Usame Qiyasle

Usame Qiyasle Author | Instructor | learner | Software Engineer | Media Visionary | Youtuber | Founder of Koror Media

Ma Murugo iyo Culaysyaa Ku Daashaday! Ila Dhugo Qormadan Kooban.  { لَا تَدْرِي لَعَلَّ اللَّهَ يُحْدِثُ بَعْدَ ذَلِكَ أ...
16/06/2026

Ma Murugo iyo Culaysyaa Ku Daashaday! Ila Dhugo Qormadan Kooban.

{ لَا تَدْرِي لَعَلَّ اللَّهَ يُحْدِثُ بَعْدَ ذَلِكَ أَمْرًا }

Mararka qaar noloshu waxay ku gelisaa maalmo ay murugadu culays ku noqoto qalbiga, rajaduna ay u muuqato mid sii yaraanaysa. Laakiin xaqiiqada aanan marnaba la illoobi karin waa in aanan garanayn waxa berri inoo qarsoon. Waxa maanta ku xanuujinaya, waxaa laga yaabaa inuu berri noqdo albaabka farxad aad u weyn.

Ma ogid sida xaaladdaadu isu beddeli doonto. Ma ogid fursadaha uu Eebbe kuu diyaariyay, ama kheyrka ka soo bixi kara dhibka aad maanta la tacaalayso. Awoodda Eebbe waxay dhaafsan tahay xisaabta iyo qiyaasta aadanaha.

Waxaa laga yaabaa in ilmada aad maanta daadisay ay isu beddesho dhoolla-caddayn, murugada qalbigaaga buuxisana Alle uu kugu beddelo degganaansho iyo farxad aanad waligaa filayn. Waxaa laga yaabaa in jidkii kuugu muuqday mid xiran uu noqdo bilowga waddo ka qurux badan intii aad malayn kartay.

Sidaa darteed, ha u oggolaan murugada inay kaa xaddo rajada. Dareenkaaga aqbal, xanuunkaagana faham, balse ha quusan. Xusuusnow in habeen kasta uu leeyahay waaberi, dhib kastaana uu leeyahay dhammaad.

Ku celceli aayadan adigoo qalbi furan ku akhrinaya: “{ لَا تَدْرِي لَعَلَّ اللَّهَ يُحْدِثُ بَعْدَ ذَلِكَ أَمْرًا }”
Waxaa ku jira xasuusin weyn oo kuu sheegaysa in sheekadaadu aysan ku dhammaan bogga murugada.

Samir, qalbigaagana ku xir Eebbe. Waxa imanaya wuxuu noqon karaa wax gebi ahaanba ka duwan waxa aad maanta aragto. Waxaa laga yaabaa in maalmaha soo socda ay kuu keenaan nafis, f***j iyo farxad kaa tirta raadkii murugadii aad soo martay.

Qofka maanta murugada daashatay ee culaysyada nolosha dakanada ku reebeen wajigiisa, berri waxaa laga yaabaa inuu noqdo qofka ugu farxadda badan, maxaa yeelay qorshaha Eebbe wuxuu mar walba ka ballaaran yahay fahamka aadamaha.

Ku soo biir boggeenna
W/Q Usame Qiyasle

Halkani ka soo daawo muuqaal aan ka sameeyay, macluumaadka ugu muhiimsan ee AI-ga maanta lagu gorfaynayo masraxyada Caal...
15/06/2026

Halkani ka soo daawo muuqaal aan ka sameeyay, macluumaadka ugu muhiimsan ee AI-ga maanta lagu gorfaynayo masraxyada Caalamka.

Channel-kana ku soo biira saaxiibayaal 🙌

Robot-yada AI-gu ma noqon karaan khatar dhab ah? | Doodda Ugu Kulul...

Nolosha Guusha Leh: Ma Nasiib Mise Waa Diyaargarow?Marka la xuso qof guulaystay, waxaa inta badan soo baxa weedho ay ka ...
15/06/2026

Nolosha Guusha Leh: Ma Nasiib Mise Waa Diyaargarow?

Marka la xuso qof guulaystay, waxaa inta badan soo baxa weedho ay ka mid yihiin: “Nasiib ayuu lahaa” ama “Fursad gaar ah ayuu helay.” Aragtiyahaas, inkastoo ay mararka qaar xanbaarsan yihiin qayb yar oo xaqiiqo ah, haddana ma sawiraan sawirka dhabta ah ee guusha. Marka si qoto dheer loo eego taariikhda dadka raadka ku reebay bulshada, waxaa muuqanaysa in guushu aanay inta badan ka dhalan nasiib lama filaan ah, balse ay tahay natiijada diyaargarow joogto ah, dadaal aan kala go' lahayn iyo adkaysi ay la socoto himilo cad.

Nasiibku waa arrin jira, balse ma aha awoodda ugu weyn ee qaabaysa mustaqbalka qofka. Fursad ayaa laga yaabaa inay albaabka kuu furto, laakiin waxa go'aamiya inaad gudaha gasho iyo in kale waa heerka aad isu diyaarisay. Qofka aqoonta leh, xirfadda leh, kana go'an tahay xaqiijinta himiladiisa, marka ay fursaddu timaaddo wuu ka faa'iidaysan karaa. Halka qofka aan is-diyaarin, xitaa haddii uu helo isla fursaddaas, ay u badan tahay inay dhaafto isaga oo aan ka faa'iidaysan.

Dunidu waxay xushmeysaa natiijooyinka muuqda, balse marar badan ma aragto halganka qarsoon ee ka dambeeya. Ma aragto saacadaha badan ee waxbarashada, khaladaadka soo noqnoqda, is dhiibid la’aata iyo dadaalka joogtada ah ee lagu gaaray guushaas. Sidaa darteed, waxa dadku ugu yeeraan nasiib marar badan waa sannado badan oo diyaargarow iyo samir ah oo markii dambe midho dhalay.

Dhanka kale, waxaa khalad ah in guusha loo sawiro waddo siman oo aan lahayn caqabado. Guul kasta oo dhab ahi waxay martaa marxalado adag. Waxaa jira waqtiyo qofku ka shakiyo kartidiisa, waqtiyo uu la kulmo guuldarrooyin iyo waqtiyo uu dareemo in dadaalkiisu aanu wax natiijo ah keenayn. Hase yeeshee, waxa kala saara dadka guulaysta iyo kuwa kale ma aha maqnaanshaha dhibaatooyinka, balse waa sida ay uga falceliyaan marka ay dhibaatooyinku yimaadaan. Dadka guulaysta waxay caqabadaha u arkaan casharro, halka kuwa kale ay u arkaan dhammaadka safarka.

Xaqiiqada ugu weyn ee laga baran karo nolosha ayaa ah in guushu aanay ahayn dhacdo kedis ah, balse ay tahay geeddi-socod dheer. Waa isku darka aragti fog, dadaal joogto ah, anshax shaqo iyo awoodda qofku u leeyahay inuu sii socdo xitaa marka ay xaaladuhu adag yihiin. Nasiibku wuxuu door yar ku yeelan karaa sheekada guusha, laakiin diyaargarowgu waa qalinka qora bogagga ugu muhiimsan.

Sidaa awgeed, qof kasta oo doonaya mustaqbal wanaagsan waa inuu xoogga saaraa waxa gacantiisa ku jira: kobcinta aqoonta, dhisidda xirfadaha, ilaalinta anshaxa shaqada iyo ka faa'iidaysiga waqtiga. Marka arrimahaas la helo, fursad kasta oo soo baxda waxay isu beddeli kartaa albaab loo maro guul waarta.

Ugu dambayntii, guushu ma aha hadiyad uu nasiibku bixiyo; waa abaalmarinta ay helaan kuwa muddada dheer isu diyaariyey inay qaabilaan. Ha illaabin Ducada iyo Tala saarashada Alle, liibaan kasta doonistiisa ayay ku ahaataa.

Waxaan kuu rajaynayaa nolol qurux badan. Guuleyso ❤️
W/Q Usame Qiyasle

Maxaad U Baahan Tahay Casrigan Si Aad Horumar U Gaarto?Maanta guushu kuma xirna qofka ugu hibada badan, ugu caqliga bada...
09/06/2026

Maxaad U Baahan Tahay Casrigan Si Aad Horumar U Gaarto?

Maanta guushu kuma xirna qofka ugu hibada badan, ugu caqliga badan ama ugu fursadaha badan balse Waxay ku xirantahay qofka ugu diiradda badan. Dunida maanta waxaa ka buuxa mashquul, buuq iyo waxyaabo si joogto ah u jiidanaya dareenkaaga. Qof kastaa wuxuu rabaa inuu helo waqtigaaga, dareenkaaga iyo tamartaada. Sidaas darteed, qofka awooda inuu ilaashado diiraddiisa ayaa hela faa'iidada ugu weyn.

Waxaad noqon kartaa qof hibo badan, laakiin haddii aadan diirad lahayn, hibadaadu wax badan kuma gaarsiin doonto. Waxaad noqon kartaa qof aqoon badan leh, laakiin haddii aad mar walba jiho cusub u booddo, ma gaari doontid meel fog. Dadku badanaa uma guuldarraystaan karti la’aan, Waxayse guuldarraystaan markay ku lumiyaan awooddooda waxyaabo aan muhiim ahayn.

Hadaba Maxaa Diiraddaada Xadaya?

Waxaa jira saddex cadaw oo waaweyn:

1. Mashquulka Dibadda

Baraha bulshada, notification-da telefoonka, sheekooyinka aan dhammaadka lahayn, madadaalada xad-dhaafka ah iyo la socodka wax kasta oo cusub. Maalin kasta saacado badan ayaa kaaga lumi kara waxyaabo aan waxba ku kordhinayn mustaqbalkaaga.

2. Mashquulka Gudaha

Cabsi, shaki, fikir badan, dib-u-dhigis, isbarbardhigga dadka kale iyo rabitaanka wax walba inay sax ahaadaan. Mararka qaar cadawga ugu weyn ma aha waxa kugu hareeraysan, balse waa fikirkaaga gudaha.

3. Hab-Nololeed Aan Habaysnayn

Jadwal la'aan, hurdo xumo, xiriirro aan caafimaad qabin iyo inaad wax badan hal mar la isku dayo. Qof aan maamulin noloshiisa ma maamuli karo mustaqbalkiisa.

Saaxiib, Haddii Aad Rabto Inaad Guulaysato casrigan ay jeediyayaashu xargaha goosteen:

– Yaree buuqa iyo mashquulka aan muhiimka ahayn.
– Caddee yoolalkaaga.
– Dooro hal waddo oo aad si dhab ah ugu socoto.
– Baro inaad tiraahdo "maya" marka ay kaa leexinayso waxa muhiimka kuu ah.
– Ha isku dayin inaad wax kasta qabato.
Dadka guulaysta ma qabtaan wax walba; waxayse si joogto ah u qabtaan waxyaabaha ugu muhiimsan.

Xusuusnow:
Diiraddu waa waxa kala saara dadka riyooda iyo dadka riyooyinkooda rumeeya. Talada ugu muhiimsan ee aan ku siinayo ayaa ah: Inaad ogaato meesha aad u socoto, ka dibna aad diiraddaada oo dhan ku bixiso sidii aad halkaas ku gaari lahayd.

Ku soo biir oo igala soco Boggan
W/Q Usame Qiyasle

TALOOYIN NOLOLEED OO AAN UGU TALAGALAY DHALINYARADA DA'DA 20-MEEYADA KU JIRASaaxiib, Marka aad gaarto Da'da labaataneeya...
08/06/2026

TALOOYIN NOLOLEED OO AAN UGU TALAGALAY DHALINYARADA DA'DA 20-MEEYADA KU JIRA

Saaxiib, Marka aad gaarto Da'da labaataneeyadaada, noloshu waxay bilaabaysaa inay kaa dalbato masuuliyad, diirad iyo garasho. Khaladaadka aad ka fogaato iyo go’aamada aad qaadato hadda waxay go’aamin karaan mustaqbalkaaga. Hoos waxaa ku qoran talooyin aan jeclaystay inaan idin la wadaago:

1. Naftaada Maalgasho Marka H**e:

Diiradda saar inaad dhisto xirfadahaaga, waxbarashadaada iyo fikirkaaga. adiga ayaa mas’uul ka ah mustaqbalkaaga. Haddii aasaaskaaga uu xooggan yahay, nolosha inteeda kale si fudud ayay u hagaagtaa.

2. Si Xikmad Leh u Maamul Dhaqaalahaaga:

Baro kaydinta, miisaaniyad sameynta iyo maalgelinta h**e. Kharashaadka si xun loo maareeyo maanta waxay keentaa walbahaar berrito.

3. Si Taxaddar Leh u Dooro Saaxiibadaada:

Ku xeeranow dad ku dhiirrigeliya, ku horumariya oo kaa dhiga qof wayn. Saaxiibada xun waxay lumiyaan waqtigaaga iyo tamartaada.

4. Ixtiraam Waqtiga:

Waqtigu waa hantidaada ugu qaalisan. Ha ku lumin wax ama dad aan ku hor marinayn.

5. Ka Fogow Xalalka Degdegga Ah:

Ha ku degdegin waddooyin gaagaaban ama natiijo degdeg ah. Wax kasta oo qiimo leh waxay u baahan yihiin samir, dadaal joogto ah iyo adkaysi. Noloshu waxay abaalmarisaa kuwa sii wada, ee aan quusan marka ay dhibaatadu timaado.

6. Qaado Masuuliyadda falalkaaga:

Ha ka cararin khaladaadkaaga. Qiro marka aad qaldanto, ka baro cashar, oo isku day inaad saxdo. Eedeynta dadka kale waxba ma xalliso—masuuliyadda aad qaadato ayaa kaa dhigta qof bisil oo la isku halleyn karo.

7. Daryeel Caafimaadkaaga:

Caafimaadku waa saldhigga nolosha oo dhan. Haddii uu daciifo, wax kasta oo kale way adkaanayaan. Cun cunto nafaqo leh, samee jimicsi joogto ah, seexo hurdo kugu filan, oo sidoo kale fiiro gaar ah sii caafimaadka maskaxdaada.

8. Haku Degdegin Xiriirrada:

Si taxadar leh u qaado go’aamada la xiriira jacaylka iyo lammaanaha. Ha ku salayn kaliya dareen degdeg ah ama soo jiidasho ku-meel-gaar ah. Xiriir waara wuxuu ku dhisan yahay is-faham, kalsooni, is-ixtiraam iyo qiyam isku mid ah. Doorashada saxda ah waxay kaa ilaalisaa dhibaatooyinka mustaqbalka.

9. Ka fogow Is-barbardhigga Dadka Kale:

Ha ku cabbirin noloshaada nolosha dadka kale. Qof kastaa wuxuu leeyahay jid iyo waqti u gaar ah. Isbarbardhiggu wuxuu keenaa niyad jab iyo kalsooni darro, halka diiradda saaridda horumarkaaga ay kaa caawiso inaad si dhab ah u korto.

10 Caawi Dadka Kale:

Ha ku ekaan kaliya horumarka naftaada. Marka aad awooddo, gacanta u fidiso dadka kale oo taageer. Caawinta dadka waxay dhistaa qalbi wanaagsan, waxayna nolosha siisaa macne iyo farxad dhab ah.

11. Baro Is-edbinta Iyo Xakamaynta Nafta:

Ku dadaal inaad xakamayso naftaada oo aad ka fogaato caadooyinka kaa leexinaya yoolalkaaga. Samee waxa saxda ah xitaa marka ay xaalado adag jiraan. Is-xakamayntu waa waxa dhisa guul iyo adkaysi dhab ah.

12. Adkee Xiriirka Kaala Dhaxeeya Alle:

Xoojinta xiriirka aad la leedahay Alle waa aasaaska nolosha xasilloon. Ku dadaal salaadda, akhrinta Qur’aanka, ducada iyo xuska Alle. Marka xiriirkaaga Eebbe uu xoog yeesho, qalbigaagu wuu degayaa, noloshaaduna way toosaysaa oo barako ayaa ku soo degaysa.

Ku soo biir oo igala soco Boggan
W/Q Usame Qiyasle

Ha Sugin 2027Waxaa jira waqtiyo kooban oo sannadka gudihiisa ah oo qofku si dhab ah u istaago, naftiisana dib u eego isa...
07/06/2026

Ha Sugin 2027

Waxaa jira waqtiyo kooban oo sannadka gudihiisa ah oo qofku si dhab ah u istaago, naftiisana dib u eego isagoo ka fog mashquulka nololeed ee maalinlaha ah. Bartamaha sannadku waa mid ka mid ah waqtiyadaas. Waa xilli qofku dib u eegis ku samayn karo halkii uu ka yimid, halka uu maanta joogo iyo halka uu doonayo inuu gaaro.

Sanadka 2026 wuxuu ku socdaa xawaare sare. Bilihii h**e waxay u gudbeen si ka dhaqso badan sidii la filayay. Maalmihii aynu ku jirnay bishii koowaad, annagoo qoreyna qorshayaal cusub, dejinayna himilooyin waaweyn, shidaalkeenuna ahaa rajooyin iyo yididiilooyin waawayn, maanta waxay u muuqdaan kuwo aan sidaas uga sii fogeyn xusuusteena. Hase yeeshee xaqiiqadu waxay tahay in waqti badan uu ina dhaafay, isla markaana qayb muhiim ah oo sanadkan ka mid ahi ay hadda tahay taariikh aan dib loo soo celin karin.

Bilowga sanad kasta, dadku waxay sameeyaan ballamo ay la galaan naftooda. Qaar waxay go'aansadaan inay aqoontooda kobciyaan, qaar inay dhaqaalahooda horumariyaan, qaar inay caafimaadkooda daryeelaan, halka kuwo kalena ay doonayaan inay beddelaan hab nololeed muddo dheer caqabad ku ahaa. Balse waxaa jirta xaqiiqo marar badan soo noqnoqota: himilooyinka intooda badan uma fashilmaan inay adag yihiin darteed, ee waxay u fashilmaan dib-u-dhigista ayaa ka xoog badata ficilka.

Dib-u-dhigistu waa tuugga ugu weyn ee waqtiga. Waxay qofka ku qancisaa inay berri ka wacan tahay, in toddobaadka dambe uu ka habboon yahay maanta, ama in bisha dambe ay jiri doonto fursad ka wanaagsan tan hadda hor taalla. Sidaas darteed maalmo ayaa isu beddela toddobaadyo, toddobaadyo ayaa isu beddela bilo, ugu dambaynna qofku wuxuu is arkaa isagoo sanad dhan uu ku daba meeraysanayay himilooyin uu markii h**e si fudud ku gaari karay haddii uu tallaabadii ugu horreysay qaadi lahaa.

Waxyaabaha ugu murugada badan ee nolosha ka mid ahi ma aha khaladaadka la sameeyo, balse waa fursadaha la dayaco. Khaladka waxaa laga bartaa cashar. Guuldarrada waxaa laga dhaxlaa waayo-aragnimo. Laakiin fursad la lumiyey marar badan dib uma soo noqoto, waqtigii ay lahaydna dib looma soo celin karo.

Marka la eego dhinaca kale, qof kasta oo maanta akhrinaya qoraalkan wuxuu haystaa hanti aad u weyn: waana waqtiga weli harsan. Inkastoo sanadku bartamihiisa ku dhow yahay, haddana waxa weli harsan bilo badan, toddobaadyo badan iyo kumannaan saacadood oo wax lagu qaban karo. Qofka maanta bilaaba barashada xirfad cusub, wuxuu sannadka dhammaadkiisa gaari karaa heer aanu maanta qiyaasi karin. Qofka maanta bilaaba akhriska joogtada ah, wuxuu sannadka dhammaadkiisa yeelan karaa aqoon ka duwan midda uu maanta leeyahay. Qofka maanta go'aansada inuu hagaajiyo caadooyinkiisa, wuxuu muddo yar gudaheed ku arki karaa isbeddel muuqda oo noloshiisa ah.

Waqtigu waa hantida keliya ee dadka oo dhan si siman Alle SW u siiyay. Taajirka iyo faqiirka, aqoonyahanka iyo aqoon laawaha, guuleystaha iyo kan guusha raadinaya, dhammaantood waxay helaan afar iyo labaatan saacadood maalintii. Waxa dadka kala saara ma aha waqtiga ay haystaan, ee waa sida ay u maalgashadaan waqtigaas.

Dadka raadka ku reebay taariikhda ma ahayn kuwo helay maalmo dheeraad ah ama saacado ka badan kuwa kale. Waxay ahaayeen dad si qoto dheer u fahmay qiimaha waqtiga, una arkay maalin kasta inay tahay fursad aan dib loo soo celin doonin. Waxay ogaayeen in guulaha waaweyni aysan ka dhalan ficillo waaweyn oo mar qura la sameeyo, balse ay ka dhashaan tallaabooyin yaryar oo si joogto ah loo qaado.

Sidaas darteed, bartamaha sanadkan ha ka dhigin xilli aad tiriso wixii kaa lumay oo keliya, taa bedelkeeda Ka dhig xilli aad ku dhisato wixii kuu haray. Ha ku mashquulin inta waqti ee kaa tagtay; xoogga saar inta waqti ee kuu harsan. Ha ka welwelin himilooyinka weli aan rumoobin; ka shaqee tallaabada kuugu dhow ee aad maanta qaadi karto.

Sanadku weli ma dhammaan. Bogagga ugu muhiimsan ee sheekadaada sanadkan wali lama qorin. Guulaha ugu waaweyn ee aad gaari karto wali lama gaarin. Fursadaha ugu qiimaha badan ee ku sugaya wali ma imaan.

Su'aasha dhabta ahi ma aha in waqtigu socdo iyo in kale, maxaa yeelay waqtigu mar walba wuu socdaa. Su'aashu waxay tahay: marka uu sanadkan dhammaado, ma waxaad noqon doontaa qof ka sheekaynaya sababihii uu wax u qaban waayey, mise qof ku faanaya inuu ka faa'iidaystay waqtigii uu haystay?

Doorashadaas maanta ayay gacantaada ku jirtaa.

Igala soco oo ku soo biir boggeennan
W/Q Usame Qiyasle

Si aad isbeddel u samayso waa inaad isbedel samaysaa!Mar labaad akhri.
02/06/2026

Si aad isbeddel u samayso waa inaad isbedel samaysaa!

Mar labaad akhri.

Maxaa Qofka Ka Dhigaya Hoggaamiye Wanaagsan?Hoggaamintu ma aha magac lagu helo xil, mana aha awood lagu maamulo dad kale...
01/06/2026

Maxaa Qofka Ka Dhigaya Hoggaamiye Wanaagsan?

Hoggaamintu ma aha magac lagu helo xil, mana aha awood lagu maamulo dad kale. Waa karti lagu hago dadka, lagu mideeyo himilooyinka, laguna abuuro kalsooni iyo jihayn sax ah. Taariikhdu waxay marag u tahay in bulshooyinka ugu horumarsan ay ka dambeeyeen hoggaamiyeyaal leh aragti, akhlaaq iyo masuuliyad. Sidaas darteed, su’aasha mudan in la is weydiiyo waxay tahay: maxaa qofka ka dhigaya hoggaamiye wanaagsan?

1. Aragti Fog iyo Himilo Cad

Hoggaamiyaha wanaagsan wuxuu kaga duwan yahay dadka kale aragtida uu ka leeyahay mustaqbalka. Isagu kuma mashquulo oo keliya xalinta dhibaatooyinka maanta jira, balse wuxuu sii odorosaa waxa berri iman kara. Aragti cad ayaa u suuragelisa inuu dadka ku hago waddo la hubo, halkii ay ku socon lahaayeen jihayn la’aan iyo qorshe la’aan.

2. Daacadnimo iyo Kalsooni

Kalsoonidu waa hantida ugu qaalisan ee hoggaamiye yeelan karo. Dadku waxay u hoggaansamaan qofka ay rumaysan yihiin, ee ma aha qofka awoodda haysta oo keliya. Daacadnimadu waxay dhistaa sumcad waarta, halka khiyaanadu ay burburiso sannado badan oo lagu soo dhisay kalsooni iyo ixtiraam.

3. Kartida Dhageysiga

Dhageysigu waa xirfad ay leeyihiin hoggaamiyeyaasha bisil. Qofka dadka dhegaysta wuxuu fahmaa baahidooda, dareenkooda iyo talooyinkooda. Tani waxay ka caawisaa inuu qaato go’aanno ku dhisan faham dhab ah, halkii uu ku tiirsanaan lahaa mala-awaal iyo aragti hal dhinac ah.

4. Caddaalad iyo Eex La’aan

Bulsho ama koox waxaa mideeya dareenka ah in si siman loola dhaqmo. Hoggaamiyaha caddaaladda ku dhaqma wuxuu abuuraa jawi ay dadka ku dareemaan qiime iyo xaqsoor. Eexdu waxay kala qaybisaa quluubta dadka, halka caddaaladdu ay xoojiso wadajirka iyo kalsoonida.

5. Go’aan Qaadasho Geesinimo Leh

Mararka qaar xaaladuhu waxay u baahan yihiin go’aanno adag oo aan dib loo dhigi karin. Hoggaamiyaha wanaagsan wuxuu leeyahay geesinimada uu masuuliyaddaas ku qaado, isaga oo si taxaddar leh u qiimeeya duruufaha jira. Hoggaaminta dhabta ahi waxay muuqataa marka ay xaaladuhu adkaadaan, ee ma aha marka wax walba sahlan yihiin.

6. Tusaale Wanaagsan Noqoshada

Dadku waxay ka bartaan ficillada in ka badan hadallada. Hoggaamiyaha wanaagsan wuxuu noqdaa muraayad laga dheehdo qiyamka uu dadka ugu baaqayo. Marka hadalkiisa iyo dhaqankiisu is waafaqaan, wuxuu kasbadaa ixtiraam iyo saamayn ka xoog badan amar kasta oo uu bixiyo.

7. Is-hoosaysiin iyo Barasho Joogto Ah

Astaamaha hoggaamiyaha bisil waxaa ka mid ah inuu aqbalo in aanu wax walba garanayn. Is-hoosaysiintu waxay ka ilaalisaa kibirka, halka barashada joogtada ahi ay ka dhigto mid maskax ahaan u kobcaya. Hoggaamiye jecel inuu wax barto ayaa ka awood badan mid u haysta inuu mar h**e gaaray heerkii ugu sarreeyey.

Ugu dambayn, Hoggaaminta wanaagsani waa isku-darka aragti, akhlaaq, caddaalad iyo masuuliyad. Ma aha awood lagu cabburiyo dadka, balse waa karti lagu hanto qalbiyadooda laguna mideeyo dadaalkooda. Hoggaamiyaha dhabta ahi waa kan raadkiisa laga dareemo horumarka dadka uu hoggaamiyey, xitaa marka uu meesha ka tago. Taasi waa hoggaaminta dhaxalka reebta, ee aan ku koobnayn mansab iyo magac.

Ku soo biir boggeennan.
W/Q Usame Qiyasle

Talooyin Ay Dad Badani Goor Dambe Bartaan1. Akhri buugaagta dadka waaweyn qoreen; khaladaad badan ayaad ka badbaadi doon...
31/05/2026

Talooyin Ay Dad Badani Goor Dambe Bartaan

1. Akhri buugaagta dadka waaweyn qoreen; khaladaad badan ayaad ka badbaadi doontaa.

2. Caado yar oo wanaagsan ayaa ka awood badan niyad weyn oo aan ficil lahayn.

3. Qofka ugu adag ee aad ka adkaan karto waa naftaada, La jihaad iyada.

4. Ha ku mashquulin wax aan shan sano kadib waxba kuu tari doonin.

5. Baro inaad tiraahdo "maya" marka ay lagama maarmaan tahay.

6. Noloshaada ha ku dhisin ammaanta dad kale; ku dhis qiyam adag.

7. Ha ku qoslin qofka dhibban; xusuusnow maalmuhu waa kuwa isbedbedela.

8. Haddii aad rabto ixtiraam, marka h**e noqo qof la isku hallayn karo.

9. Hanka weyn iyo anshaxa wanaagsan marka ay is biirsadaan, waxaa dhasha qof aan si fudud loo iloobi karin.

10. Dhibaatada maanta ku haysata waxay noqon kartaa casharka berri ku badbaadiya.

11. Haddii aad rabto nolol wanaagsan, ilaali caafimaadkaaga, waqtigaaga iyo xiriirradaada; saddexdaas marka ay burburaan ayay dadku qiimahooda gartaan.

12. Qabri kasta oo aad ag marto wuxuu kuu sheegayaa hal xaqiiqo: waqtigaagu waa xaddidan yahay.

Qodobkee si gaar ah kuu soo jiitay?
— Usame Qiyasle

Sharaftaadu waa Boqortooyadaada(U gaar ah Gabdhaha){قَالَتَا لَا نَسْقِي حَتَّىٰ يُصْدِرَ الرِّعَاءُ ۖ وَأَبُونَا شَيْخٌ...
29/05/2026

Sharaftaadu waa Boqortooyadaada
(U gaar ah Gabdhaha)

{قَالَتَا لَا نَسْقِي حَتَّىٰ يُصْدِرَ الرِّعَاءُ ۖ وَأَبُونَا شَيْخٌ كَبِيرٌ}
"Waxay yiraahdeen (labadii gabdhhood): Ma waraabinno (xoolaha) ilaa ay xoolo-raatadu ka tagaan, aabbahayaguna waa oday weyn" (Surat Al-Qasas, Aayadda 23)

Walaashayda qaaliga ah, aayaddani ma aha oo kaliya qayb ka mid ah sheeko taariikhi ah oo dhexmartay Nebi Muuse (CS) iyo labadii gabdhhood ee uu dhalay odaygii suubanaa, ee waa naqshad nololeed iyo xeer-dhaqameed dhaxalgal ah. Waxay inoo iftiiminaysaa sida ay gabadha dhabta ahi u maareeyso nolosha marka ay duruuftu ku qasabto inay u baxdo deegaan ka baxsan gurigeeda. Waa cashar ku saabsan sida loo isku dhex wado dabacsanaanta dhedignimo, adkaysiga duruufaha iyo ilaalinta sharafta qofka, ayadoo aan marnaba laga tanaasulin xuduudaha xishoodka.

Walaashayda qaaliga ah, ogow in nolosha iyo shaqadu ay mararka qaarkood kugu qasbi karaan inaad u baxdo dantaada gaarka ah ama midda qoyskaaga, laakiin taasi marnaba marmarsiinyo uma aha inaad lumiso haybadaada. Gabdhahaas waxay u soo baxeen ceelkii biyaha sababtoo ah aabbahood wuxuu ahaa oday waayeel ah oo aan awoodin, taas oo ina tusaysa in gabadha han weyn lihi ay garab istaagto qoyskeeda marka loo baahdo, laakiin ay haddana ay dhawrayso sharafteeda.

Markaad eegto walaashayda qaaliga ah, gabdhahani waxay doorteen inay gees istaagaan oo ay sugaan inta raggu ka baxayo ceelka, taas oo ku baraysa naf edbinta iyo samirka. Ha u dhex mushaaxin goobaha ay dadku ku badan yihiin adigoon dan dhab ah u socon, hana u oggolaan naftaada inay la midowdo jawi kasta oo fududayn kara in lagugu dhiirado. Is-ilaalintu ma aha tabar-yari, ee waa awoodda aad ku dhisato xuduud adag oo qof kasta ku qasbaysa inuu kugu eego il-xushmad leh.

Walaashayda qaaliga ah, ka dhowr codkaaga iyo hab-dhaqankaaga jileec kasta oo keenaya is-is-faham-darro iyo xiriir qaldan. Markay la hadlayeen Nebi Muuse (CS), hadalkoodu wuxuu ahaa mid kooban, toos ah, oo nuxur leh, ayadoo aanay ku jirin munaaqasho iyo sheeko ka baxsan baahida meesha taallay. Markaad bulshada dhex joogto, ha noqon qof si fudud loo akhrisan karo; hadalkaaga iyo ficilkaagu ha lahaadeen miisaan, waayo xishoodku ma aha daciifnimo, ee waa boqortooyada rasmiga ah ee aad nolosha ku xukunto.

Duruuftu waxay kugu qasbi kartaa inaad qabato shaqadii raga (sida xoolo waraabinta ama u halgamidda nolosha), laakiin marnaba yaanay kugu qasbin inaad lumiso dabeecaddii haweennimo iyo xishoodkii laguugu abuuray.. Sharaftaadu ma aha wax laga tanaasulo.

La wadaag walaalahaaga, kuna soo biir boggeenna
W/Q Usame Qiyasle

Address

Usamahassan90@gmail. Com
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Usame Qiyasle posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share