Engr fowzan

Engr fowzan 🤍🌸✨ waxan ahay Qoraga buuga lacagaha mustaqbalka cryptocurrency ka codso dhiganaha whatsApp: 61 5026616

03/04/2025

hadda rabto inaa shiid is deysan Codso buuga lacagaha mustaqbalka cryptocurrency aqriso oo Hada hel codso☺️ buuga lacagaha mustaqbalka cyrptocurrency 💵🐱💲...waxan ahay Qoraga dhiganaha...🌸✨🤍 hadda

🌸✨🤍 hadda rabto inaa shiid is deysan hada aqri oo codso☺️ buuga lacagaha mustaqbalka cyrptocurrency 💵🐱💲
03/04/2025

🌸✨🤍 hadda rabto inaa shiid is deysan hada aqri oo codso☺️ buuga lacagaha mustaqbalka cyrptocurrency 💵🐱💲

20/03/2025

10 ka dambe ramadaan iyo sida looga faaiideysto ᴴᴰ┇►Sh mustafe 2025 March 20 Ramadan ⭐ 🌸 🤍

20/03/2025

10 ka dambe ramadaan iyo sida looga faaiideysto ᴴᴰ┇►Sh 2025 March 20 Ramadan ⭐ 🌸 🤍

20/03/2025

10 ka dambe ramadaan iyo sida looga faaiideysto ᴴᴰ┇►Sh Umal 2025 March 20 Ramadan ⭐ 🌸 🤍

20/03/2025

10 ka dambe Ramadan ✨ iyo sida looga faaiideysto ᴴᴰ┇►Sh Mustafe 2025 march 20🌸 🤍

19/03/2025

10 ka dambe Ramadan ⭐✨ 🌸 🤍 iyo sida looga faaiideysto ᴴᴰ┇►Sh Mustafe 2025 march 19

18/03/2025

Waxaan dib u daawaday barnaamij ay soo agaasimeen Alamtara oo ciwaankiisu ahaa “Sidee Jiilka Cusub u Gaari Karaaan Isku Filnaasho Dhaqaale."

Barnaamijka waxaa marti ku ahaa, soona jeedinayay dhaqaalayahan Dr. Abdinur Ali , wuxuuna mowduuca u kala qaaday saddex qodob oo waaweyn oo kala ah:

1. Suuqa Shaqada Adduunka iyo Soomaaliya (Job market in the world and Somalia).
2. Maaraynta Dhaqaalaha (Financial management).
3. Shaqo Abuurka (Entrepreneurship).

1. Suuqa Shaqada ee Adduunka iyo Soomaaliya (Job market in the world and Somalia)

Ustaadka wuxuu sharaxaad ka bixiyay suuqa shaqada ee caalamka iyo Soomaaliya. Wuxuu sheegay in celcelis ahaan 13% dhalinyarada adduunka ay shaqo la’aan yihiin. Waxaa jira laba qaab oo shaqo la’aanta lagu qeexo:

Qeexitaanka Mareykanka: Shaqo la’aanta Mareykanka waxaa loo yaqaannaa qofka aan muddo afar isbuuc ah wax shaqo ah qabanin iyada oo aan hal saac xitaa shaqeysanin oo uu wax la siiyo.

Qeexitaanka Yurub: Shaqo la’aanta Yurub waxaa loola jeedaa qofka bartay xirfad laakiin ku shaqeeya mid kale oo aan ahayn tii uu bartay. Tusaale ahaan, qof bartay caafimaadka oo maamula hotel, waxay u yaqaannaan baagamuundo (shaqo la’aan).

Meelaha qaar, sida dalalka ka hooseeya Saxaraha (Sub-Saharan), heerka shaqo la’aanta dhalinyarada wuxuu gaarayaa 30%, halka (Nigeria) iyo (South Africa) ay ka tahay 40%, Soomaaliya-na waxay tahay 19%, sida lagu sheegay daraasad uu soo saaray (World Bank) sanadkii 2023.

Sababta Shaqo La’aanta Baahsan (Causes of Unemployment)

Baaritaan ayaa sheegay in 30% kaliya ee xirfadaha suuqa looga baahan yahay laga barto xarumaha waxbarashada, halka 70% ay ka maqan yihiin xirfadaha suuqa looga baahan yahay. Tani waxay keentaa shaqo la’aan sii kordheysa. Daraasad kale oo ay samaysay (LinkedIn) waxay tilmaantay in dadka shaqaaleeyaha inta badan kaliya helaan 40% xirfadaha looga baahnaa shaqaalaha marka ay wareysi ka qaadayaan.

Xalka Shaqo La’aanta (Solution for Unemployment)

Raadinta Fursadaha Shaqo (Job opportunities): Fursadaha ma yimaadaan ee waa la keenaa.

Ganacsi Abuur (Business creation): Ustaadku wuxuu ku taliyay in la akhriyo buugga Good to Great ee uu qoray (Jim Collins) si loo fahmo sababaha ganacsiyo qaarkood u guuleystaan, qaar kalena u guuldareystaan.

Dhaqaalahaaga Maamulo (Manage your finances): Ku maamul dhaqaalahaaga qaab wanaagsan.

2. Maaraynta Dhaqaalaha (Financial literacy/management)

Marka dhaqaalaha uu qofka soo galo, waxaa u furan laba doorasho:

B. Kobcinta Dakhliga (Prosperity): Waa inaad kordhiso dakhligaaga.
T. Yareynta Kharashaadka (Austerity): Waa inaad yareyso qarashaadkaaga.

Sida Mushaarka Loo Kordhiyo (Ways to Increase Your Income)

Samee Wax ka Badan Waxa Lagaa Filayo (Do more than you are paid to do): Daraasad ay sameysay LinkedIn ayaa tilmaamtay in 85% madaxda ay kordhiyaan ama dalacaan shaqaalaha qabta wax ka badan inta laga filayay.

Haseyeeshee, waxaa jiro laba halis marka aad qabato shaqo dheeraad ah, waana in shaqaalaha kale ay kuu arki karaan mid la tartamaya, iyo in maamulahaaga uu dareemi karo halis (threat). Buugga 48 Laws of Power wuxuu leeyahay xeerka koowaad: “Haka fiicnaanin qofka madaxda kuu ah.”

Koritaanka Shaqsiga (Personal Growth)

Shaqadaada waa inaad hormarisaa, haddii kale waxay noqon doontaa mid ku dhaaftay. Waxaa jira laba xirfadood oo aasaasi ah:

Xirfadaha Farsamada (Technical skills): Tusaale ahaan, xirfadda AI, maadaama wax badan ay noqon doonaan automation.

Xirfadaha Bulshada (Soft skills): Waa inaad barato xirfado sida isgaarsiinta (communication), la-qabsashada (adaptability), iyo xalinta dhibaatooyinka (problem-solving). Waxaa jira koorsooyin loogu talagalay in lagu barto xirfadahaas.

Waxaa tusaale nool oo muujinaya koritaan shaqsiyeed ka mid ah (Mohamed Abubakar) oo Nigerian ah. 1999 ayuu rabay inuu dhigto iskuul (Polytechnic), balse waa laga diiday. Airport-ka Kova ayuu nadiifiye ka noqday, halkaas oo uu maalintii ka qaadan jiray $0.5. 20 sano kadib, Mohamed wuxuu noqday duuliye shirkad lagu magacaabo Azamo Airlane oo xarunteedu tahay (Canada). Dadka qaar waxay dhihi karaan 20 sano waa waqti badan, balse haddii uu sidaas ku qanci lahaa oo wax kale qorsheysan waayi lahaa, wuu sii ahaan lahaa nadiifiye.

Maaraynta Kharashaadka (Control Expenses)

FFF Rule (50, 30, 20):

50% qarashaadka muhiimka ah (food). 30% waxyaabaha madadaalada (fun). Iyo 20% keydka (funds/savings).

Lacagta ku soo gasho waa inaad u kala qeybsato saddexdaasn qaybood aan ku ku xusay.

Kharashaadka Kirada (Rent Expenses)

Lacagta sanadkii aad ku bixiso kirada waa inay la ekaato laba bilood oo mushaarkaaga ah.

Mushaarkaaga 30% waa inuu ka baxaa kirada. Tusaale ahaan, haddii aad ku shaqeyso $300 bishii, kirada waa inay ka badnaan $90.

Xeerka 20/4/10 ee Transportation (Transportation: 20/4/10 Rule)

77% milyaneerada adduunka waxay isticmaalaan gawaari celis ah. Marka aad gaari iibsaneyso gaari: 20% hadda bixi. Inta soo hartaynna 4 sano ku bixi.

Bil kasta 10% mushaarkaaga u qoondee gaadiidka.

Tusaale ahaan, haddii aad gaari ku rabto $10,000, hadda bixi $2,000 inta soo hartay afartii sano ku bixi.

Iibsashada Sheyga: Xeerka 72 Saac (72 Hours Rule)

Markaad rabto inaad iibsato shey, sug 72 saacadood ka hor inta aadan iibsanin. Haddii aad wali u baahan tahay kadib waqtigaas, iibso.

Go’aannada Qarash Bixinta: Xeerka 1-3-5 (1-3-5 Rule)

Wax kasta oo $100 ama ka yar ah, sug hal maalin ka hor inta aadan bixin.

Haddii uu u dhaxeeyo $100-500, sug saddex maalmood.

Haddii uu $500 ama ka badan yahay, sug shan maalmood.

Sababta daahidda (Late Factor)

Tusaale ahaan, haddii aad maalinkasta $3 ku bixiso koob kafeega, sanadkii waxaad ku bixinaysaa $1,000. Haddii lagu yiraahdo iska dhaaf koobka kafeega subaxii, waqti iyo dhaqaalaba badbaadintaas waa muhiim.

Fursadaha Ganacsi ee Dunida (Business Opportunities in the World)

Ustaadku wuxuu tilmaamay in dhammaan talooyinka aan kor ku soo xusnay ay adag tahay in la wada qaato, balse ay yihiin kuwo la tijaabiyay oo shaqeeya. Tusaale kale oo uu bixiyay wuxuu ahaa Ronald Read, oo ahaa nadiifiye ka shaqeyn jiray goob shidaal oo ku taal Vermont, isagoo saacaddii ku shaqeyn jiray $5.5. Markii uu dhintay 2014, akoonkiisa waxaa loogu tagay $8 milyan. Cidna ma dhicin, waxna ma xadin, wuxuu lacagtiisa ku maal gashan jiray suuqyada saamiyada (stocks), gaar ahaan shirkadaha loo yaqaano blue chip companies. Tusaale ahaan, haddii bishii aad meel dhigato $50 oo aad ku maal-gashato ganacsi ku siinaya 5%, marka aad gaarto da'da hawlgabka ee 70 jir, lacagtaasi waxay noqon kartaa ku dhawaad $600k – awoodda compounding ayey leeyihiin (the power of compounding).

Qawaaniintan waxay anfici karaan qofka mushaar ku shaqeeya ama meel uu leeyahay mushaar ka qaata, maadaama ay u sahlayaan in dhaqaalihiisa si xeeladaysan u kobciyo.

Fursadaha Shaqo Abuurka (Opportunities in Entrepreneurship)

Ganacsiyo badan oo cusub ayaa fursado fiican leh. Hay’adda Global Entrepreneurship Monitor (GEM) ayaa ku warbixisay in 50% dadka dunida ay ka shaqeeyaan ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah (Small and Medium Enterprises, SMEs). Maalin kasta fursad cusub baa taagan, balse fursad walba waxay leedahay waqti go’an oo looga faa’iideysto.

Tusaale, Bill Gates wuxuu isku dayay ganacsigiisa ugu horreeyay oo lagu magacaabo Traf-O-Data, kaas oo loogu talagalay in uu hagaajiyo isticmaalka gaadiidka dadweynaha, hase yeeshee wuu ku guuldarreystay. Markii dambe, wuxuu qaatay 7 sano oo uu qorayay barnaamijka Windows, kaas oo markii dambe guuleystay, ka dibna waxay noqotay shirkadda weyn ee Microsoft. Ustaadku wuxuu sheegay in fursad walba ay leedahay waqti go’an, marka wax walba waa in la qabtaa xilliga ugu habboon.

Ugu Dambeyn, Ustaadku wuxuu tilmaamay saddex meelood oo fursado muhiim ah oo dahabi ah oo ka jira xilligan la joogo, kuwaas oo kala ah:

1. Teknoolojiyada (Technology): AI iyo IoT (Internet of Things)
Teknoolojiyada, gaar ahaan AI iyo IoT, waxay leeyihiin fursado ganacsi oo muhiim ah. Haddii aad doonayso inaad abuurto ganacsi ama waxbarasho ku saabsan teknoolojiyadaas, waxay noqon karaan kuwo mustaqbalka faa'iido badan laga heli karo. Tusaale ahaan, sanadkii 2021, qiimaha suuqa AI wuxuu ahaa $58 bilyan, waxaana la saadaalinayaa inuu gaari doono $309 bilyan sanadka 2026. Haddii aad isku dayeyso inaad wax cusub abuurto, qaybahaas ayaa si weyn kuu anfici kara.

2. Tamarta La Cusboonaysiin Karto (Renewable Energy)
Tamarta la cusboonaysiin karo waxay leedahay koboc dhan 29%, mana jiraan wax kale oo tamar la xiriira oo kobac dhan sidaas u gaaraya. Soomaaliya waxay leedahay fursad weyn oo ay kaga faa'iideysan karto qoraxda iyo dabaysha, si tamar looga dhaliyo loona iibiyo, tusaale ahaan sida Jarmalka oo kale oo isticmaala maraakiib lagu xareeyo tamarta oo loo isticmaalo sidii bangi koronto oo dhaqso dib loogu buuxiyo, waxaana Soomaaliya u suurtagalinaysa in la sameeyo fursado cusub oo suuqa caalamka ku habboon.

3. Ganacsiga Internetka (E-commerce)
E-commerce waa mid ka mid ah waxyaabaha aadka u sii kordhaya, waxaana lagu qiyaasaa inuu gaaray qiimo dhan $6.4 tiriliyan, isagoo ku dhow suuqa Forex, wuxuuna haaf ka yahay guud ahaan qiimaha dahabka adduunka yaalla oo dhan. Ganacsiga internetka ayaa ah mid si xowli ah u fidaya, gaar ahaan xilligan ay dunidu u guurayso ganacsiga dijitaalka ah (digital commerce), markaa wuxuu leeyahay fursado aad u faa’iido badan oo ganacsiyada cusub ay ku horumari karaan.

Gabagabo

Ustaad Abdinoor wuxuu si qoto dheer u soo bandhigay talooyin ku saabsan sidii dhalinyarada ay ku gaari lahaayeen isku filnaansho dhaqaale. Barnaamijkan wuxuu ku dhiirrigelinayaa dhalinyarada inay helaan xirfado muhiim ah, in si wanaagsan loo maamulo dakhliga soo gala, iyo in la abuurto ganacsi. Sidoo kale, wuxuu soo jeediyay in si maskax furan looga faa'iideysto fursadaha ganacsi ee soo kordhaya sida teknoolojiyada, tamarta la cusboonaysiin karo, iyo ganacsiga internetka, kuwaas oo dhammaantood leh mustaqbal ifaya.

Linkiga muuqaalka oo dhammeystiran faalada hoose ayaan kuu dhigay.

Waxaa la ogaaday in 30% haddii qof la shaqaalaysiinayo laga fiiriyo inuu leeyahay Xirfadaha fudud (Soft Skills), halka 6...
18/03/2025

Waxaa la ogaaday in 30% haddii qof la shaqaalaysiinayo laga fiiriyo inuu leeyahay Xirfadaha fudud (Soft Skills), halka 62% laga fiiriyo xirfadaha Fudud iyo kuwa gacanta laga qabto (hard skills).
Seminaarka "Jiheynta Qalinjebiyayaasha Jaamacadda: Maxaa Kaaga Horreeya Suuqa Shaqada?" waxaa looga hadlay qodobadan muhiimka ah:

1. Fahamka Suuqa Shaqada

Sida loo falanqeeyo baahiyaha suuqa shaqada.

Noocyada shaqooyinka hadda la doonayo iyo kuwa mustaqbalka muhiimka noqon doona.

Sida isbeddelada teknoolojiyadu u saameeyaan fursadaha shaqo.

2. Xirfadaha Muhiimka ah ee Shaqo-raadinta

Sida loo dhiso xirfado la jaanqaadaya baahida suuqa shaqada.

Muhiimadda ay leedahay xirfadaha isgaarsiinta, hoggaaminta, iyo xalinta dhibaatooyinka.

Sida loo xoojiyo xirfadaha la xiriira teknoolojiyada casriga ah.

3. Diyaargarowga Shaqo-raadinta

Sida loo sameeyo CV iyo warqadda codsiga (Cover Letter) oo wanaagsan.

Sida looga adkaado wareysiyada shaqada.

Hababka dhismaha shabakadaha xirfadeed (Networking).

4. Fursadaha Ganacsi iyo Iskaa-wax-u-qabso

Sida qofku u bilaabi karo ganacsi yaryar (Entrepreneurship).

Sida loo helo maalgelin iyo taageero ganacsi.

Fursadaha shaqo-abuurka ee bulshada dhexdeeda.

5. Kobcinta Shakhsiyadda iyo Kalsoonida

Sida qofku ugu diyaargaroobi karo caqabadaha nolosha shaqada.

Hababka lagu xoojin karo hoggaaminta iyo kartida go'aan-qaadashada.

Sida qofku u kobcin karo maskax furan oo hal-abuur leh.

6. Doorka Teknolojiyada iyo Isbeddelada Casriga

Sida loo isticmaalo aaladaha casriga ah ee kor u qaadi kara fursadaha shaqo.

Hababka waxbarasho ee casriga ah ee lagu xoojin karo xirfadaha shaqo.
Engr Fowzan 61 5026616 @

Seminaarkan wuxuu bixiyay talooyin wax ku ool ah oo ka caawinaya dhalinyarada inay si fiican ugu diyaar garoobaan suuqa shaqada, iyagoo baranaya xirfado cusub, kobcinaya shabakado xirfadeed, iyo ka faa’iidaysanaya fursadaha shaqo ee jira.

3 seminar hada wax kabarato oo wax weyn nolashaada ka badali doona
18/03/2025

3 seminar hada wax kabarato oo wax weyn nolashaada ka badali doona

Address

Mogadishu

Telephone

+252615026616

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Engr fowzan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Engr fowzan:

Share