21/08/2025
*SOMALI TRANSLATION*
Doorasho Qof iyo Cod ah Waa Xalka Soomaaliya:
Qabyaaladda iyo Musuqmaasuqu waa labada caqabadood ee Soomaaliya burburiyay.
Musuqmaasuqa waa xaaraan Islaamku caddeeyay, lagamana aamusi karo.
Waxaa loo baahan yahay hoggaan daacad ah oo u istaaga ciribtirka musuqmaasuqa iyo qabyaaladda. Waana taan u taagnaa illaa iyo 2019-kii.
Doorashadii Dowladaha hoose ee Puntland:
Waxaa lagu qabtay nidaamka qof iyo codka.
Shacabku si toos ah ayay u doorteen cidda ay rabaan.
Tani waxay caddeyneysaa in shacabka Soomaaliyeed ay awood u leeyihiin doorasho toos ah. Taas oo ah taan lahaa waa dhici kartaa tan iyo 2019-kii.
Haddaba DFS waa in ay:
Doorashooyinka ku saleeyaan nidaamka qof iyo cod.
Siiso shacabka fursad ay codkooda ku gutaan.
Ka fogaato in awoodda ay gacanta u geliso xildhibaannada keliya.
Soomaaliya 35 sano ayay ku jirtay xaalad adag; shacabku ma istaahilo in mustaqbalkooda la dayaco.
Dhallinyarada Soomaaliyeed:
Qaar badan ayaa ku silcaya xabsiyada Liibiya iyo waddamo kale oo badan.
Waxay dareemayaan in aysan haysan dal iyo dowlad ilaalisa.
Tani waa masiibo qaran oo aan indhaha laga qabsan karin.
Gabagabo:
Shacabka waa inay helaan xaqooda dastuuriga ah.
Xukuumadda waa in aysan dib u dhigin doorashada qof iyo cod.
Waa fursadda kaliya ee lagu badbaadin karo mustaqbalka Soomaaliya.
————ENGLISH TRANSLATION———
One Person, One Vote is the Solution for Somalia:
Clan politics and corruption are the two main obstacles that have destroyed Somalia.
Corruption, which Islam clearly forbids, cannot be tolerated.
Somalia needs honest and principled leadership to eradicate corruption and tribalism. This has been my commitment since 2019.
The Puntland example:
Local elections were held through the one person, one vote system.
Citizens directly chose their representatives.
This proved what I have maintained since 2019: Somalis are capable of conducting direct elections.
The Federal Government of Somalia must:
Base national elections on one person, one vote.
Guarantee citizens their right to cast a ballot.
Avoid concentrating power solely in the hands of MPs.
For over 35 years, Somalia has endured hardship; its people do not deserve to see their future wasted again.
Somali youth:
Many are suffering in prisons in Libya and elsewhere.
They feel abandoned, without a country or government to protect them.
This is a national tragedy that cannot be ignored.
Conclusion:
The Somali people must be granted their constitutional right to vote.
The government must not delay one person, one vote elections.
This is the only path to save Somalia’s future.