17/10/2025
Talooyin U Gaar Ah Ardayda Bilaabaysa Safarka Jaamacadda
Jaamacaddu waa albaab aad ka galayso nolol cusub, waa meel lagu tijaabiyo laguna barto aqoon, sabir, masuuliyad, iyo bisayl maskaxeed. Waa meesha lagu kala saaro riyada iyo runta, lagu ogaado cidda dhab u dadaalaysa iyo cidda kaliya ku socota ra’yiga dadka kale. Hadaba waa inaad fahamtaa safarkan cusub in uu go’aamiyo jihada mustaqbalkaaga.
1. U Qaado Jaamacadda Safar, Maaha Tartanka Dhinacyada Kale:
Jaamacaddu ma aha meel lagu muujiyo muuqaal, dhar cusub, ama magac jaamacadeed oo caan ah. Waa meel lagu dhiso maskaxda, lagu kordhiyo fikirka, laguna fahmo xaqiiqada nolosha. Ha ku mashquulin dadka kale iyo sida ay u muuqdaan. Halkii aad is barbar dhigi lahayd, ku mashquul horumarinta naftaada. Qof kasta safarkiisu waa uu ka duwan yahay qofka kale.
2. Ujeeddo Cad Ku Bilow:
Arday badan waxay jaamacadda ku galaan si ay “degree” u helaan, balse arday yar ayaa garanaya sababta dhabta ah ee uu halkaas u joogo. Ka hor intaadan bilaabin, is weydii:
“Maxaan rabaa inaan noqdo afar sano kadib?”
Ujeeddadaas ku xooji ducada, dadaalka, iyo qorshe joogto ah. Qofka aan lahayn ujeeddo wuxuu u dhigmaa markab aan lahayn jiheeye.
3. Maaree Waqtigaaga — Waa Halbeegga Guushaada Waxbarasho:
Ha u oggolaan maalintaada inay kugu dhaafto adigoon wax muhiim ah qaban. Samee jadwal u dhexeeya waxbarasho, cibaado, nasasho iyo is-dhexgal bulshada.
Baro sida loo yareeyo isticmaalka telefoonka iyo waxyaabaha waqtiga luminaya.
Kala hormari hawlaha muhiimka ah sida imtixaanada, Project-yada, iyo akhriska maalin kasta.
Waxbarashada sare waxay ku timaaddaa nidaam iyo dulqaad, ma aha xamaasad bilow ah oo hal toddobaad ku dhammaata.
4. Dooro Saaxiibbada Saxda ah:
Saaxiibka jaamacadda wuxuu noqon karaa sababta guushaada ama burburkaaga.
Raadi kuwa kugu dhiirrigeliya akhlaaqda, barashada, iyo horumarka.
Ka fogow kuwa waqtiga kaa lumiyo ama ku jiida hawlo aan faa’iido lahayn.
Nebi Muxammad ﷺ wuxuu yiri:
“Qofku wuxuu raacaa diinta saaxiibkiisa, markaa ha eego qofkiin cidda uu saaxiibka la yahay.”
5. Ku Xir Cilmigaaga Akhlaaq:
Jaamacaddu waa meel lagu barto aqoon, laakiin aqoonta aan akhlaaq lahayn waa sida geed aan miro lahayn. Ha noqon arday keliya ku fiicnaada imtixaanka, ee noqo qof ay astaan u tahay anshax, ixtiraam, iyo degganaan.
Xasuuso in sumcaddaada ay ka horreyso shahaadadaada.
6. Ha Xaddidin Maskaxdaada
Ha ku ekaan barashada kaliya manhajka Jaamacadda. Akhri buugaag kale, ka qaybgal tababaro, samee cilmi-baarisyo, baro xirfado cusub sida digital skills ama luuqado.
Jaamacaddu waa goob maskaxda kuu ballarisa kuuna furto albaabo badan.
Waxaan idin rajeynayaa nolol qurux badan. Guuleysta.
W/Q Usame Qiyasle