Geeljire Times

Geeljire Times Bogga rasmiga ah ee Darka Ogaalka Geeljiretimes.com oo ku foogan kobcinta ogaalka Soomaalida.

Waxaa habboon in maamullada dhulka Soomaalida ka jira ku baraarugaan halista diyaaradaha daroonnada, isla markaas na la ...
28/01/2025

Waxaa habboon in maamullada dhulka Soomaalida ka jira ku baraarugaan halista diyaaradaha daroonnada, isla markaas na la dajiyo xeerar iyo sharciyo la xariiro isticmaalkooda iyo ka ganacsigoodana oo lagu dhaqmo. Sidoo kale in la maalgashto nidaamka la iskaga difaaco daroonnada ee C-UAS (Counter-Unmanned Aircraft System).

Qaraxyada baabuurta loo isticmaalo iyo dhagaxyada wadooyinka lagu xiro si qaraxyadaas looga hortago ayay suuragal tahay in ay suuqa ka baxaan oo xasuusta tagtada lagu illoobo, markaas na waxaa loo baahan doonaa dhagaxyadii hawada la dhigi lahaa si la isaga difaaco qaraxyada duulaya ee hawada ka soo degaya. Sidoo kale waxaa sheeko laga maantooleeyo noqon doona madaxda dalka ugu sarreysa oo furimaha dagaalka oo hawada u furan si shaacsane ah u booqda.

Isbadalka, horumarinta iyo awoodda daroonnada rayidka maalinba maalinta ka dambeysa waa ay sii xoogeysaneysaa, waxaa na macquul ah in sannadada soo socdo aad u sii horumarto. Waxaa na barbar socda horumar laga gaarayo nidaamyada la iskaga caabbiyo, labadaas ba kaliya waxaa ka faa'iidi doonta cidii ku baraarugsan oo farsamadeeda iyo aqoonteeda na baadigoobta.

—Geeljire Times, 2024.

Halista iyo fursadaha isticmaalka ciidan ee diyaaradaha daroonta shacabka.

Jabhaddii Bariga Afrika (Jabhaddii Shisheeyaha) Weerarkii Dharjaale kaddib, Soomaali badan oo aan aad ula socon amniga d...
06/01/2025

Jabhaddii Bariga Afrika (Jabhaddii Shisheeyaha)

Weerarkii Dharjaale kaddib, Soomaali badan oo aan aad ula socon amniga dalka iyo dhaqdhaqaaqa kooxaha mooryaan diimeedka ah ayaa la yaabay sida koox ajaanib soocan ah ay dhulka Soomaalida weerar intaas la eg uga fuliyeen.

Taas wax ka daran ayaa soo maray dalka sannadkii 2015 markii ay kooxaha AS iyo Daacish xagjirnimada ku kala guureen. Ajaanib badan oo AS ka tirsaneyd ayaa fikirka Daacish ku qancay oo kooxdaas raacay markii ay soo ifbaxeen, kaddib kooxda AS ayaa dil iyo xabsi iskugu dartay xubnihii ka fallaagoobay. Koox ka mid ah shisheeyihii ka badbaaday seefta Axmed Godane iyo Axmed Diiriye ayaa xadka Jubbada Hoose iyo Kenya isku arursaday, kaddibna sameystay urur ay ku magacaabeen Jabhadda Bariga Afrika (Jabha East Africa). Xubnaha jabhaddaas ayaa ahaa ajaanib sooc ah.

Ugu dambeeyn jabhaddaas ma hanaqaadin, oo kooxda AS ayaa aad u ugaarsatay, qaarna buuraha Bari ayeey aadeen. Ajaanibta dalka u timid gumaadka iyo gumeynta dadka Soomaalida ee kumannaanka ah, waxaa hubaal ah in ay awood dheeri ah oo ugu dambeeyn waxba laga qaban Karin yeelan doonnaan haddii aan la ciribtirin inta ay yar yihiin.

Qaab-dhismeedka Kooxda Daacish Soomaaliya sidee? Qabiillada ay Hoggaanka Kooxdu ku abtirsadaan waa kuwee? Aqriso maqaal ...
04/01/2025

Qaab-dhismeedka Kooxda Daacish Soomaaliya sidee? Qabiillada ay Hoggaanka Kooxdu ku abtirsadaan waa kuwee?

Aqriso maqaal dabagal ah oo Geeljire Times lagu daabacay sannadkii h**e.

Kooxaha xagjirka ah Qabyaaladda ma iska dhowraan?

Kaddib weerarkii Dharjaale ee ay kooxda Daacish ku qaadday Ciidanka Puntland oo ay fuliyeen 12 dagaalyahan oo dhammaanto...
02/01/2025

Kaddib weerarkii Dharjaale ee ay kooxda Daacish ku qaadday Ciidanka Puntland oo ay fuliyeen 12 dagaalyahan oo dhammaantood shisheeye ahaa, dadka Soomaalida ayaa ku baraarugay kaalinta argagixisada ajnabiga ah ee buuraha Calmiskaad ku sugan.

Si gaar ah waxaa la is weydiinayaa xubnaha badan ee ka yimid dalka Marooko/Maqrib oo aan ka mid aheyn dalalka ay ka howlgalaan kooxaha jihaadiyiinta ah xiriirka Soomaaliya kala dhexeeya?

Wadaadkan waxaa lagu magacaabaa Cumar Xaduushi, waa Marookaan ku nool dalkiisa hooyo. Sannadkii 2013 markii ay madaxdii kooxda AS isku dhaceen ee uu Axmed Cabdi Godane raggii ka soo horjeeday qeyb na laayay qaar na xabsiga ku guray ayuu farriintan hanjabaadda ah oo cinwaankeedu yahay: "Xarakada Alshabaab waxa aan ka dalbaneynaa in ay caddeyso halka ay ku danbeeyeen Sheekhyada iyo walaalaha ku afduuban Xabsiyadeeda!" qoray, waxaa na Facebook lagu faafiyay sannadkii 2015.

Farriinta waxaa ku xusan horjoogayaal badan oo caan ah iyo kuwo ajnabi ah oo aaney Soomaalidu si fiican u aqoon, middaas oo muujineysa sida uu xogogaal ugu ahaa madaxda kooxda iyo arrimaha dhexdeeda ka jiray. Magacyada ku xusan farriintan waxaa ka mid ah:

Ibraahim Afqaan
Xasan Daahir Aweys
Macallin Burhaan
Mukhtaar Rooboow
Abuu Mansuur Al-Amriiki
Zubeyr Al-Muhaajir (Bilaal Al-Suudaani)
Sheekh Abuu Kheybar Al-Ansaari
Usaama Al-Biritani
Abuu Dalxa Al-Somali
Xikmatyar Al-Shimaali
Cabdirabi Aldaxdaax
Mukhtaar Qani
Axmed Al-Ansaari.

Hadalkiisa waxaa ka mid ah: “Waxaan ku qasbi doonnaa Dhaaqiyada (qooqaaga) Abuu Zubeyr (Axmed Godane) in uu caddeeyo ragga weli nool meesha uu ku haayo!” erayadan oo ah kuwa ay kooxda Daacish u adeegsadaan dhiggooda AS.

Isla sannadkaas 2015 waa sannadkii xagjirnimada lagu kala guuray oo uu Cabdulqaadir Muumin inta koox yar gaar u leexsaday garabka Daacish ee Soomaaliya buuraha gobolka Bari uga dhawaaqay. Ragga maqaalka wadaadka Marooko ku xasan qaar ka mid ah na waxa ay noqdeen hoggaanka kooxda Daacish ee Bariga Afrika sida Bilaal Al-Suudaani oo sannadkii 2023 ciidanka Mareykanku buuraha Calmiskaad ku dileen.

Wadaadkan Marookaanka ah ilaa hadda si nabad ah ayuu dalkiisa ugu nool yahay casharro ayuu na ka bixiyaa boggiisa Facebook oo uu muuqaal ka soo galo.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hubka Israa’iil! Kaddib duullaankii ay Israa’iil Qasa ku qaadday waxaa dunida oo idil ka kacay...
01/08/2024

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hubka Israa’iil!

Kaddib duullaankii ay Israa’iil Qasa ku qaadday waxaa dunida oo idil ka kacay olole lagu cunoqabateynayo warshadaha Israa’iil, iyo shirkadaha waaweyn ee xariirka la leh dowladda Israa’iil. Balse arrinkaas mid ka baddalan ayaa Villa Somalia ka socota, taas oo ah taageeridda waxsoosaarka Israa’iil iyo ka iibsiga hubka warshadaha Israa’iil.

Qoriga uu ku hubeysan yahay wiilka Xasan Sheekh Maxamuud iyo askariyadda sawirkeedu idiin muuqdo oo ka mid ah ciidanka koofiyadcasta ilaaliya Madaxweynaha Soomaaliya waxaa la dhahaa IWI Galile Ace-31, waa qori caan ah oo ay farsameyso Warshadda Difaaca Israa’iil, Waxaa na aad u isticmaala ciidanka ka Israa’iil, oo uu u yahay qalabkooda koobaad ee dagaalka.

Sida muuqata qoriga waxaa ku xiran muraayadaha diiradda ee meelaha fog toogasho saxan looga sameeyo. Muraayadahaas waxaa sameyso shirkada MEPROLIGHT Sk Group Member oo fadhigeedu yahay magaalada Akiva oo 39km galbeedka ka xigta magaalada Telaabiib (Yafa).

Sannadkii 2023 ayay Israa’iil dalal badan, oo sidda la rumeysan yahay ay Soomaaliya ka mid tahay, u ogolaatay in ay hubkeeda iibsan karaan, lagana iibin karo.

Xiligaan oo uu si xad-ka-bax ah u socdo xasuuqa reer Falastiin, dadkii yurub ku noolaa xitaa xannibaad ganacsi (boycott) ku sameynayaan shirkadaha Israa’iil iyo kuwa xariir uun la leh maxaa keenay in dowladda Soomaaliya ay hubka Israa’iil soo iibsato?

Masuuliyad intee la eg ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku leeyahay qoryaha caruurta Falastiin lagu laynayo in lagula garab xarragoodo, waliba asaga oo lacagtii canshuurta danyarta shacabka Soomaalida laga qaaday ku shubay jeebka Wasaaradda Difaaca Israa’iil oo uu hub uga soo iibsaday?

©️ Geeljire Times | Darka Ogaalka

26/04/2024

Gabayga Galliin iyo Col. Cismaan Cilmi Guure (Cukaash) 2014

Gabaygan waxaa la tiriyay 2014 mar ay CXDS ka cabanayeen musuqmaasuq ka jiray Saadka iyo Mushaarka ciidanka.

Gabaygan dartiis Col. Cukaash waxa uu xabsi ugu jiray muddo sannad ah oo maxkamad lagu soo taagay ugu danbeyn na danbi lagu waayay.

Maxaa iska beddelay hoggaanka kooxda AS tan iyo 2018 markii cilmibaaristan lagu faafiyay machadka daraasaadka amniga ee ...
22/04/2024

Maxaa iska beddelay hoggaanka kooxda AS tan iyo 2018 markii cilmibaaristan lagu faafiyay machadka daraasaadka amniga ee Hiraal Institute?

Kaalin noocee ah ayuu Qabiilka iyo danaha gaarka ah ugu jiraan kooxaha jihaadiyiinta ah ee sheegta in ay mabda' diimeed ku dagaallamaan?

"Talo Soo Jeedin: Waxaa habboon in maamullada dhulka Soomaalida ka jira ku baraarugaan halista diyaaradaha daroonnada, i...
17/04/2024

"Talo Soo Jeedin: Waxaa habboon in maamullada dhulka Soomaalida ka jira ku baraarugaan halista diyaaradaha daroonnada, isla markaas na la dajiyo xeerar iyo sharciyo la xariiro isticmaalkooda iyo ka ganacsigoodana oo lagu dhaqmo. Sidoo kale in la maalgashto nidaamka la iskaga difaaco daroonnada ee C-UAS (Counter-Unmanned Aircraft System).

Qaraxyada baabuurta loo isticmaalo iyo dhagaxyada wadooyinka lagu xiro si qaraxyadaas looga hortago ayay suuragal tahay in ay suuqa ka baxaan oo xasuusta tagtada lagu illoobo, markaas na waxaa loo baahan doonaa dhagaxyadii hawada la dhigi lahaa si la isaga difaaco qaraxyada duulaya ee hawada ka soo degaya." —Geeljire Times.

Maqaalka oo faahfaahsan halkan ka daalaco:

https://www.geeljiretimes.com/amniga/2024/04/16/diyaaradaha-daroonka-boqorka-cusub-ee-dagaalka

Gantaallada Riddada Dhexe ee Iiraan Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa heysatay gantaallo dhowr ah oo si toos ah ...
13/04/2024

Gantaallada Riddada Dhexe ee Iiraan

Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa heysatay gantaallo dhowr ah oo si toos ah u garaaci kara Israa’iil. Gantaallada Riddad Dhexe ee Baalistigga oo ay Tehraan ku gaashaaman tahay ayaa gaari kara dhammaan dhulka Israa’iil.

Dariiqii Sheekh Aadan Sunne?Maamulka somaliland ayaa bishii Maarso dhexdeeda xabsiga ka sii daayay Ismaaciil Xaaji oo mu...
08/04/2024

Dariiqii Sheekh Aadan Sunne?

Maamulka somaliland ayaa bishii Maarso dhexdeeda xabsiga ka sii daayay Ismaaciil Xaaji oo muddo saddex sano ku dhow u xirnaa in uu kooxda Alshabaab xiriir la leeyahay.

Ismaaciil oo ahaa mid ka mid ah macallimiinta magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Soomaaliland, waxa uu na ka shaqeeyn jiray dugsi lagu magacaabo Galaydh Academy oo casharro online ah bixiya.

Ismaaciil Xaaji ayaa taageero weyn u ahaa kooxda xagjirka ah ee AS, asaga oo bartiisa Facebook Ku soo gudbin jiray wararka warbaahinta kooxda AS, sidoo kale na waxa uu difaaci jiray fikirka iyo aragtida kooxda.

La ma oga in Ismaaciil ka noqday fikirkii iyo aragtidii h**e ee loo xiray, iyo in uu raaci doono jidkii raggii ay isku degaanka ahaayeen ee Jilib u naqraacay.

05/04/2024

In a recent development, Somalia has announced the appointment of Abdullahi Mohamed Ali, also known as Sanbaloolshe, as the head of the National Intelligence and Security Agency (NISA). With a distinguished background in National Intelligence and Security activities, the new director is expected to....

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Geeljire Times posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Geeljire Times:

Share