Sidiq show

Sidiq show Sidiq show waa Chanel aan ugu talo-galay inaan ku soo gudbiyo arimaha jacaylka lamanaaha iyo dhirigal

Gabadha sawirka ka muuqata 11 sano ayay sugaysay Seygeeda oo xabsi kujiray.Iyagoo aroos ah, kuna jira todobaadkii kowaad...
08/07/2025

Gabadha sawirka ka muuqata 11 sano ayay sugaysay Seygeeda oo xabsi kujiray.

Iyagoo aroos ah, kuna jira todobaadkii kowaad ayaa laga xiray ninkeeda sanadkii 2014. Wuxuuna dalka Jabuuti kusoo qaatay 11 sano oo xabsi ah

Dhacdada xiisaha leh ayaa waxey tahay in gabadhan ay intaas oo sano u samreeysay seygeeda, iyadoo diiday aragti badan oo dhanka faamilka ugu timid oo lagu leeyahay “iska fur” hadana go’aankeeda wuxuu ahaa inay ninkeeda sugto

Maanta ayey 11 sano kadib dib ugu midoobeen nolasha, isagoo kasoo dagay Hargeysa.

Samirka Gabadhaan waa cajiib.

06/07/2025

Qoyskiisi ayuu Cabdilaahi dib ula midoobay 11-sano ka dib

01/07/2025

Netanyahu: “Khatarta Iiraan waxay dhaaftay halistii Carabta ee mar walba nagu ahayd cabsi… Iiraan waxay heysataa awood siyaasadeed, ciidan iyo dhaqaale oo aad uga sarreeya wixii h**e loogu tirin jiray halis.”

Wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee  Maariv,ayaa ku warramay: “Dagaalka Iiraan wuxuu siiyay Netanyahu taageero aan sii ji...
26/06/2025

Wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Maariv,ayaa ku warramay: “Dagaalka Iiraan wuxuu siiyay Netanyahu taageero aan sii jirayn…. guuldarrooyinkiisii h**e ayaa si degdeg ah u soo laaban doona. Shacabka Israa’iil ma iloobi doonaan 7-dii Oktoobar iyo cidda xilka haysay xilligaas. Waxaa si cad loo arkay in Israa’iil si buuxda ugu tiirsan tahay Mareykanka, gaar ahaan markii Trump uu amar ku bixiyay in duuliyeyaasha dib looga soo celiyo Iiraan. Netanyahu wuu u hoggaansamay. Trump wuxuu joojiyay dagaalkii Iiraan, wuxuuna awood u leeyahay inuu joojiyo dagaalka Qasa.“

Taliyihii  guutada Khatam Al-Anbiyaa ee ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan , Jen. Cali Shadmani, ayaa la xaqiijiyay inuu ...
25/06/2025

Taliyihii guutada Khatam Al-Anbiyaa ee ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan , Jen. Cali Shadmani, ayaa la xaqiijiyay inuu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weerarradii Israa’iil ka fulisay gudaha Iiraan, sida uu weriyay telefishinka Iiraan ee Press Tv.

Jen. Shadmani, oo ka mid ahaa saraakiishii dalacaada ku helay dagaalkii Iiraan iyo Ciraaq , ayaa jagadan sare loogu magacaabay si deg deg 13 bishan June, markii Israa’iil ay maalintii koowaad ee duullaanka ay ku qaaday Iiraan ku dishay taliyihii ka horreyay ee Jen.Gholam Ali Rashid.

Fiiro gaar ah ;

Guutada Khatam al-Anbiya, ayaa ah cutubka ugu sarreeya ee difaaca istaraatiijiga ah ee Iiraan. Guutadan ayaa hoostagta ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan, waxaana loo xilsaaray ilaalinta xarumaha nukliyeerka, saldhigyada cirka, iyo nidaamyada gantaallada. Waxay laf-dhabar u tahay difaaca xuduudaha hawada Iiraan, waxaana lagu tilmaamaa qaybta ugu sirdoon iyo xeeladaysan ee ciidamada Iiraan.

25/06/2025

Iiraan, ayaa sheegtay inan loo oggolaan doonin kormeerayaasha hay'adda Atoomikada Adduunka ee IAEA, inay dib u arkaa goobaha nukliyeerka , illaa la xaqiijiyo ammaanka xarumaha nukliyeerka , kaddib markii horraantii saakay ay Baarlamaanka Iiraan ansixiyeen sharci joojinaya wada shaqeyntii ay Iiraan la lahayd IAEA.

Fiiro gaar ah;

Iiraan, ayaa u aragta hay’adan inay wada shaqeyn gaar ah la leedahay Israa’iil, oo kormeer kastasta oo wakiilladeeda ay ku tagayaan goobaha nukliyeerkana inay u fududaanayso Israa’iil inay wax ka oggaato howlaha nukliyeerka Iiraan.

24/06/2025

Duqeymo ay Israa’iil tan iyo saakay ka gaysatay marinka Qasa ee dhulka Falastiin, waxaa ku geeriyooday 70 qof, halka in ka badan boqol qof ay ku dhaawacmeen, sida ay werisay Al Jazeera.

|RAN ayaa saaka ku sagootisay Talabiib sidan, laakiin isla markiiba Netanyaha ayaa aaday Qasa oo xasuuq ka geystay.
24/06/2025

|RAN ayaa saaka ku sagootisay Talabiib sidan, laakiin isla markiiba Netanyaha ayaa aaday Qasa oo xasuuq ka geystay.

24/06/2025

Nimco Samriye oo hees u qaaday bulshadii daawan jirtay.

Halkani Qa sa mahaa waa Barsheeba oo dhulka Is raa iil degen tahay ah.
24/06/2025

Halkani Qa sa mahaa waa Barsheeba oo dhulka Is raa iil degen tahay ah.

Trump: “Iiraan waxay si rasmi ah uga jawaabtay burburintii aan ku samaynay xarumahooda nukliyeerka, iyagoo bixiyay falce...
23/06/2025

Trump: “Iiraan waxay si rasmi ah uga jawaabtay burburintii aan ku samaynay xarumahooda nukliyeerka, iyagoo bixiyay falcelin aad u daciif ah – taas oo aan fileynay – waxaana si hufan uga hortagnay….Waxaa la riday 14 gantaal: 13 waa la burburiyay, halna “waa la fasaxay” maadaama uu ku socday jihada aan khatar ahayn.”

Trump, waxaa uu caddeeyay inay Iiraan soo wargelisay weerarka ka hor inta aysan fulin, isagoo ka hadlaya wuxuu yiri : “Waxaan u mahadcelinayaa Iran digniintii h**e ee ay na siiyeen, taasoo suuragelisay in aysan dhicin wax khasaare ah ama dhaawac.Waxaa laga yaabaa in Iran hadda u gudubto waddada nabadda iyo xasilloonida gobolka, aniguna si dhiirran ayaan ugu boorrinayaa Israa’iil inay sidaas oo kale sameyso.”

23/06/2025

Nimco samiye oo dib loogu soo dhaweeeyey Saxaafada.

Address

Jidka Wadnaha
Mogadishu

Telephone

+256774372555

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sidiq show posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Sidiq show:

Share

Category