 
                                                                                                    03/08/2025
                                        “Howlgalka Onkod” — Puntland oo Ciidamo u Dirtay Laasqoray.
Puntland ayaa shaaca ka qaaday in cutubyo ka tirsan Ciidanka PMPF (Puntland Maritime Police Force) loo diray magaalada Laasqoray, si ay halkaas uga fuliyaan howlgal ay ugu magac dartay Onkod.
Ujeeddada howlgalka ayaa lagu sheegay xaqiijinta ammaanka iyo xoojinta joogitaanka dowladda ee gobolka Sanaag, gaar ahaan deegaannada ku dhow xuduudda Somaliland.                                    
 
                                         
   
   
   
   
     
   
   
  