn adag ugu soo rogi karo hogaamiyeyaasha kale ee isku daya iney Itoobiya u jiheeyaan waddo khaldan.
Dhan kale dagaalka ayaa galay marxald xun asagoo gaaray heer dameeraha lagu raro hubka cul culus ,asagoo si masaafo dheer oo dhulkaa loo mariyo.