Horn Of Africa

Horn Of Africa HOYGA TABINTA WARARKA

DEG DEG: iska caabinta ayaa qoraal ka soo saartay ujeeddada dib loogu dhigay sii deynta kooxdii labaad ee maxaabiista Is...
25/11/2023

DEG DEG: iska caabinta ayaa qoraal ka soo saartay ujeeddada dib loogu dhigay sii deynta kooxdii labaad ee maxaabiista Israa’iil ee horey loo qorsheeyay galinkii dambe ee maanta inay dhacdo, waxay sheegeen inay dib ugu dhigeen sababo la xiriira illaa ay Israa’iil u hoggaansamayso heshiiskii la galay , iyagoo sheegay inan loo fulin sidii loogu heshiiyay gaadiidka gargaarka ee loogu talagalay inay galaan waqooyiga Qasa iyo hannaanka sii deynta maxaabiista Falastiiniyiinta, sida ay werisay Aljazeera.

UPDATE: Ra’iisul wasaaraha Belgium, Alexander De Croo oo ka jawaabay cabashadii uu Netanyahu ka muujiyay hadallada uu ho...
25/11/2023

UPDATE: Ra’iisul wasaaraha Belgium, Alexander De Croo oo ka jawaabay cabashadii uu Netanyahu ka muujiyay hadallada uu horey u yiri iyo mas’uuliyiinta Belgiumka oo ku eedeyay Israa’iil inay ka geysanayso Qasa gabood-fallo sharciga ka dhan ah, wuxuu yiri “ Akhri erayadii aan ka iri markii aan joogay Rafah , waan ku adkaysanayaa qodobkaygii ahaa ma ogolin in dhibaato ay gaarto dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.”

UPDATE: Wasiirka amniga Israa’iil,Itamar Ben Gvir ayaa ka codsaday booliiska gudbinaya maxaabiista Falastiiniyiinta ah i...
24/11/2023

UPDATE: Wasiirka amniga Israa’iil,Itamar Ben Gvir ayaa ka codsaday booliiska gudbinaya maxaabiista Falastiiniyiinta ah inay daboolaan dhammaan baabuurta ay saaran yihiin maxaabiista dumarka ah ee lagu sii daayay heshiiska iska caabinta, iyada oo ujeeddadu tahay in laga hortago Falastiiniyiinta in ay qaataan "sawirro guul ah”.

Baadigoobka ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika oo soo Bilowday 2012 waxay ahayd mudnaant...
24/11/2023

Baadigoobka ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika oo soo Bilowday 2012 waxay ahayd mudnaanta koowaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud tan iyo markii dib loo doortay 15ka May 2022.

UPDATE: Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ,Antony Blinken ayaa laga soo xigtay qorshe ay ku doonayaan in Qasa la hoo...
08/11/2023

UPDATE: Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ,Antony Blinken ayaa laga soo xigtay qorshe ay ku doonayaan in Qasa la hoos geeyo maamulka Falastiiniyiinta Daanta Galbeed ee u hoggaamiyo Maxamuud Cabbas ,sida uu ku warramay wargeyska New York Times.

Xama**s , ayaa horey ugu tilmaamtay qorshaha Mareykanka ee loogu yeeray mustaqbalka Qasa, mid aan shaqeynayay oo ay fashilin doonaan. Ma jirto iskaashi ka dhaxeeya Xama**s iyo maamulka Cabbaas, oo isaga laftarkiisa sheegay inay u baahanyahay heshiis wadar oggol ah in Qasa la hoos keeno Daanta galbeed.

07/11/2023

Magaalooyinka adduunka iyo tirada Yahuuda ku nool, sida lagu baahiyay bogga World of Statistics;

New York City 🇺🇸: 1,600,000
Jerusalem 🇮🇱: 546,100
Los Angeles 🇺🇸: 519,200
Tel Aviv 🇮🇱: 401,500
Chicago 🇺🇸: 291,800
Paris 🇫🇷: 277,000
Boston 🇺🇸: 248,000
Buenos Aires 🇦🇷: 244,000
Rishon LeZiyyon 🇮🇱: 229,300
San Francisco 🇺🇸: 227,800
Petah Tikva 🇮🇱: 220,900
Haifa 🇮🇱: 217,600
Washington, D.C. 🇺🇸: 215,600
Philadelphia 🇺🇸: 214,600
Ashdod 🇮🇱: 200,400
Netanya 🇮🇱: 196,300
Toronto 🇨🇦: 188,710
Be'er Sheva 🇮🇱: 181,000
Ramat Gan 🇮🇱: 175,000
Moscow 🇷🇺: 165,000
London 🇬🇧: 160,000
Atlanta 🇺🇸: 119,800
Miami 🇺🇸: 119,000
Kyiv 🇺🇦: 111,000
San Diego 🇺🇸: 100,000
Montreal 🇨🇦: 90,780
Cleveland 🇺🇸: 86,600
Denver 🇺🇸: 83,900
Phoenix 🇺🇸: 82,900
Las Vegas 🇺🇸: 80,000
Budapest 🇭🇺: 80,000
São Paulo 🇧🇷: 75,000
Detroit 🇺🇸: 71,750
Marseille 🇫🇷: 70,000
Minneapolis-St Paul 🇺🇸: 64,800
Seattle 🇺🇸: 63,400
Dnipro 🇺🇦: 60,000
Dallas 🇺🇸: 57,800
Melbourne 🇦🇺: 55,643
St. Louis 🇺🇸: 54,500
Tampa 🇺🇸: 51,100
Sydney 🇦🇺: 50,000
Johannesburg 🇿🇦: 50,000
Pittsburgh 🇺🇸: 49,200
Houston 🇺🇸: 48,400
Portland 🇺🇸: 47,500
Odesa 🇺🇦: 45,000
Kharkiv 🇺🇦: 45,000
Saint Petersburg 🇷🇺: 40,000
Rio de Janeiro 🇧🇷: 40,000
Mexico City 🇲🇽: 39,777
Hartford 🇺🇸: 34,500
New Haven 🇺🇸: 29,700
Cincinnati 🇺🇸: 27,000
Vancouver 🇨🇦: 26,255
Milwaukee 🇺🇸: 25,800
Manchester 🇬🇧: 25,000
Berlin 🇩🇪: 25,000
Lyon 🇫🇷: 25,000
Istanbul 🇹🇷: 24,000
Toulouse 🇫🇷: 23,000
Tucson 🇺🇸: 22,900
Rochester 🇺🇸: 22,500
Columbus 🇺🇸: 22,500
Montevideo 🇺🇾: 20,000
Amsterdam 🇳🇱: 20,000
Antwerp 🇧🇪: 20,000
Brussels 🇧🇪: 20,000
Nice 🇫🇷: 20,000
Kansas City 🇺🇸: 19,000
Orlando 🇺🇸: 19,000
Austin 🇺🇸: 16,300
Strasbourg 🇫🇷: 16,000
Cape Town 🇿🇦: 16,000
Porto Alegre 🇧🇷: 15,000
Jacksonville 🇺🇸: 15,000
Panama City 🇵🇦: 15,000
Providence 🇺🇸: 14,200
Ottawa 🇨🇦: 14,010
Winnipeg 🇨🇦: 13,690
Rome 🇮🇹: 13,000
Buffalo 🇺🇸: 13,000
San Antonio 🇺🇸: 12,740
Richmond 🇺🇸: 12,500
Albany 🇺🇸: 12,500
Charlotte 🇺🇸: 12,000
New Orleans 🇺🇸: 12,000
Nashville 🇺🇸: 11,000
Singapore 🇸🇬: 10,500
Frankfurt 🇩🇪: 10,500
Munich 🇩🇪: 9,200
Stockholm 🇸🇪: 9,000
Milan 🇮🇹: 8,000
Vienna 🇦🇹: 7,000
Perth 🇦🇺: 5,187
Minsk 🇧🇾: 4,800
Bucharest 🇷🇴: 2,481
Dublin 🇮🇪: 1,439
Helsinki 🇫🇮: 1,200
Oslo 🇳🇴: 950
Monterrey 🇲🇽: 500

05/11/2023
UPDATE: Xama**s ayaa boggaadisay hadalkii Ra’iisul wasaare Xamase uu ku diidday in lagu tilmaamo koox argagixiso, isagoo...
05/11/2023

UPDATE: Xama**s ayaa boggaadisay hadalkii Ra’iisul wasaare Xamase uu ku diidday in lagu tilmaamo koox argagixiso, isagoo sheegay inay yihiin xorriyad doon, sida lagu baayay Arabia21news.

04/11/2023

UPDATE: Isbitaallada Qasa ayaa joojiyay inay dhaawacyo u diran marinka Rafah si loogu daaweeyo Masar, cabsi ay ka qabaan in duqeymo lala beegsado gaadiidka gurmadka deg dega ah , sida ay werisay Aljazeera.

Sidoo kale , gaadiidka dadweynaha, kuwii kala gudbin jiray gargaarka iyo dad weynihii lagu arki jiray bannaanada goobaha gabaadka u ah ee isbitaallada iyo meelihii dadweynaha ay isugu imaan jireen , intaba way joogsadeen, iyadoo madaxii meel ka muuqdaba ay duqeynayaan diyaaradaha Israa’iil.

Hoggaamiyaha Xisb**h, Xasan Nasrallah ayaa la filayaa inuu ka baxo aamusnaanta , oo khudbadii u horreysay tan iyo 7 Okto...
02/11/2023

Hoggaamiyaha Xisb**h, Xasan Nasrallah ayaa la filayaa inuu ka baxo aamusnaanta , oo khudbadii u horreysay tan iyo 7 Oktoobar berri jeediyo, waa hadal la sugayo oo diirrada la saaray, haddaba maxaa laga filanaya;

• Ku dhawaaqis buuxda oo dagaal waa mid aad u yar in laga maqlo. Sababta loo dhihi karo ma jirto ku dhawaaqis dagaal ayaa ah rabitaanka Iiraan ee ah in aanay halis gelin labada dhinac XMS iyo Xisbu**h iyo horumarrada aan muuqaan ee howlgalka dhulka ee Isra**l.

•Xitaa haddii uu jiro ku dhawaaqis dagaal, waxay u badan tahay inay noqon doonto qaabka Xu***tiyiinta, oo ay ku xigto weerarro aad u xooggan, iyadoo kor loo qaadayo weerarrada xudduuda waqooyi.

•Waxaa intaa dheer, in Nasrallah uu iska aamusay, macnaheedu maaha in aanu hormood u ahayn xeeladda Xisbu**h.

•Xildhibaan Xasan Fadallah oo ka tirsan Xisbu**h ayaa sheegay in Nasrallah uu u aamusan yahay si uu u jahawareeriyo Isra**l.

•Shuruudaha ay Xisbu**h ku billaabi doonto dagaalka ma cadda, waxayna fahansanyihiin mar kasta oo dagaalku ballaarto inuu halis galinayo jiritaanka XMS - tani waxay sidoo kale u horseedi kartaa inuu ururku is xakameeyo.

•Haddii Xisb**h ay u muuqanayso in XMS ay sii jiri karto, Isra**lna ay ugu dambayn dooran doonto xabbad joojin, waxay adeegsan doontaa weeraro xaddidan si ay u weeciso ciidammada Isra**l.

•In kastoo ay wax kasta ka suuroobayaan xaalad gobol oo aan la saadaalin karin, haddana hadalka Nasrallah waxay u badan tahay in uu noqdo mid adag oo horudhac u noqonaya isbeddel ku yimaada xiisadda bariga dhexe.

Dhammaad

DEG DEG: Madaxweynaha Mareykanka , Biden ayaa ku qanciyay Netanyahu inuu si ku meel-gaar ah u joojiyo duqeynta Qasa, si ...
02/11/2023

DEG DEG: Madaxweynaha Mareykanka , Biden ayaa ku qanciyay Netanyahu inuu si ku meel-gaar ah u joojiyo duqeynta Qasa, si loo sii daayo labo muwaadiin oo Mareykanka ah oo ay soo dhammaatay wada-xaajoodka ay ku sii deynayaan Xamaas, sida ay sheegeen NBC iyo Aljazeera oo xiganaya saraakiil Mareykan ah. Lama sheegin xilliga ay dhacayso wareejinta labada qof ee Mareykanka ah.

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Horn Of Africa posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Horn Of Africa:

Share