Nagiib osman

Nagiib osman personal blog

Waxaa istaagay dhamn isku socodki gaadiidka bulshada waxan lawada xidhy wadooyinka halbawlaha ah  ee muqdisho Rabiyasir
25/04/2021

Waxaa istaagay dhamn isku socodki gaadiidka bulshada waxan lawada xidhy wadooyinka halbawlaha ah ee muqdisho

Rabiyasir

15/01/2021

Waa wareysigii lagu difaacayay hishiiska bada!

15/01/2021

Adiga muxuu kugu soo kordhiye?

Madaxwayne biixo ayaa  ka anbabaxey casimada hargysa Kuna sii jeda keniya
13/12/2020

Madaxwayne biixo ayaa ka anbabaxey casimada hargysa
Kuna sii jeda keniya

13/12/2020

Sheeko

Wiil reer waqooyi ah baa xamar tagay kadib wuxuu shukaansaday gabadh reer muqdisho ah, habeen ayuu casho geeyay gabadhii jeebkiisuna ma fiicnayn wiilka.
Casho kadib gabadhii ayaa wiilkii mudalabka ahaa ka dalbatay istakiin iyo istaraasho๐Ÿ˜‚

Wiilkii baa soo booday oo yidhi waar ha u keenin cunta badanaa qoftu๐Ÿ˜‚๐Ÿ˜‚

13/12/2020

Darka ceelkiyo
Muska xeraduba
Kaa da, waynoo
Waa ma guuraan

Maxaa luugu heesaa

Wuxuu soo qabtay Telfoonkiisa wuxuuna la xiriiray saaxiibkiis kuna yiri: Hooyadeey ayaa Xanuunsan, mana heysto Lacag aan...
13/12/2020

Wuxuu soo qabtay Telfoonkiisa wuxuuna la xiriiray saaxiibkiis kuna yiri: Hooyadeey ayaa Xanuunsan, mana heysto Lacag aan ugu soo iibiyo daawo, Saaxiibkiis ayaa ugu Jawaabay , wey dhantahay isoo wac , casirka kadib.

Sidii ayuu sameeyay wuxuuna la xiriiray Casirka kadib, laakiin Telfoonkiisa wuxuu ahaa mid densan, dhowr jeer buu ku celceliyay iyadoo aysan waxba isbedelin, wuu ku daalay wicitaankii, Wuxuu billaabay in uu raadiyo cid uu ka amaahdo ( Deensado) qarashka dawada, laakiin nasiib darro ma uusan helin cid deymisa, wuxuu dareemay In adduunyada dhan ay ciriiri ku noqotay, wuxuu aad uga murugooday Hooyadiis, Mana garanayo wuxuu sameeyo,

Guriga ayuu isaga soo noqday isagoo niyad jabsan, Wuxuu arkay Hooyadiis oo istareex u huruda agteedana ay taallo bac daawo ah, Walaashiis ayuu weydiiyay cidda u keentay Dawada?
Waxay ku tiri: waxaa yimid saaxiibkaa wuxuuna qaaday Warqadda dhaqtarka , wuxuuna u soo iibshay dawada, waxyar ka hor ayuuna tagay.

Wuu qoslay, illin ayaana ka timid indhihiisa, wuxuu baxay isagoo deg degaya, si uu u raadiyo saaxiibkiis, illaa uu ka helo.

Wuxuu yiri: waxaan ku soo wacayay tan iyo Casirkii telfoonkaadana wuu dansanaa, saaxiibkiis ayaa ugu jawaabay, waan iska gaday telfoonkeyga , waxaana daawo ugu soo iibiyay Hooyadeen..

Saxiibtinimadu ma'aha liiska dheer ee Magacyada Shaqsiyaadka kaaga buuxa Telfoonkaaga, balse waa in ay jiraan Shaqsiyaad ku taageeri kara xilliyada aad awooda leedahay iyo markaad taagdarantahay intaba,

Rasuulka NNKH waa kii yiri :

(( ุงู„ู…ุฑุฃ ุนู„ู‰ ุฏูŠู† ุฎู„ูŠู„ู‡ ูู„ูŠู†ุธุฑ ุฃุญุฏูƒู… ุงู„ุฆ ู…ู† ูŠุฎุงู„ู„))

(( qofku waxa uu ku diinyahay Saaxiibkiis ee qofkiin ha iska fiiriyo cidda uu la Saaxiibaayo)).

Haddaad dhameysatay ku Salli Nabiigeena SCW.
---------------------------------
XIGASHO:: by: Abdirizak Atosh

06/12/2020

Xigmadda Soomaalida.

Boqol jir xagee ka daynaa?
Qabri iyo qoryo hoostood ka daya

Sagaashan jir xagee ka daynaa?
Salli iyo sariir dusheed ka daya

Sideetan jir xagee ka daynaa?
Sabada reerka ka daya

Todobaatan jir xagee ka daynaa?
Tawxiid iyo tusbax ka daya.

Lixdan jir xagee ka daynaa?
Lexejeclo ka daya

Konton jir xagee ka daynaa?
Arin ka daya

Afartan jir xagee ka daynaa?
Awood ka daya

Sodon jir xagee ka daynaa?
Hadal iyo hareed gadh ka daya

Labaatan jir xagee ka daynaa?
Hurdo iyo hawl fudud ka daya

Toban jir xagee ka daynaa?
Hunguri ka daya.

Xigasho buugga Murti iyo Mahadhooyon.

Address

Mogadishu
252

Telephone

+252614159642

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Nagiib osman posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share