Zii Zii ســـــــــــي ســـــــــــي

Zii Zii  ســـــــــــي  ســـــــــــي a Young Somali, with big ambitions! fallow me on her. waxaad naga heli kartaa warbixino,shekooyin iyo
warar xiiso leh
iyo dhamaan dhacdooyinka dunida .

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa goordhow xukun dil toogasho ah ku riday laba eedeysane oo loo haystay kiiska...
30/11/2025

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa goordhow xukun dil toogasho ah ku riday laba eedeysane oo loo haystay kiiska dilka hooyo iyo saddex gabdhood oo ay dhashay, kuwaas oo lagu dilay deegaanka hoostaga Qaayib.

Labada eedeysane ee la xukumay ayaa kala ah Cabdi Cismaan Cabdullaahi Galad Axmed Xuseen
Sidoo kale, eedeysane Ayub Maxamed Cabdi ayaa lagu xukumay xabsi dhan 5 sano

Maxkamaddu waxay sheegtay in xukunka uu yahay mid caddaalad u horseedaya qoyska dhibbanayaasha iyo bulshada ku nool Galgaduud.

 .😭😭😭إنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ(إن لله ما أخذ ، وله ما أعطى ، وكل شيء عنده بأجل مسمى)Inaa Lillaahi Wa-In...
09/11/2025

.😭😭😭
إنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ(إن لله ما أخذ ، وله ما أعطى ، وكل شيء عنده بأجل مسمى)
Inaa Lillaahi Wa-Inaa Ileeyhi Raajicuun! Waa geeri naxdin leh Alleh ha u naxariisto jano hasiiyo

Korneyl Cumar Cabdulle Allah waxaan uga baryaynaa janatul Fardowsa iyo naxaristiisa waasica ah siiyo.

Ilaahay qabirigiisa ha uwaasiciyo kitaabkiisa Gacanta Midig allaha kasiiyo su'asha Qabriga Alleh ha ufududeyo samir iyo iimaan Alleh hanaga wada siiyo .

"Anigoo lacag badan heysta cid ii timaada malahan, lakin Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali suufi intaan oo qalqi ah ayaa u...
08/11/2025

"Anigoo lacag badan heysta cid ii timaada malahan, lakin Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali suufi intaan oo qalqi ah ayaa u timid.".. Axmed Nuur Calii jimcaale.

27/10/2025

Waa lagu tufay Gudoomiye cabdi cali.
gudoomiyaha Dhaqanka Beesha duduble.

Wxaan halkaan Hambalyo weyn uga direynaa  Xirey Cabdulhi  Dr CARAB Drka  degmada Ceelgaras oo soo gabagabeeyey Bach-keey...
23/10/2025

Wxaan halkaan Hambalyo weyn uga direynaa
Xirey Cabdulhi Dr CARAB Drka degmada Ceelgaras
oo soo gabagabeeyey Bach-keeygii 2aad ee waxbarasho, kuliyadda Qaliimada iyo Daaweynta (Medicine and Surgery - MBBS). Safar dheer oo dadaal, adkeysi iyo samir badan iyo dulqaad ka dib, Alle ayaa waafajiyey guushaas muhiimka ah.

Hambalyo Hambalyo ayaan Leenayahay Drka guulayso dadka shaqo fiican ayaad uhaysaa

"Waxaan naftayda khatar usoo galiyey  boqol kiiloo mitirna usoo jaray iyadoo naftayda la dhibaateen karo waxay ahayd in ...
20/10/2025

"Waxaan naftayda khatar usoo galiyey boqol kiiloo mitirna usoo jaray iyadoo naftayda la dhibaateen karo waxay ahayd in ay Cadaalad helaan Gabdhahaygi iyo Xaaskeygi edabdarada lagu laayey, Qof walba oo Soomaali ah waa dareemi karaa xanuunka ay igu hayso arintas, waxaana ahay tusaale hadii tan laga cadaalad faliwaayey Qof walba waa ay sugeysaa"

"Maxkamaddaa la iiga yeeray waliba anigu dacwo uma imane iyagaa ii yeeray markaan u imid 9 Maalin sidi warki loo waday ayaa waxaa wixiba lagu soo gunaanaday Kitaabkaas gacanta saar diyana waa qaadanaysaa, marki ay intaas dhagahayga kusoo dheceen waan isaga imi Maxkamaddi dulmiga lagu dhoodhoobayey waxaana ku laabtay deegaankeygi aan ka imi"

"Wax walba oo cadeyn ah waa la keenay maxkamadda Xataa fuuqaqi Xabadaha ee laga dulqaaday Qoyskeyga meedkooda ayaa xamar loo diray waa lasoo baaray waxaana la ogaaday in xabadahaas ay ka dheceen Qoryaha ay siteen Nimankan 3da ah ee loo soo qabtay Dilka ay u geesteen Xaaskeyga iyo 3deyda Gabdhood,kama qaadan karo diyo Nimanki garabkeyga jaray ee Qoyskeyga laayey walina ii nool oo caafimaad qaba"

"Aniga Dadkeygi waa ay dhinteen dab sheydaan shiday ayeeyna ku dhinteen hadaba Dadka Soomaaliyeed waxaa la gudboon arintaan Maamulka Galmudug ay fasaxeen waxna ka qaban waayeen in ay ka hortagaan, aniga xanuunka aan dareemayo ma rabi Qof kale oo Soomaaliyeed in uu dareemo"

Axmed Maxamuud.

Dhuusamareeb: Maxkamadeynta rag ku eedeysan inay toddobaadkii h**e dileen Hooyo iyo gabdheheeda.
15/10/2025

Dhuusamareeb: Maxkamadeynta rag ku eedeysan inay toddobaadkii h**e dileen Hooyo iyo gabdheheeda.

Taliska Qeeybta guud  Booliska Galmudug ayaa  soo bandhigay saddex eedeysane oo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen d...
10/10/2025

Taliska Qeeybta guud Booliska Galmudug ayaa soo bandhigay saddex eedeysane oo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen dilka hooyo carruur leh saddex ah oo dhawaan lagu dilay deegaanka Kadhig.

Taliyaha Qeeybta guud ee Booliska galmugug col Khaliif abdule maalin ayaa sheegay in baaritaanno dheer kadib ay gacanta ku soo dhigeen eedeysanayaasha, kuwaas oo hadda ku jira xabsiga si loo sii wado baaritaanka iyo hannaanka cadaaladda.

Taliska Booliska Kadhig ayaa bulshada ugu baaqay in ay ka qayb qaataan soo gudbinta xogaha la xiriira amniga, si looga hortago dambiyada noocan oo kale ah, iyadoo la xaqiijiyay in ciddii dambiga lagu helo la marsiin doono cadaaladda sharciga dalka.

Ugu dambeyn, booliska ayaa tacsi u diray ehelka iyo qaraabada marxuumadda, iyagoo ballan qaaday in aysan ka hari doonin ciddii ku lug yeelatay falka naxdinta leh.

10/10/2025

Ciidamada amaanka Galmudug ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysanihi saddexaad iyagoo galabta soo qabtay labo eedeysane oo ku eedeysan inay Galgaduud ku dileen hooyo iyo gabdho ay dhashay.

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa la tilmaamay in lagu soo bandhigi doono saddexda eedeysane kuwaasi oo la filayo si dhakhso ah cadaaladda loo horgeeyo.

Wixii kusoo kordha halkan kala soco hadii Eebbe Idmo.

Ciidamada Amniga Dowladda Galmudug ayaa howl-gal Saacadihii lasoo dhaafay ay ka samaynayeen duleedka deegaaka qaayib ee ...
10/10/2025

Ciidamada Amniga Dowladda Galmudug ayaa howl-gal Saacadihii lasoo dhaafay ay ka samaynayeen duleedka deegaaka qaayib ee Gobolka Galgaduud ayaa gacanta kusoo dhigay labo kamid ah rag ku eedeysan dilka Hooyo iyo Caruurteeda oo dhawaan ka dhacay deegaanka Maraayo duleedka Qaayib ee gobolka galgaduud.

Dowladda Galmudug iyo laamaheeda amniga ayaa dadaal ugalay saacadihii lasoo dhaafay Soo qabashada dadkii falka foosha xumaa ka gaystay deegaanka maraayo oo hoostaga deegaanka qaayib.

Galmudug state tv

Fal argagaxleh!😪Halkan waa Galgaduud Hooyo iyo 3 caruur ay dhashay baa loo dilay aano qabiil, Alla yaa raxma. 😢
09/10/2025

Fal argagaxleh!😪
Halkan waa Galgaduud Hooyo iyo 3 caruur ay dhashay baa loo dilay aano qabiil, Alla yaa raxma. 😢

Address

Warta Nabada
Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Zii Zii ســـــــــــي ســـــــــــي posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share