
24/07/2025
DALKA IYO DADKA SOOMAALIYEED
1. DALKA
ASTAAMAHA GUUD
Dalka Soomaaliyeed waa Jasiirad-uyaasha ku taal dhanka Waqooyi Bari ee Qaaradda Afrika oo dhankeeda Bari geeska ugu dhuuban yahay Raas- Caseyr ee waayihii h**e loo aqoon jiray geeska carfoon, dhankeeda dhulka ah waxaa lagu aqoonsadaa soohdinta mala'awaalka ah ee ka billaabata Baab-Al- Mandab ee marta, dhankeeda Galbeed, Harada Hawaash kuna dhammaata, dhankeeda Koofureed, iskudarka webiga Taana ama Ganaane Mara iyo Badweynta Hindiya (eeg khariidadda Lr.1). Carabta waxay dalkaan ku magacaabi jirtay "Barri-Al-Cajam", taasoo macnaheedu yahay dhulka ay deggan yahiin dadka aan Carabta ahayn. Ereyga "Cajam", dhab ahaan macnihiisu waxuu yahay dhammaan dadka aan afka Carbeed ku hadlin ee degganaa Masar iyo Bartamaha Aasiya, kolkolna lagu soo koobi jiray reer liraan. La jeedka Khooriga Cadmeed waxaa barbar socda silsilad qarar buuraleey xaaluf ah oo buurta ugu dheer fiinteedu gaareeyso 6,000 cagood waxaana ka mid ah buuraha la yiraahdo Hadaaftimo iyo Naasa-Hablood. Silsiladdaas buuraleeyda ah ee garab socota Khooriga Cadmeed waxay dhankeeda Bari ku hoobataa agaggaarka taagga Raas-Caseyr ee Badweynta Hindiya; dhanka kalena, iyadoo si qunyar sare ugu kacdo, waxay martaa oogada Galbeed waxayna ku dhammaataa dooxada sare ee webiyada Shabeelle iyo Maana.
1) DHULKA
Dhulka Soomaalida deggan tahay waxaa loo qaybiyaa, muuqaal ahaan, siddeed gobol oo ay afar ku yaallaan dhanka Waqooyi iyo Galbeed afarna dhanka Koonfur
iyo Bari. Afarta gobol ee dhanka Waqooyi iyo Galbeed waxay kala yahiin:
A. GUBAN
Waa gobolka deexda Khooriga Cadmeed ee bacaadka carro gubadka leh ay cimiladiisu aad u kulushahay waxaana ka baxa geed gaabka, daranta iyo xadhuunka dhawr biloodna waxuu ku habboon yahay daaqa nugulka iyo ariga, geelana waa ku darmaa daaqa xadhuunka iyo daranta.
B.OOGO
Waa gobolka sare ee buuralayda ah ee dabayshiisa iyo cimiladiisuba meel dhaxaadka yahiin, waxuuna ku habboon yahay beerashada dalagga qaarkii, sida sareenka, misiggada, tufaaxa, canabka iyo dalagyada aan ka bixin dhulka hoos.
C.DOOXO
Waa gobolka dooxada ah ee u dhaxeeya buuraha iyo oogada oo ay ku rogmaan biyaha buuraha dushooda ka yimaada daawyada roobka ayna ka abuurmeen togagga, sida Togdheer iyo togga Nugaaleed, gobolkaani waa midka ugu wanaagsan dhanka Waqooyi waxuuna ku habboon yahay dhaqashada xoolaha, gaar ahaan, nugulka (lo'da iyo gammaanka).
D.HAWD
Waa gobolka ciidda cas ee kaynta badan oo quracda iyo cawska ka baxaan waxuuna, guud ahaan ku habboon yahay daaqa iyo xoola dhaqashada, hadii
Gobollada Koofureed iyo Bari ee la xiriira xeebaha Badweynta Hindiya, muuqaalkoodu wuu ka duwan yahay dhulka gobollada Waqooyi iyo Galbeed. Dhulka taagga ah si qunyar ayuu gudaha ugu hoobtaa taniyo masaafo dhan saddex boqol kiiloomitir. Dhulka gobolladaani waxaa mara webiyo ka soo askuma buuralayda Galbeed iyo Koofur Galbeed, kuwaasoo aanan gurin, haddii aan roob yari helin. Dhulka gobolladaan waxuu, muuqaal ahaan, u qeybsamaa:
A.XEEB:
Waa gobolka xaalufka ah ee badda xigga ay cammuudiisa ka abuuranto bacaadka guurguura oo ay biyaha badda gawgeeda ku hakadaan oo aan ka fogeyn badda.
B.DEEX:
Waa gobolka carra cadda ah ee la jeedka xeebta, oo cimila aad u kululna leh. Gobolkaan waxaa ka baxa dareemada, daranta, xadhuunka iyo geed gaabka waxuuna ku habboon yahay dhaqashada ariga iyo nugulka geelana waa ku darmaa daaqa dareemada iyo daranta. Waxaa kaloo xagaaga lagu beeri karaa Digir, Qare, Waambo, meseggo iwm.
C. DHOOBEY: Waa gobolka carra madowga dhooqada
ah ee webiyada hareerahooda waxaana ku butaaca biyaha webiyada, goortay buuxdhaafaan, waxuu leeyahay dhir jiq ah oo uu ka dhasho qaniinka, sida dhuugga, gendiga iyo kaneecada ay dadka iyo xoolahuba ku goleystaan. Gobolkaan waxuu aad ugu habboon yahay beerashada waraabka iyo daaqa nuqulka, haddii laga baabi'vo qaniinka xoolaha ivo dadkaba wax yeelo u gaysta
Xigasho:Buuga (Dalkii Filka waynaa ee Punt )