07/10/2026
Khilaaf ayaa ka dhex qarxay Madaxweyne Xasan iyo Hoggaamiyaha loo xushay Galmudug Liibaan Axmed Xasan.
Khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hoggaamiyaha la xushay ee Galmudug Liibaan Axmed Xasan ayaa ku qotoma xulashada Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.
Madaxweyne Xasan ayaa doonaya in kaarka JSP ee Madaxwayne ku xigeenka la siiyo Faarax Cabdi Xasan, oo hadda ka tirsan Guddiga Doorashooyinka. Hase yeeshee, Liibaan Axmed Xasan ayaa ka biyo diiday, isagoo sheegay in aysan wada shaqayn karin.
Dhanka kale, Hoggaamiye Liibaan ayaa doonaya in Madaxweyne ku-xigeenka loo xusho Cabdiqani Sheekh Cali Diini, oo ah ganacsade dagan Mareekanka balse deeganada Caabduwaaq iyo balanbale saamen wayn ku leh isla markaana ku lug leh siyaasadda Reerkiisa,Hase yeeshee, magacaas waxaa si isku mid ah u diiday Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Khilaafkan ayaa noqonaya khilaafkii ugu horreeyay ee si muuqata uga dhex qarxa Madaxweyne Xasan iyo Hoggaamiye Liibaan. Weli lama oga inta uu khilaafku socon doono, iyo in ugu dambayn heshiis laga gaari doono ama midkood uu tanaasuli doono.Khilaaf ayaa ka dhex qarxay Madaxweyne Xasan iyo Hoggaamiyaha loo xushay Galmudug Liibaan Axmed Xasan.
Khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hoggaamiyaha la xushay ee Galmudug Liibaan Axmed Xasan ayaa ku qotoma xulashada Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.
Madaxweyne Xasan ayaa doonaya in kaarka JSP ee Madaxwayne ku xigeenka la siiyo Faarax Cabdi Xasan, oo hadda ka tirsan Guddiga Doorashooyinka. Hase yeeshee, Liibaan Axmed Xasan ayaa ka biyo diiday, isagoo sheegay in aysan wada shaqayn karin.
Dhanka kale, Hoggaamiye Liibaan ayaa doonaya in Madaxweyne ku-xigeenka loo xusho Cabdiqani Sheekh Cali Diini, oo ah ganacsade dagan Mareekanka balse deeganada Caabduwaaq iyo balanbale saamen wayn ku leh isla markaana ku lug leh siyaasadda Reerkiisa,Hase yeeshee, magacaas waxaa si isku mid ah u diiday Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Khilaafkan ayaa noqonaya khilaafkii ugu horreeyay ee si muuqata uga dhex qarxa Madaxweyne Xasan iyo Hoggaamiye Liibaan. Weli lama oga inta uu khilaafku socon doono, iyo in ugu dambayn heshiis laga gaari doono ama midkood uu tanaasuli doono.