Marka Media Network

Marka Media Network Marka Media Network waa Warbaahin Xogogaala

KURSIGII RA,ISUL WASAARE KU XIGEENKA OO DHIBANE U AH SALAH JAMA!!!Salah Ahmed jama ayaa la daala dhacaya kursigii raisul...
16/02/2024

KURSIGII RA,ISUL WASAARE KU XIGEENKA OO DHIBANE U AH SALAH JAMA!!!

Salah Ahmed jama ayaa la daala dhacaya kursigii raisulwasaare ku xigeenka Xilii dalkana uu ka maqanyahay Raisul wasaarihi.

Xogo aanu helayno ayaa sheegaya in Maalmihi u danbeeyey uu saalah jama lacago si sharci daro ah ugala baxay Bangiga isagoo Mashaaric aan jirin ku sheegay in uu ku fulinayo lacagahaasi, balse waxay si toosa lacagahaasi ugu dhaceen akoonka salaax halka ay ahayd in Qasnada Xafiiska Raisul wasaaraha lagu shubo.

Salah Ahmed jama ayaa fursad Wayn u arka Maqnaashaha Raisul wasaaraha, Isagoo Ka Cabsi Qaba In Duufanada Siyaasadu ku celiyeen Xiligii uu ahaa Shaqa la,aanta, Balse waxaa iswaydiin mudan maka daba tegi doonan Hanti dhowrka Mise Sharciga Ma Qabto Madaxda Musuqa caadaysatay.

VILLA SOMALIA MAKU GUULAYSAN DOONTAA DAMACEDA AH ISKU DIRKA SOMALILAND.
14/02/2024

VILLA SOMALIA MAKU GUULAYSAN DOONTAA DAMACEDA AH ISKU DIRKA SOMALILAND.

05/11/2023

SIYAASIGII UGU TAYADA LIITAY EE SOMALILAND IYO BEELAHA DIR KU MATALA DAWLADA FEDERAALKA .

Salah ahmed jama oo Somaliland kumatala Dawlada Federaalka ee soomaaliya ayaa noqday siyaasigi ugu aqoonta iyo tayada liitay ee Beelaha Dir kumatala Dawlada Federaalka.

27/10/2023

" Ahmed Madoobe 90 jir iyo haween ayuu xabsiyada ku gura Qaarna laaya" suldaan xuseen naaleeye Oo Marka Media Network uwaramay Galabta Aya sidaas Yidhi.

25/10/2023

WARBIXIN: Ahmed Madoobe oo Laayay Qaar katirsan odayaashi Dir ee uu xabsiga Geliyey.

SIYAASIGII UGU TAYADA LIITAY EE SOMALILAND IYO BEELAHA DIR KU MATALA DAWLADA FEDERAALKA .Salah ahmed jama oo Somaliland ...
24/10/2023

SIYAASIGII UGU TAYADA LIITAY EE SOMALILAND IYO BEELAHA DIR KU MATALA DAWLADA FEDERAALKA .

Salah ahmed jama oo Somaliland kumatala Dawlada Federaalka ee soomaaliya ayaa noqday siyaasigi ugu aqoonta iyo tayada liitay ee Beelaha Dir kumatala Dawlada Federaalka.

Salah ahmed jaamac oo ku magacaaban Ra'isul wasaare ku xigeenka XFS, magacaabistas oo uu ku helay Saamigii beesha dir ay ku lahayd dawlada Federaalka ee soomaaliya, Balse isagu dayacay matalaadas.

Salah jama ayaa dhagaha ka furaystay Tacadiyo ay dawlada uu katirsanyahay ka gaystay Deeganada Beesha uu matalo ay degto, Iyo Xadgudubki loo gaystay Somaliland kadib markii laascaanood oo katirsan Somaliland ay u aqoonsatay meel ka madax banaan.

24/10/2023

WARBIXIN: Ahmed Madoobe oo cabsi badani soo wajahday.

Halisyo Noocee ah ayeey Wajahaysa Somaliland Mase ku guulaysan Doonta in ay ka Hortagto.Somaliland waa dawlad aan caalam...
20/10/2023

Halisyo Noocee ah ayeey Wajahaysa Somaliland Mase ku guulaysan Doonta in ay ka Hortagto.

Somaliland waa dawlad aan caalamka ka haysan wax aqoonsiya Balse Rabta in ay Aqoonsi Hesho.

Somaliland Waxay ku taala marin aad muhiim ugu ah Caalamka Taasi ayaa sababaysa In Dawladaha Caalamku Soo damaciyaan.

Dhinaca kale Hadii Aan ka eegno Somaliland waxay deris la tahay Boqol Milyan Oo aan Bad lahayn Sidaa Darteed markasta oo Aad haysato wax aan cida kale hassan cadow ayaad ku yeelanaysa.

Sidoo kale caqabadaha ay Somaliland Wajahayso waxaa kamida In soomaaliya Aysan Weli Ogalaanin In ay Siiso Madax banaani Taas Oo sababi karta isku dhac xilli walba ah

Mida u danbaysa oo ah Danaha Quwadaha Waaweyni ka leeyihiin Somaliland Iyo Geeska Africa iyo Guud ahaan Qaarada Africa.

Hadaba Sidee uga hortagi kartaa Somaliland Dhibaatoyinkan oo hadii ay Maarayn kari waydo Sababi kara in Somaliland kala daadato.

Hadaba su,aashan oo aan waydiinay Qabiiro Sarsare Oo Dhanka siyaasada ah iyo Diblomaasiyiin Waaweeyn Waxay noo isheegeen in Somaliland laga Raba Qodob ee soo socda.

1: in Somaliland Ay Dhisato ciidan xoogan Oo aad u qalabaysan miisaaniyadeda ugu badana ku bixiso difaaca Iyo arrimaha amniga arrintaas hadii Somaliland sameyso waxay ku guulaysanaysa in difaacato dhulkeeda markasta oo awoodada ciidan ay kortana waa markasta oo guushu ku soo dhowdahay,laakin hadii Somaliland dhulka is dhigato Cid walba ayaa Burburin karta Somaliland waa in ay noqoto Dal aan Dawladaha derisku ku soo degdegin.

2: Somaliland Waxay ku taala Goob aad u muhiima Taasi oo ka dhigaysa In cid waliba soo eegto. Somaliland waxay deris la tahay dawlad ay ku noolyihii boqol milyan oo aan lahayn wax bad ah , in ay kusoo damaciyaana waa macqul, sidoo kale Goobta ay Somaliland ku taalo aya markale ka dhigaysa mid aad u muhiima oo indhaha quwadaha waaweyni ay soo eegaan WAXAY leedahay Xeeb aad u dheer iyo dekedo istaraatiji ah sidoo kale Dawladaha Deriska Qaarkood ayaa u arka hadii kuwa Somaliland ay hormaraan in ay kuwoodu hoos u dhacayaan Sidaa Darteed waa in somaliland ay ka digtoonaata.

3: Somaliland waa in ay fahanto sidii ay ula jaanqaadi lahyd Siyaasada caalamka, Marka h**e Somaliland waa in ay fahanto Sida ay ushaqeyso siyaasada caalmaku iyo Sida loogu kala awood badanyahay Caalamka, Sidaa darteed Waa in Somaliland Ay marwalba xulafo latahay hadba cida caalamka ut talisa markaas, sidoo kale waa in Somaliland Ay fahanta Aragtida Dawladaha waaweyn Ee Qaaarada Africa iyo mida geeska Africa taasi waxay ka caawinaysa Somaliland in marwalba ay muhiim ka noqoto gobolka.

Qodobka ugu danbeeya oo ah kan afaraad Ayeey khabiiradani ku sheegeen in Somaliland ay deris latahay soomaaliya Sidaa darteedna uu muran kala dhaxeeyo Somaliland waxay ubaahantahay In laba Qaab ay kula dhaqanto Soomaaliya Mida Koowaad in Somaliland ay furfurto siyaasadeeda arrima dibada ee ku wajahan soomaaliya Waa in ay ogolaato wadahalada Qaarkood waa in iyagu ay dalbadan Xitaa hadii lagu shirayo muqdisho ama hargiesa Mida labaadna waa in somaliland ay dhisato ciidamo xoogan Kuwaas oo ilaalinaya xududka Somaliland iyo Somalia Maadama ay soomaaliya ka jiraan kooxo hubaysan Kuwaas oo ay macqul tahay in xilligay rabaan dhibato ka gaystan Somaliland.

Afartaas Qodob hadii Somaliland ay ku dedaasho waxa hubaala ayeey leeyihiin khubaradani Somaliland waxay noqonaysa mid guulaysatay laakiin hadii laga weecdo Oo waxyabahan aan soo sheegnay oo dhan ay ilduufan Waxay ku dhacaysa hog ay adkaan doonto in si fudud looga soo baxo..

VLADIMIR PUTIN " BOQOLAL QOF AYAA KU DHINTAY DUQEYNTII ISRAEL EE CUSBITALKA WAA IN DEGDEG AY U JOOJISA DUQEYMAHA "
18/10/2023

VLADIMIR PUTIN " BOQOLAL QOF AYAA KU DHINTAY DUQEYNTII ISRAEL EE CUSBITALKA WAA IN DEGDEG AY U JOOJISA DUQEYMAHA "

BOOQASHADA BIDEN EE ISRAEL WAA FARIIN KA TURJUMAYSA IN UU TAAGERAY WAANA KHALAD WAYN OO DIPLOMASIYADED.Madaxweynaha Mara...
18/10/2023

BOOQASHADA BIDEN EE ISRAEL WAA FARIIN KA TURJUMAYSA IN UU TAAGERAY WAANA KHALAD WAYN OO DIPLOMASIYADED.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa booqday Israel arrintan ayaa lagu sifeyey in ay tahay khalad wayn oo diplomasiyaded iyo in ay tahay fariin Cad oo ka turjumaysa in uu taageray Israel.

HACABKA LUBNAAN OO DHIGAY DIBAD BAXYO AY KAGA SOO HORJEEDAAN.Marka Media Network
18/10/2023

HACABKA LUBNAAN OO DHIGAY DIBAD BAXYO AY KAGA SOO HORJEEDAAN.

Marka Media Network

17/10/2023

Nabadoon Guule sheikh Xuseen " Dadkii iska lahaa Shabelaha Hoose ayaa Jooga oo Difaacanaya "

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Marka Media Network posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share